Xukunka Taliban: Dahabka iyo kheyraadka ka buuxo Afghanistan, yaa la wareegi doono?

Published

Guud ahaan caalamka waxaa isha lagu hayaa kheyraadka iyo macdanta ku hoos duugan dhulka Afqaanistaan oo ay kamid yihiin dahabka, maarta iyo macdanta naadirka ah ee Lithium.

Waxaa lagu qiyaasay qiimaha kheyraadkaas inay ku fadhiyaan in ka badan hal tirilyan oo doolar balse su'aasha waxay tahay yaa maamuli doona kheyraadkaas?

Markii uu Mareykanka so afjaray howlgalkii 20 sano qaatay ee Afghanistan ,oo ay Taliban isku fidisay guud ahaan dalkaas ayaa waxyaabaha la is weydinaya waxaa kamid ah; Taliban awood ma u leedahay inay ka faa'ideysato hantida dabiiciga ah iyo kheyraadka qaaliga ah ee laga helayo Afghanistan.

Midowgii Sofiyeet iyo Mareykanka waxay sheegeen in buuraha iyo dhulka taagga ah ee Afghanistan laga heli karo macdan badan sida maarta, naxaasta, dahabka iyo macdan kale.

Inkasta oo dowladda Afghanistan aysan awood u helin soo saarista macdantaas, haddii laga faa'ideysto waxay wax ka beddali laheyd nolosha shacabka dalkaasi.

Maalgashato ka socota dalalka Hindiya, Britain, Canada iyo Shiinaha waxay saxiixeen heshiis ku saabsan qodista macddanta balse dhamaantood wax macddan qodis ah ma aysan ka billaabin Afghanistan.

Wax macdan qodis ah lama billaabin

Waxaa in muddo socday macluumaadka la xiriira goobaha la is dhihi kara waxaa laga helayaa macdanta Afghanistan, sanadihii lixdamaatkii, waxa xog kasoo uruuriyay goobahan cilmibaarayaal ku takhasusay cilmiga arrimaha dhulka oo ka socday maamulkii Sofiyeet.

Nus qarni kadib, shacabka Afghanistan ayaa la dagaallamay Midowgii Sofiyeetka, waxaa markiiba howshan faraha lasoo galay Mareykanka.

Balse waxaa dhacday in macdanta qaar sida noocyada dhagxaanta ay dadka gacmahooda kusoo gurtaan gaar ahaan deegaannada ay gacanta ku hayeen Taalibaan kuwaas oo si sharci darro ah loogu daabulay dhinaca Pakistan.

Mandooriyaha Opium iyo dhaqaalaha

In muddo ah, dhaqaalaha Afghanistan kama uusan soo bixi jirin macdanta balse waxaa laga heli jiray maandooriyaha Opium oo ceyriin ah.

Qaramada Midoobey waxay ku qiyaastay 10% dhaqaalaha Afghanistan wuxuu kasoo baxaa wax soo saarka, dhoofinta iyo adeegsida Opium, waxay 85% dhoofisaa maandooriyaha Opium iyo Heroin.

20-kii sano ee Mareykanka howgalka ka waday Afghanistan wuxuu isku dayay in uu qorshe u dejiyo howlaha macdan qodista Afghanistan, wuxuu meesha ka saaray macluumaadkii Soviet-ka gaar ahaan khariidadii iyo keydkii ay ka sameeyeen goobaha macdanta qodista Afghanistan.

Mareykanka wuxuu dejiyay qorsheyaal u gaar ah oo ku saabsan howlaha macdan qodista Afghanistan.

Muddo ka badan 10 sano, Mareykanka wuxuu soo uruuriyay xog badan oo ku saabsan kheyraadka Afghanistan isla markaana shacabka Afghanista ayuu u tababaray qaabkii loo badbaadin lahaa kheyraadkaas.

Ku dhawaad $3 trillion oo doolar ayaa lagu qiyaasay qiimaha macdanta Lithium-ka iyo macdan kale oo naadir ah oo laga helo Afghanistan balse in laga faa'ideysto macdanta waxay u baahan yihiin dhaqaale, teknooloojiyad iyo kaabaayaasha si loo soo saaro kheyraadka balse Afghanistan intaba ma heysato.

Damaca Hindiya iyo Shiinaha ee macdanta Afghanistan

Saraakiisha Afghanistan waxay dalalka caalamka ka raadsadeen dhaqaale si looga faa'ideysto kheyraadka Afghanistan, maalgashato shisheeye ayaa dalka timid si usoo kormeeraan howlaha baarista macdanta.

Shiinaha iyo Hindiya ayaa isha ku hayay inay ku lug lahaadaan soo saarista kheyraadkan.

Hindiya waxay ballan qaaday in $ 11 billion oo doolar ay ku bixin doonto howlaha qodista kheyraadka Afghanistan balse haatan dib ayay ugu laabatay yaboohaas.

Dowladda Hindiya waxay rajo yar ka muujisay in heshiis ku saabsan arrintaas ay la gasho kooxda Taliban ee dalka la wareegtay.

Xiriirka ka dhexeeyo Taliban iyo Shiinaha ayaa ah mid wanaagsan balse shirkadaha Shiinaha ayaa walaac ka muujinaya in dhaqaale badan ay ku bixiyaan macdan qodista iyaga oo ka cabsanaya dagaallada sokeeye.

Sanadkii 2008, Shirkad ay leedahay dowladda Shiinaha ayaa warshad weyn oo qaabilsan macdanta maarta ka hirgelisay deegaanka Mess Ainak ee duleedka magaalada Kaabuul.

Sanadkii 2016 , Taalibaan waxay ku dhawaaqday inay la wareegeyso goobaha macdan qodista, Mareykanka ayaa tallaabadas dhaleeceeyay.

Labo sano kadib Taalibaan waxay weerar ku qaaday warshadda, waxay dishay 80 qof oo u dhashay Afghanistan oo uu shaqaaleysiiyay Shiinaha.

Shiinaha dib ma ugu laaban doonaa macdan qodista?

Warbaahinta ay maamusho dowladda Shiinaha ee Global Times ayaa soo xigatay saraakiil ka tirsan dowladda oo sheegayo in Shiinaha uu hakiyay mashaarciidii uu ka waday Afghanistan xasilooni darrada ka jirta darteed halkaas.

Warbaahintan ayaa sidoo kale soo xigatay saraakiil ka tirsan shirkadda dowladda oo sheegayo inay ka baarandegi doonaan howlihii ay ka wadeen Afghanistan balse ay dib u bilaabi doonaan marka ay xaaladda si caadi kusoo laabato.