Angela Merkel: Sawirro muujinaya waayaheedii siyaasadda

Published

Angela Merkel ayaa ka degeysa xilka hoggaamiyaha Jarmalka kaddib 16 sano oo ay xilkaasi heysay, taas oo soo afjareysa waayaheedii siyaasadeed oo socday muddo ka badan 30 sano.

Waa xirfad lagu muujiyay sawirro dhan walba: laga soo bilaabo booqashadeedii kalluumeysata horraantii ololaheedii, ilaa wada hadallada Aqalka Cad, iyo wax walba oo intaa u dhaxeeyay.

Halkan, waxaanu idinkugu soo ururinnay qaar yar oo ka mid ah kumannaanka sawir ee laga qaaday haweeneydan sanadaha badan udub dhexaadka u ahayd siyaasadda Jarmalka.

Dhammaan xuquuqda sawirrada waxaa leh AFP ama Getty Images