You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
9/11: Bush oo ka digay "argagixisada maxalliga ah" ee Maraykanka
Madaxweynihii hore ee Maraykanka, George W. Bush, ayaa sheegay in ay muuqato in ururada argagixisada ah ee ka jira gudaha dalkaas ay u khatar badan yihiin sida kuwa dibedda.
Bush oo ka hadlayay munaasabadda sanad-guuradii labaatanaad ee weerarradii ay Al-Qaacida ku qaaday Maraykanka, ayaa ugu baaqay shacabka dalkiisa inay ka hortagaan "rabshadaha ku uruursan gudaha."
Inkastoo aanu carrabaabin, ayaa haddana madaxweynaha hore waxa uu u muuqday mid cambaareynaya weerarkii ay taageerayaasha Trump horraantii sanadkan ku qaadeen dhismaha baarlamaanka.
George W. Bush ayaa sheegay in aanay waxba ku kala duwaneyn argagixisadii fulisay 9/11 iyo kooxaha xagjirka Maraykanka ah oo ku sugan gudaha waddankaas.
"Labaduba waxa ay ka siman yihiin inay diiddan yihiin kala duwanaanta iyo karaamada bani'aadanka, waxaana ka go'an inay wasakheeyaan astaamaha qaranka. Waa ubadka ka dhashay xumaan oo ay tahay in aan ka hortagno," ayuu yiri Bush.
Madaxweynaha hore oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa Maraykanka xukumayay markii ay dhacayeen weerarradii 9/11 . Waxa uu si qoto dheer uga warramaya xaaladdii adkeyd ee uu xilligaas wajahay iyo argagixii laga qaaday falkaas ay ku naf waayeen ku dhawaad 3,000 oo qof.
Madaxweyne Biden ayaa isna ka qeybgalay xuska sanad-guuradii labaatanaad ee ka soo wareegtay weerarradii 9/11. Balse waxaa fagaarayaasha ka maqnaa madaxweynihii ka horreeyay ee Donald Trump kaasoo sheegay in si gaar ah uu u maamuusay xuska.
Muuqaal laga duubay Trump oo uu uga hadlayay 9/11 ayaa waxa uu sheegay inuu xusayo dadkii ku naf waayay weerarrada, isagoo dhanka kale madaxweyne Biden ku dhaliilay ka bixitaankii Afghanistan ee bishii hore.
Maraykanka ayaa weerarradii 9/11 kadib waxa uu duulaan ku qaaday Afghanistan, isagoo xukunka ka tuuray Taliban. Labaatan sano kadib, Taliban ayaa bishii hore dib ugu soo laabatay Kabul, kadib markii ay guulo taariikhi ah ka gaartay dagaalka ay kula jirtay xukuumadda Afghanistan.