Wax ka ogow baxsashada, dib u soo qabashadooda iyo waxa ku dhici doona maxaabiistan?

Palestinian Ayham Kamamji, 35, is surrounded by Israeli police officers as he appears at the magistrates' court in the northern Israeli city of Nazareth, on September 19, 2021

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah maxaabiista dib loo soo qabtay ayaa dhawaan waxaa la soo taagay maxkamad
Published

Dacwadda loo haysto afar ka mid ah lixda maxbuus ee Falastiiniyiinta ah ee dib loo soo xiray kaddib markii ay ka baxsadeen xabsiga sida wayn loo ilaaliyo ee Gilboa horraantii bishan ayaa Arbacadii waxaa dib loo soo joojiyay maxkamadda. Halkan ka akhriso waxa aan ka ognahay waxa dhacay, cidda ay maxaabiistaasi yihiin iyo waxa xiga ee ku dhici doonaba.

Maxaa dhacay?

Lixda maxbuus ee Falastiiniyiinta ah ayaa 6-dii bishan Sibteembar waxa ay ka baxsadeen xabsiga Gilboa ee ku yaal waqooyiga Israa'iil.

Xabsigaas waxa uu ka mid yahay jeelasha sida wayn loo ilaaliyo ee Israa'iil waxaana loo yaqaanba "goobtii ammaanka aheyd".

Ragga ayaa la rumaysan yahay inay god ka qodeen musqusha qolkii ay uga jireen xabsiga, halkaas oo muddo dhowr bilood ah ay ku wada xirnaayeen.

Hole in floor of cell bathroom at Gilboa prison

Xigashada Sawirka, Israel Prison Service handout via Reuters

Intii ay meesha qodayeen ayaa waxa ay heleen duleel xabsiga hoostiisa ah oo la sameeyey mar dhuldhaca la dhisayay.

Waxaa loo malaynayaa inay halkaasi sii qodeen illaa ay ka gaareen dhinaca kale ee dayrka xabsiga, kaddib waxa ay qodeen god ka soo dhexbaxay waddo boor ah oo ku taal bannaanka jeelka, oo waxyar uun ka hoosaysa meel laga arki karo.

Waxaa la yeeriyay gambaleelka digniinta markii mas'uuliyiintu ay heleen xog ka timid beeralay maxalli ah oo ku saabsan "dad laga shakiyay" oo ku sugan dhul halkaas ka ag dhaw.

Markii howlwadeennada jeelka ay bilaabeen inay maxaabiista tiriyaan 4:00 subaxnimo (01:00 GMT) waxa ay ogaadeen in lix masbuux ay maqan yihiin.

Maxaanay ilaalada xabsigu waxba u dareemin?

The tunnel emerged in a rural strip of land near the prison's walls

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Godka ayaa laga soo dhex jeexay dhul baadiya ah oo u dhaw darbiyada jeelka

Warbaahinta Israa'iil ayaa xabsiga la jabsaday waxa ay ku eedeeyeen dhowr guuldarro oo dhanka ammaanka ah.

Waxa ay eedahaasi ku darayaan in barta internetka lagu daabacay qaabka loo dhisay xabsiga iyo xogta dhismaha; in lix masbuux oo laga soo qabtay magaalada Jenin ee Daanta Galbeed hal qof lagu wada xiro, oo ay ku jiraan saddex nin oo si wayn loo rumaysnaa inay doondoonayaan inay baxsadaan; iyo go'aanka ah in aanan la daarin qalabka taleefannada hawada ka saara kaas oo ka hor istaagi lahaa inay isticmaalaan taleefannada loo soo dusiyay si ay ula xiriiraan dad ku sugnaa bannaanka jeelka.

Sidoo kale waxaa jira warar aanan la xaqiijin oo sheegaya in askarigii ilaalin lahaa kanaalka xabsiga ka baxa uu hurday markii ay arrintu dhacaysay.

Baxsashada maxaabiista ayaa waxa ay ceeb ku aheyd hannaanka ammaanka xabsiyada ee Israa'iil hasayeeshee waxaa loogaga dabaadegay Falastiin - oo xabsiga laga baxsaday waxa ay kooxaha hubaysan ku tilmaameen "fal geesinimo ah".

Maxaabiistu waa kuwama?

Palestinian militant Mohammad Ardah (C) attends via Zoom a court session in the Israeli city of Nazareth on September 19, 2021. - Ardah, one of the six Palestinian militants who escaped from a high-security prison, was recaptured on September 11. All six Palestinian fugitives who escaped a high-security Israeli jail through a tunnel dug under a sink are back in custody, after the Israeli army said it had recaptured the last two. (Photo by JACK GUEZ / AFP) (Photo by JACK GUEZ/AFP via Getty Images)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qaar kamid ah maxaabiista ayaa hore dhanka Zoomka maxkamadda uga qeybgalay

Zakariya Zubeidi oo ka mid ah dadkii baxsaday ayaa ah taliye hore oo hogaamin jiray Guutada Shuhadada Al-Aqsaa, oo ah garab hubaysan oo lala xiriiriyo ururka Fatax ee uu ka tirsan yahay madaxweynaha Falastiiniyiinta.

Waxaa 2019 ayey ciidammada Israa'iil u soo xireen shaki ah inuu ku lug lahaa dhowr weerrar waxaana ku socotay maxkamad.

Shanta kale ayaa kala ah Maxamuud Ardah, Maxamed Ardah, Iham Kamamji, Yacquub Qadri, iyo Munadil Infaat oo ka tirsan ururka hubaysan ee Islamic Jihad.

Afar ka mid ah xubnaha Islamic Jihad waxa ay ku xukunnaayeen xabsi daa'im kaddib markii loo xukumay inay qorshaynayeen amaba ay qaadeen weerraro lagu dilay Israa'iiliyiin, halka xubinta shanaad iyadoon wax dacwad ah lagu soo oogin muddo laba sanadood ah lagu hayay sharciga loogu yeero amar xabsi oo maamulka ka soo baxay, sida ay ku warramayso warbaahinta Israa'iil.

Afar maxbuus ayaa dib loo soo qabtay waxyar uun kaddib markii ay baxsadeen.

Qaabkee dib loogu soo qabtay?

Palestinians celebrated the escape, with militant groups describing it as a "heroic act"

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Falastiiniyiinta ayaa u dabaaldegay baxsashada, iyadoo kooxaha hubaysan ay arrintaasi ku tilmaameen "dhacdo geesinimo leh"

Maxamuud Ardah iyo Yacquub Qadri ayaa lagu qabtay afaafka hore ee Nazareth gelinkii dambe ee 10-kii Sibteembar.

Zakariye Zubeydi iyo Maxamed Ardah waxaa 11-kii Sibteembar lagu qabtay meel aan ka fogayn tuulada Falastiin ee Shibli-Umm al-Ghanam.

Ehellada raggaasi ayaa waxa ay booliska sidoo kale ku eedeeyeen inay xabsiga dhigeen xubno ka tirsan qoysaskooda.

Labada kale ayaa waxaa laga helay magaalada Jenin, iyadoo booliskuna ay arrintaasi Twitterka ku shaaciyeen 19-kii Sibteembar.

Maxaa xigi doona?

Su'aashu waxa ay haatan tahay ciqaabta lixdaas nin loo marsiin doono iskudaygooda baxsashada.

Sharciga Caalamiga ah markii la eego, maxbuuskii iskudayaa inuu baxsado waxaa la marsiin karaa uun ciqaab anshaxeed, xitaa haddii iskudaygaasi uu soo laablaabto, sida ay qabto Hay'adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ICRC.

Israeli police and security personnel stand near evidence markers outside Gilboa Prison, northern Israel (6 September 2021)

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Xabsiga Gilboa waa mid si wayn loo ilaaliyo oo waxaa loo yaqaan "midkii ammaanka ahaa"

Hasayeeshee qareenno ayaa warbaahinta u sheegay in maxaabiista Falastiiniyiinta ee dibka loo soo qabtay ay u badan tahay in loogu daro xabsi kale oo dheeraad ah, iyo weliba in laga qaado tallaabooyin ciqaab ah.

Sida ay sheegtay Hay'adda maamulka Falastiiniyiinta u qaabislan arrimaha dadka xirxiran, dhowr dacwo ayaa 11-kii Sibteembar lagu soo oogay afarta maxbuus oo ay ka midka yihiin: "Baxsasho, gacan ka gaysasho baxsad, qorshaynta in weerrar la fuliyo, iyo inay xubno ka yihiin urur cadaw ah oo ay adeegayaalna u yihiin."

Khaalid Mahajneh, oo qareen u ah dhowr maxbuus ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in macaamiishiisu jir dil loo gaystay intii ay xirnaayeen.

Maxamed Arida "ayaa la jirdilay jirkiisa oo dhanna dhaawacyo ayaa ku yaal kaddib markii ay su'aalo waydiiyeen 20 askari oo Israa'iiliyiin ah. Muddo dheer ayuu dhar la'aan ahaa xilligaas oo la wareysanayay," ayuu yiri Khaalid Mahajneh.

Khaalid Mahajneh ayaa sheegay, in Maxamed Arida uu sidoo kale u sheegay in ciidammada Israa'iil ay weerrareen Zakariye Zubaydi.

Booliska Israa'iil ayaa diiday inuu ka jawaabo eedahaasi balse arrintaasi ayaa waxaa dhawaan la iskula soo qaaday Qaramada Midoobay.

Qareennada matalaya maxaabiista baxsatay ayaa sheegay in dhagaysiga dacwaddaasi ay socon doonto ugu yaraan muddo sanad ah, iyo in maxaabiista ay wajihi karaan dhowr sano oo dheeraad ah lagu rido.