Tariq Bitar: Waa kuma garsooraha sababta u ah iskudhacyadii dhiigga ku daatay ee Lubnaan?

Published

Agagaarka goobta ay ku taallo xarunta caddaaladda ee magaalada Beyruut ee caasimadda u ah dalka Lubnaan ayaa saldhig u noqotay is rasaaseyn ay ku dhinteen ugu yaraan lix ruux, halka 32 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkan oo la isu adeegsaday hub ay ka mid yihiin madaafiic iyo bambooyin ayaa kusoo aaday xilli ay dad is abaabulay oo kala taageersan labada urur ee Xisbullaah iyo Amal ay sameynayeen mudaharaad ay ku dalbanayeen inuu is casilo garsoore lagu magacaabo Tariq Bitar, oo loo xil saaray inuu baaritaan ku sameeyo kiiska la xiriira qarixii weynaa ee sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay Dekedda Beyruut.

Waxaa lasoo tabiyay in askarta u tababaran shiishka oo ah masiixyiin ka tirsan ciidanka dowladda Lubnaan ay soo toogteen dadka mudaharaadayay - inkastoo sheegashadaas ay beeniyeen taliska ciidanka Lubnaan.

In muddo ahba xiisad weyn ayaa ka taagneyd sida loo baarayo qarixii musiibada ahaa ee ay ku dhinteen 219 qof, in ka badan 6,000 oo ruuxna ku dhaawacmeen.

Ururka Xisbullah iyo xulafadiisa ayaa sheegay in garsooraha uu yahay qof aan caddaalad ku dhaqmin, balse qoysaska dadka ku waxyeelloobay qaraxa ayaa taageersan shaqadiisa.

Ilaa hadda ma jirto cid loo qabtay mas'uuliyadda qarixii caasimadda Lubnaan gilgilay bishii August ee sanadkii 2020-kii.

Ra'iisul Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati, oo ka jawaabaya israsaaseynta dhimashada sababtay - oo ahayd tii ugu xumeyd ee muddo sannado ah ka dhacda dalkaas - ayaa ku dhawaaqay hal maalin oo baroor diiq ah.

Dhanka kale, madaxweyne Michel Aoun ayaa yiri: "Ma oggolaan doonno inay waddanka afduub ku heystaan dad danahooda eeganaya."

Waa kuma garsooraha ay arrintu salka ku hayso?

Dhowr bilood kaddib baaritaannadii qarixii Beyruut ee 2020-kii, garsoore Tariq Bitar waxa uu dhexda ka galay dagaal siyaasadeed oo u dhaxeeya xoogag isaga soo horjeeda Lubnaan.

Bitar waxaa bishii February ee sanadkan 2021-ka loo xushay inuu baaritaan ku sameeyo qarixii Beyruut, isagoo baddalay Fadi Sawan, oo ay maxkamadda Dambiyada amar ku bixisay in shaqadaas laga joojiyo. Maxkamadda ayaa tallaabadaas ku dhaqaaqday kaddib markii garsooruhu uu dalbaday in su'aalo la weydiiyo Ra'iisul Wasaarihii hore ee Lubnaan Hassan Diab iyo saddex wasiir oo hore.

Dad badan oo reer Lubnaan ah waxay Bitar u arkaan nin aan la fahmi karin oo arrimo jahwareer ah ay ku hareereysan yihiin, maadaama uusan badanaa ka hadlin warbaahinta, meelaha fagaareyaasha ahna kasoo muuqanin.

Kiiska uu gacanta ku hayo waa kiiskii ugu weynaa ee dalka Lubnaan wixii ka dmabeeyay dilkii lagu khaarijiyay Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Rafiiq Xariiri, sanadkii 2005-tii.

Waxa uu ku dhashay magaalada Aidmon ee gobolka Akkar sanadkii 1974-kii, sida ay sheegeen warbaahinta Lubnaan. Waxbarashada dhinaca garsoorka waxa uu ku biiray sanadkii 1999-kii.

Garsooraha xukunka

Bitar waxa uu garsoore kasoo ahaa maxkamad ku taalla magaalada Tripoli ee dalka Liibiya intii u dhaxeysay sanadihii 2004-tii ilaa 2010-kii, isagoo ay soo mareen kiisas la xiriira dambiyo maaliyadeed.

Kaddib waddanka Lubnaan ayaa looga magacaabay inuu noqdo dacwad ooge guud oo ka howl gala waqooyiga dalkaas, sanadkii 2017-kii. Waxa uu hayay kiisas ka dhan ah qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo wariyeyaasha caanka ka ah waddankaas.

Xilli uu ahaa madaxa maxkamadda, waxa uu ku lug yeeshay kiisas badan oo soo jiitay hadal heynta shacabka, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen dacwado la xiriiray dil, daroogo dhoofin iyo tahriibinta dadka, qaar ka mid ah go'aannadii uu maxkamadda kasoo saarayna waxaa loo arkayay kuwo aad u qallafsan.

Bishii May ee sanadkan, Magaca Bitar waxa uu si weyn u qabsaday hadal heunta dadweynaha kaddib markii uu soo saaray xukun ku saabsanaa gabar faraha looga gooyay khalad caafimaad awgiis.

Waxa uu amar ku bixiyay in dadka khasaarahaas geystay ay qoyska gabadha siiyaan lacag magdhow ah oo gaareysa qiyaastii $600,000 oo doolar. Waxa uu sidoo kale xukunkiisa ku amray in gabadha loo qoro mushaar ay ay bil walba qaadato inta nolosheeda ka harsan.

Eedeymo la xiriira siyaasadeyn

Shantii bilood ee ugu horreysay kaddib markii loo magacaabay baaritaannada qarixii Beyruut, Bitar waxa uu ku mashquulsanaa inuu u kuur galo kiiska iyo macluumaadkii laga aruuriyay, sidoo kalena uu dhageysto maqkhaatiyaasha. Waxa uu dalbaday in la sii daayo qaar ka mid ah dadkii xabsiga loo dhigay dhacdadaas awgeed.

Hase yeeshee, tan iyo bishii July waxa uu lugaha la galay isku dhacyo siyaasadeed kaddib markii uu codsaday in xasaanadda baarlamaanka laga qaado wasiir hore oo hadda xildhibaan ah, oo lagu magacaabo Nohad Al-Machnouk iyo sidoo kale xildhibaan Ghazi Zuaiter, kuwaasoo uu labadoodaba u diyaarinayay inuu dacwado kusoo oogo.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in su'aalo la weydiiyo qaar ka mid ah saraakiisha dowladda, oo ay ka mid yihiin mas'uuliyiin hore oo amniga kasoo shaqeeyay.

Kaddib, bishii August waxa uu soo saaray amar uu ku dalbanayo inuu maxkamad hortago Ra'iisul Wasaarihii ku meel gaarka ahaa ee xilligaas, Hassan Diab, ka hor inta aan la gaarin xilligii uu u qabtay in su'aalaha la weydiiyo oo ku beegneyd 20-kii bishii September.

Balse si la mid ah sida ninkii howshan uga horreeyay ee uu kala wareegay baaritaanka qaraxa, waxaa ka hor yimid caqabado. Qaar ka mid ah caqabadahaas waa kuwo isugu jira dhinaca sharciga iyo dastuurka, maadaama uu doonayay inuu xasaanadda ka xayuubiyo siyaasiyiin uu dastuurka u oggol yahay inay ku naalloodaan ilaalinta uu siiyay sharciga, tallaabana aan laga qaadin karin haddii eedeymo loo jeediyo.

Inkastoo Bitar uu ku guul darreystay inuu helo awood uu su'aalo ku weydiiyo ama kula xisaabtamo dhammana dadkii uu ku raad joogay, waxaa xigtay in uu wajaho mowjado eedeymo ah oo loogu jeedinayo inuu yahay nin siyaasadeynaya kiiska loo dhiibay, ugana faa'iideysanaya inuu ku bartilmaameedsado shakhsiyaad gaar ah oo siyaasiyiin ah, halka kuwo kalena uu ka leexanayo.

Ilaa hadda waxaa isasoo tarayay dalabka lagu doonayo inuu iska casilo howsha loo igmaday, waxaana shalay oo u dambeysay mudaharaadyadii isaga looga soo horjeeday ka dhashay israsaaseyn culus oo uu dhiig ku daatay.

Xaaladda ayaa hadda xasilan gudaha magaalada Beyruut, laakiin lama oga sida ay arrintu ku biyo shuban doonto, maadaama ay xiisad adag taagan tahay.

Tariq Bitar garsoore ahaan wuu sii wadan doonaa shaqadiisa ku aaddan baaritaanka qarixii Beyruut, sida uu qabo amarka maxkamadda, balse waxaa sii taagnaan doona arrimaha siyaasadeed ee hareeyay howshiisa.