You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka oo ka hortagay weerar kale
Weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ku qaadeen caasimadda Afghaanistaan ee Kabul, ayaa ka hortagay weerar kale oo ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha, sida ay sheegeen saraakiisha militariga Mareykanka.
Weerarka ayaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ugu yaraan hal qof oo xiriir la leh urur goboleedka Islaamiga ah ee Afghanistan, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka.
Mareykanka ayaa ka digay suurtagalnimada weeraro kale, maadaama daadgureynta dadka ay sii dhammaaneyso.
Weerar bambaano ah oo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul, ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 170 qof oo ay ku jiraan 13 askari oo Mareykan ah.
Ururka la baxay Dowladda Islaamka Khorasan (IS-K), ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas.
Mareykanka ayaa aargudasho ahaan wuxuu isna gelinkii danbe ee Jimcihii duqeyn xagga cirka ah ka fuliyay bariga Afghanistan, isagoo sheegay inay dileen labo xubnood oo sar sare oo ka tirsan kooxdaas.
Axadii, Capt Bill Urban, oo ka tirsan taliska dhexe, ayaa sheegay in Maraykanku uu qaaday weerar kale oo bartilmaameedsan oo lagu fuliyay diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn, kaas oo loogu talagalay "in meesha looga saaro qatar ku soo food leh" garoonka diyaaradaha ee Kabul.
"Waxaan ku kalsoonahay inaan ku guuleysanay duqeynta bartilmaameedka ahayd," ayuu yiri, isagoo raaciyay: "Qaraxyada labaad ee gaariga ka dhashay waxay muujinayaan inay jiraan walxo qarxa oo aad u badan.
Ma jiraan warar sheegaya in ay jiraan qasaare soo gaaray dad rayid ah, ayuu yiri Capt Urban.
Hadalkiisa ayaa yimid, kadib markii ay soo baxeen warar badan oo sheegaya in qarax xooggan laga maqlay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Kabul. Sawirada qaar ee lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay daruuro madow oo qiiq ah oo ka kacaya dusha sare ee dhismayaasha.
Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa goor sii horreysay sheegay, in ay heleen hanjabaadyo gaar ah, oo lagu kalsoonaan karo oo ka dhan ah garoonka diyaaradaha, ayna milaterigu sii wadi doonaan in meelaha looga baahdo ay ka fuliyaan duqeymaha bartilmaameedka ah.
Mareykanka ayaa dadka kula taliyay inay ka fogaadaan aagga, in kasta oo uu waqtigu ka dhammaanayo qof kasta oo weli isku dayaya inuu helo duullimaadyada dadka lagu bixinayo.
Waqtiga kama dambaysta ah ee hawlgalka daadgureynta ee ku eg 31-ka Ogoosto, ayaa waxaa ku heshiiyay Mareykanka iyo Taalibaan, oo hadda gacanta ku haysa inta badan dalka.
Dhanka kale Axaddii, booliiska caasimadda Kabul ayaa sheegay, in ilmo yar lagu dilay gantaal lala beegsaday guri u dhow garoonka diyaaradaha. Waxaanse caddeyn faahfaahinta ku saabsan duqeyntaas.
Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa Axaddii la kulmay qoysaska 13 shaqaale Mareykan ah oo lagu dilay weerarkii Khamiistii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul.
Mr Biden, ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu baroor diiqayay dhibbanayaasha oo lagu qabtay xerada ciidanka cirka ee Delaware.
Marka laga soo tago shaqaalihii Mareykanka ee lagu dilay weerarkii bambaano ee ay sheegteen kooxda IS-K, ayaa waxaa sidoo kale dhintay dad badan oo reer Afgaanistaan ah oo saf ugu jiray garoonka diyaaradaha, iyagoo rajaynaya inay dalka ka baxaan. Labo qof oo British ah iyo ilmo uu dhalay muwaadin reer Britain ah ayaa ka mid ahaa dadka dhintay.
Inta badan kooxda xagjirka ah ee IS-K ayaa la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan gobolka Nangarhar ee Afghanistan ee ku yaalla bariga Kabul.
In kasta oo ay jirto hanjabaadyo ka imanaya kooxda, ayaa haddana Mareykanka waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan in ay garoonka diyaaradaha ka daadgureyn doonaan dadka reer Afghanistaan, illaa daqiiqadda ugu dambeysa.
Mareykanka ayaa noqon doona dalkii ugu dambeeyay ee dhammaystira howlgalkiisa, iyadoo dhammaan waddamada kale ay dhammeeyeen.
Mareykanka ayaa sheegay inuu fududeeyay daadgureynta in ka badan 110,000 oo qof oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Kabul tan iyo 14-kii Ogoosto, maalin ka hor markii Taalibaan ay la wareegeen caasimadda Kabul.