Shareecada islaamka iyo sida looga shaqo geliyay shan dal

Wakhtigii ugu horreeyey ee Daalibaan ee awoodda Afgaanistaan waxay caan ku ahayd arxan darrada iyo cabudhinta ba'an ee haweenka, kuwaas oo laga reebay waxbarashada, shaqada iyo ku dhawaad door kasta oo nolosha dadweynaha ah.
Markan, kooxdu waxay leeyihiin haweenka waxaa loo oggolaan doonaa xuquuqda "qaab -dhismeedka" Shareecada - ama shareecada Islaamka - laakiin illaa hadda ma cadda sida ay taasi micnaheedu noqon doonto.
Shareecada oo si ballaadhan looga hadlaa waa xeer lagu noolaado rabitaanka Eebbe, oo ay ku jiraan salaadda, soonka iyo deeqaha la siiyo dadka saboolka ah.
Shareecadu sidoo kale waa nidaamka sharciga Islaamka. Ciqaabaha adag ee ay fuliyaan maxkamadaha Islaamiga ah, waxaa si joogto ah u dhaleeceeya kooxaha xuquuqda aadanaha, laakiin ku dhaqanka Shareecada ayaa si weyn ugu kala duwan adduunka.
In kasta oo ay jiri karto xannibaadyo lagu soo rogo xorriyadda siyaasadda, marka laga hadlayo nolosha shakhsi ahaan ee dumarka ku nool waddamada Shareecada, badankoodu uma adkaysan karaan xaaladaha adag ee Taalibaan soo rogtay 1990 -meeyadii.
BBC -du waxay kala hadashay shan haween ah khibradooda ku hoos noolaanshaha Shareecada ee Saudi Arabia, Nigeria, Iran, Indonesia, iyo Brunei.
'Hadda waa uu ka furfuran yahay sidii hore'

Xigashada Sawirka, Hannan Abubakar
Waxa aan ka soo jeedaa Tanzania, inta badan noloshaydana wxaan ku noolaa Sacuudi Carabiya, ayay tiri Hannan Abubakar.
Waxaan tagay dugsi caalami ah oo lagu dhigo manhaj Hindi ah. Basaska dugsiga, wiilasha iyo gabdhuhu si gooni ah ayay u fadhiisan jireen. Makhaayadda waxaa ku yaal gees kale oo wiilasha iyo gabdhaha ah. Inta badan waxaan ku jirnay fasallo kala duwan. Hase yeeshee, waxaa wax na barayey macallimiin rag ah maaddooyinka qaarkood.
Gabdhaha ayaa loo oggol yahay inay ka qaybgalaan cayaaraha - laakiin aanay la joogin wiilasha -

Xigashada Sawirka, Hannan Abubakar
Sacuudi Carabiya hadda waa gobol aad uga xor ah, sidii lagu yaqaannay.
Dumarku keligood way safri karaan oo baabuur bay wadi karaan. Waxaan qorsheynayaa inaan dhowaan helo liisan.
Dhowr sano ka hor ma aannaan lahayn hoolal shineemo laakiin hadda waan haysanaa taasina waa mid ka mid ah meelaha aan jeclahay inaan aado.
Wejigayga ma daboolo mana aha "khasab" in la xidho indho -shareerka.
Waagii hore, makhaayaduhu waxay lahaan jireen qayb qoys iyo qayb keli ah. Hadda ma lihin kala -soocidda noocaas ah. Goobaha dadweynaha, ragga iyo dumarku hadda way isku dari karaan - tusaale ahaan waxaan qado ula soo baxayaa saaxiibbaday oo rag ah.

Xigashada Sawirka, Hannan Abubakar
Laakiin waa dal Muslim ah sidaa darteed ma jiraan baarar habeenkii, Khamrigana lama oggola.
Waxaan ka shaqeeyaa waax gaarka loo leeyahay oo ku taal Jiddah. Shirkadayada, dadka waxaa lagu siiyaa si waafaqsan shaqadooda ee ma aha jinsi.
Waxaan ahay 30; Waan guursan doonaa markaan helo Amiirkeyga oo soo jiidasho leh. Waxaan haystaa waalidiin aad ii taageera - iguma ay khasbin inaan guursado.
Qaar baa sheegaya in dib -u -habaynta ay aad u gaabis tahay. Laakiin hooyaday waxay joogtay Sucuudiga xitaa ka hor intaanan dhalan waxayna u aragtaa isbeddellada mid aad u daran.
'Khamrigu waa sharcidarro laakiin xafladaha qaar dadku way ku cabbaan

Xigashada Sawirka, Mahsa
Iiraan, nooca xannibaadaha ee ay haweeneydu wajahdo waxay si weyn ugu xidhan tahay asalka qoyskeeda ayay tiri Mahsa. (Mahsa waxay codsatay inaysan isticmaalin magaceeda oo buuxa ama aysan tusin wejigeeda, badbaadadeeda shaqsiyeed awgeed.)
Bulshada Iiraan ayaa loo qaybin karaa saddex. Qaarkood waa kuwo aad u diin badan, adag, oo aan maan furrayn - xitaa waxay dili lahaayeen gabdhahooda haddii ay saaxiib la noqdaan wiil kale.
Kooxda labaad waxay la mid yihiin qoyskayga - dabaqadda dhexe ee magaalada. Waxa ugu weyn ee xoogga la saaraa waa helidda waxbarasho iyo shaqo.
Kooxda saddexaad waa koox yar oo hodan ah oo aan qaanuunku xidhin.
Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray Tehran. Dugsigayga iyo jaamacaddayda waxaan wax kula bartay wiilasha.
Inta badan waalidiinta Iiraan waxay doonayeen in carruurtoodu bartaan caafimaadka ama injineernimada, laakiin ma aan sugi karin boos kulliyadda ilkaha waxaanan bartay Ingiriisiga. Wax wax ka dhigaa haddana dugsiga xannaanada.
Haweenka Iran waxay u safraan magaalooyin kala duwan. Dumarka keligood ah ayaa guri kiraysan kara oo keligood degi kara. Waxay kaloo degi karaan hoteel iyaga kaligood ah.
Waxaan haystaa baabuur ii gaar ah oo waxaan ku dhex wareegaa magaalada. Looma baahna wehel lab ah, laakiin xijaabka waa qasab.

Xigashada Sawirka, Mahsa
Haddii boolis wadaad ah ku qabto, dhallin falaysa wax anshax xumo ah ama xidhan dhar gaagaaban halis bay gelayaan. Badanaana askartu waxay qaataan laaluush, kaddibna way iska kaa sii deynayaan.
Mararka qaarna waxaa laguu qaadaya jeelka, waxaana laguugu yeedhayaa waalidkaa si loo tuso ceebta aad falaysay.
Waxaan la socday saaxiibkay ku dhawaad afar sano, ka hor intii aannaan is guursan. Waxaannu tegi jirnay goobaaha aflaamta lagu daawado iyo kuwa loo dalxiistago, meel kastana waannu isu raaci jirney, nasiib baan lahaa. Cidina wax nama ay weydiin jirin.
Waalidkay waxa ay ahaan jirin kuwo ad adag. Waxaana ay badanaa iga rabeen in xilli fiid ah aan soo hoydo, mana ay ogolayn in aan saaxiibbaday safar dibadda ah u raaco. Hadda ayaan haystaa xorriyad badan tii hore kaddib markaan guursaday.
Khamrigu waa sharcidarro, mana haysanno baarar. Laakiin dadku si qarsoodi ah ayay u cabbaan,badanaana xafladaha gaarka ah waa lagu cabbaa, anigu se ma cabbo dhadhankiisa qadhaadh ayaan necbahay.
'Shareecada ayaa ka fiican sharci kasta'

Waxaan ahay garyaqaan dhanka shareecada ah, waxaana ay ku shaqaynayey 18 sano gaar ahaan gobollada Kano, Abuja, Lagos ayay sheegtay Huwaila Ibrahim Muhammad oo ka soo jeedda Nigeria.
Waxaan rumaysanahay habka shareecada Islaamka. 12 gobol ayaa ay laga hirgeliyaa, sharciga qoyska iyo ka danbiyada. Waxaan ka qayb galaa maxkamada shareecada, shareecadana badanaa waxaa xaakin ah rag, laakiin dumarku waxa ay doodi karaan iyaga oo wax cabsi ah qabin.
Sida oo kalena mararka qaar qof ka wax kaa tirsanaya ayaa ku cafin kara. Mararka qaar kiisaska dhagax ku dilka ayaa laga qayliyaa, laakiin badanaa lama fuliyo.
Marka ay timaaddo dhaxalka, raggu waxa ay helaan labalaab, dumarku se maya. Waxa ay u muuqa kartaa caddaalad darro, laakiin sababta ka danbaysa waa in raggu masuul ka yihiin hawlaha maaliyadeed ee qoyska, iyaga ayaana ilaaliya.

Xigashada Sawirka, Huwaila Ibrahim Muhamma
Waxaa jira xadad aanu ninku gabadhiisa taaban, lamana oggola in uu dhaawaco iyada. Dumar badan ayaa iyaga oo raggooda ka cabanaya maxakamadda keenay anaana difaacay, oo guul la gaaadhay.
Halkan qasab ma aha in aad wejigaaga qariso, laakiin dumarku jidhkooda way dedaan, cid na wax laguma qasbo qof kastaa isagaa dookhiisa leh.
Haddii shareecada loo fulinayo sidii ay ahayd, ma jiro sharci ka wanaagsan
'I know what is right and wrong'

Xigashada Sawirka, Izzati Mohd Noor
Waxaan ku dhashay Brunei, oo aan ku barbaaray. Waxaan ka tegay 2007 xilligaas oo aan ahaa 17 kaddib markii aan deeq waxbarasho ka helay UK, ayay sheegtay Izzati Mohd Noor
Waxaan keenay A shaahadadaydii jaamacadda koobaad, masterkaygii iyo PHD-dii oo aan diyaariyey hemical engineering. Intaa kaddibna waxaan bangi uga shaqeeyaa dhanka softiweerrada.
Maalmo yar ka hor ayaan ku soo laabtay dalkaygii, halkan dadka badankoodu waa Islaam, waxaana sharciga shareecada loo isticmaalo waxyaalo gaar ah, sida guurka, furitaanka, dhaxalka iyo waxyaalaha la midka ah.
Waxaadna arkaysaa in haweenku xidhan yihiin qofba wuxuu doono. Marka aad tagto gym-ka waxaad arkaysaa mid wax hagoogan, iyo mid xidhan dharka yar yar ee ciyaaraha. Mana joogaan boolis dadka u ciqaaba hawlaha khuseeya diinta.
Dugsigaygii hoose, waxaa nala baray shan tiir ee diinta Islaamka, dhaqaalaha islaamka iyo shareecada. Waxaan sidoo kale subixii dhigan jirey xisaabta iyo sayniska. Halka galabkiina aan aadi jirey dugsi lagu barto diinta oo lahaa macallimiin lab iyo dheddeigba ah.,

Xigashada Sawirka, Izzati Mohd Noor
Ma tukado maalintii shan jeer, sida diintu jidasay se inta aan karo marba waan tukadaa. Markii aaan yaraa waalidkay waa ku adkaayeen salaaddda,
Saaxiibkay waa Jarmal, bilawgiiba waxaan u sheegay in aan ahay qof islaam ah, isla markaana aan jeclaan lahaa inaan dhisanno guri islaami ah wuuu iga oggolaaday, wuuna muslimay dhawaanna waannu is guursan doonnaa.

Xigashada Sawirka, Izzati Mohd Noor
Waan aqaan waxa saxa ah iyo waxa khaladka ah diinta islaamka marka loo eego. Sida oo kale waan aqaan waxa ii sax ah iyo waxa iga khaldan aniga. Waana laba hab oo kala duwan.
Ma xidho xijaab, qaar ayaaba dhaha ma tihid islaam sax ah. Laakiin aniga dhankayga, waxay u dhaxaysaa aniga iyo Ilaahay, haddi alle u arko waxaan samaynayo khalad waxaan leeyahay Allow iga dhaaf.
Dad yar ayaana dalkan aad ugu ad adag diinta.
Raadinta aqoon iyo xirfad aa qodob ka muhiima diinta Islaamka. Mana garanayo fikradda ah habluhu wax ma baran karaan meel ay ka timi, aniga dhankayga marka loo eegana ma aha fikraddii Islaamka.
Maalin kasta waxaan ku dedaalaa in aan noqdo muslim wanaagsan.
'Waa qayb ka mid rumayntayda'

Xigashada Sawirka, Nasyiratu Dina
Waxaan jiraa 19 sano, waxaanan bartaa dhaqaalaha sidoo kale waxaan shaqeeyaa gelin aniga oo ah xoghayn, ayay sheegtay Nasyiratudina oo ka soo jeedda Indonesia. Wakhtiga ii hadhayna waxaan dhigaa dugsi carruureed.
Waxa aan ku dhashay oo ku barbaaray Ache Besar - Indonesia waa dalka ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee muslim ah, keliya se gobolka Ache ayaa lagu xukumaa shareecada.
Waxaan tukadaa maalintii shan jeer. Aniga dhankayga shareecadu waa qayb ka mid rumayntayda. Waxaan ku raacsanahay ciqaabada kulul, waxaana loogu talogalay si u ilaaliyaan dabiyada.
Waxaan xidhaa dhar dhaadheer iyo hagoog, laakiin ma qariyo wejigayga. Halkan haweenka ma xidhan karaan dhar gaagaaban.
Waxaan ahaa karaa xor inta aaan rabo. Jaamacadda oo kale, wiilasha iyo hablu wax ayay isla bartaan laakiin waxay u fadhiistaan kala goonni. Mana jirto joojin ah in aad la sheekaysato wiilasha, waanan la hadlaa qaarkood.

Xigashada Sawirka, Nasiryatu Dina
Kuwo ka mid asxaabtayda ayaa isjecel, wayna fiican tahay in aad wax jeclaataa. Wiilasha iyo hablaha is jeceli debedda uma baxaan, sida oo kalena hablo badan waxay jecel yihiin xidhiidhkooda inaanu ku dhisnaan taabasho iyo is arag keli ah mana oggola ka hor inta aanay is guursan.
Islaamka ninku waxa uu gurusanaa afar xaaas, laakiin anigu ma rabo in aan noqdo gabadha labaad, ama saddexaad ama afraad. Mana noqon karo qoftaas, gabadh kastaana waxa ay u qalantaa hal nin.












