Awoodda ciidanka kaydka Ruushka ma si xawli ah ayuu u kordhayaa?

Published

Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday in la kordhin doono tirada militariga ee dalkaas.

Hase yeeshee, Bogagga ka hadla macluumaadka noocaas ah ee ku baaqa in muwaadiniinta ku soo biiraan hawsha ciidanka, weli ma aysan qorin xogtaas wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Askarta kaydka ah waxaa laga rabi doonaa in ay heshiis la saxiixdaan Wasaaradda Gaashaandhigga, si ay u helaan lacag iyo inay ka qayb qaataan tababarka militari. Habraacaan ayaa la tijaabinayay illaa 2016.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in dadka rayidka ah ee kaydka u ah askarta ay sidoo kale ka qeyb qaadan doonaan tababarka milatari oo ka ka dhacaya aagga Kaliningrad.

Wasaaradda ma sheegin tirada dheraadka ee askarta kaydka ah ee ay militariga u baahan yihiin.

Mashruuc aan la aqoonin

Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaa jiray warbixinno ka muuqday shabakadaha rasmiga ah ee dalkaas, kuwaas oo dadka loogu baaqayay inay ka qeybgalaan tababarka hoose ee barnaamijka BARS-2021 ee (Boyevoy Armeyskiy - kaydka ciidanka dalka).

Balse macluumaadkaas ayaa markan keenay kala duwanaansho aad u weyn, qaab ahaan iyo waliba nuxurkiisa.

Tusaale ahaan, bogga degmada Waqooyiga ee Moscow ayaalagu daabacay warbixin qoto-dheer oo tibaaxaysa "heerarka ugu sarreeya ee tababarka ee ka heli karo meel kasta oo uu qofku joogo". Taas oo micneheedu yahay cutubka kaydka.

Sidoo kale mas'uuliyiinta Veliky Novgorod, waxay sameeyeen muuqaallo gaagaaban oo ku saabsan dhallinyarada tagaya xarunta guud ee ciidanka ee doonaya in ay askarta ku biiraan.

Ma jiro dokumenti kale oo lagu daabacay warbaahinta oo ku saabsan bilaabista mashruuca BARS-2021 balse ciidankan waxaa la wici karaa markasta si ay uga qayb qaadato dhaqdhaqaaqa difaaca qaranka.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan mashruucan cusub oo ee lagu daabacay bogagga wasaaradda difaaca Ruushka.

BBC laanta afka Ruushka ayaa codsi u dirtay Wasaaradda Gaashaandhigga si ay u ogaato cidda mashruucan ku lugta leh iyo xiriirka uu la leeyahay wasaaradda gaashaandhigga, hase yeeshee weli jawaab lagama hayo.

Waa kuwee askarta keydka u ah Ruushka?

Sida laga soo xigtay barta internetka ee bar2021.tilda.ws, "Dhaqdhaqaqa askarta kaydk ah" waa mid looga baahan yahay in dadka ka midka ah ay yihiin kuwo si degdeg ah loo heli karo marka loo baahdo, diyaarna u ah hwolgallada.

Si kale haddii loo dhigo, kuwa ku jira kaydka waxay sii wadan doonaan inay ku noolaadaan xaaladaha caadiga ah, mar walbana waxay heli doonaan dheera gelin.

Sharciga cusub wuxuu ka duwan yahay kii xilligii Midowgii Soofiyeeti, markaas oo qof kasta oo ka mid ahaa ciidammada looga baahnaa inuu wax ka barto waaxyaha militari ee jaamacadaha, uuna sidaasi uga mid yahay keydka militariga.

Hannaankaas, keydka askarta, waxaa shuruud u ah in qofka ay da'diisu tahay inta u dhaxeysa 35 iyo 70 sano, taas oo ku xiran booska aad hayso.

Haddii uu dagaal dhaco, dadka rayidka ah ee kaydka u ah ciidanka, waxaa lagu darayaa militariga ka qeybgalaya dagaalkaas.

Fikradda ah in la naqshadeeyo ciidanka kaydka ayaa gacan ka geysanaysa hubinta ah in xirfadihii hore aan la iloobin oo xirfadaha hadda jira lagu laro oo la siiyo tababaro joogto ah.

Sidaa darteed, faa'iidooyin kala duwan iyo kaalmo maaliyadeed ayaa la siinayaa kuwa ku biira ciidanka kaydka.

Marka ay saxiixaan heshiiska, waxaa la siin doonaa lacag, mushaarkooda waxaa lagu kordhin doonaa 10% waxaana la gaarsiin doonaa 50%, illaa 20-ka sano ee ay "qaranka u shaqeynayaan."

Maxay tahay sababta Ruushka ugu baahan yahay in dad badan ay ku biiraan ciidanka kaydka ah?

Horraantii bishii August ee sannadkan, Konstantin Zapatotsky, madaxa waaxda abaabulka ee militariga, ayaa sheegay in wasaaradda ay qorsheysay in ay sameysato ciidan gaaraya 38,000 oo kayd ah, illaa dhammaadka September.

Markii hore ciidanka keydka wuxuu ka koobnaa 400 oo qof. Taas waa tirada keliya ee uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca. Si kastaba ha ahaatee, website-ka bar2021.tilda.ws ayaa daabacay in muwaadiniin diiwaangashan la shaqaaleysiiyay.

Khabiirka arrimaha militariga ee Ruushka Alexander Golts ayaa maqaalkiisa ku qoray website-ka Jamhuuriga ee dowladda, in ay jiri karaan laba sababood oo keenaya in si degdeg ah loogu kordhin karo ciidamada kaydka - u diyaargarowga dagaal weyn ama xilli ku-meel-gaar ah oo lagu samaynayo heshiisyo militari.

Khabiir kale oo ka tirsan militariga Ruushka, oo la yirahdo Viktor Murakhovsky, ayaa sheegay in qorshaha kordhinta tirada askarta keydka ah ay muujineyso in wasaaradda ay raadineyso dhaqaale.

Murakhovsky ayaa sheegaya in militariga Ruushka ay adeegsadeen mabaadii'da nidaamka Mareykanka ee naqshadaynta ciidanka kaydka ah.

Murakhovsky wuxuu rumeysan yahay in xilliga ku-meelgaarka ah ee Ruushka ee nidaamka militeri ee qandaraaska leh, ay sababi karto dhibaatooyin ku aaddan in ciidammadaasi xilliyada colaadaha lageeyo gobaha uu dagaalka ka socdo.

Wuxuu ku qiyaasay in tirada ciidanka kaydka ee Ruushka ay tahay 150,000.