You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Madaxwayne Cirro oo markii ugu horaysay booqasho ku tagay Isra'iil

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ayuu madaxweynaha Israa'iil, Isaac Herzog ku sheegay in booqashada madaxweynaha Somaliland Cabadiraxmaan Cirro ay tahay 'mid taariikhi ah'.

Kooban

  • Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka Mareykanka iyo Iran uu qorsheynayo in la saxiixo Axadda, kaddib markii Iran ay shaki gelisay waqtiga.
  • Britain waxa ay taageertay dadaalka Trump uu ku doonayo in lagu soo afjaro colaadda Iran.
  • Heshiiska waxaa ka mid ahaa in dib loo furo marin biyoodka Hormuz iyo in sidoo kale la qaado xayiraadii uu Mareykanka saaray dekedaha Iran.
  • Dhanka kale Israa'iil waxay bartilmaameedsatay dhowr meelood oo ku yaalla koonfurta Lubnaan.

Tebin toos ah

  1. Madaxweynaha Somaliland oo boqasho rasmi ah ku tugay Israa'iil

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ayuu madaxweynaha Israa'iil, Isaac Herzog ku sheegay in booqashada madaxweynaha Somaliland Cabadiraxmaan Cirro ay tahay 'mid taariikhi ah'.

    "Ku soo dhawow Israel, Madaxaynaha Somaliland", ayuu ku bilaabay qoraalkiisa.

    Cabdiraxmaan Cirro ayaa ugu mahadceliyay madaxweynaha ISraa'iil iyo shacabkaba soo dhawaynta.

    "Maanta waxay ka dhigan tahay tallaabo cusub oo furaysa bog cusub oo ku dhisan saaxiibtinimo, is kaashi iyo is ixtiraam ka dhaxeeya Somaliland iyo Israa'iil", ayuu ku daabacay madaxweyne Cirro boggiisa Facebook.

    Dhammaadkii bishii December e 2025 ayay ahayd markii ra'iisul wasaaraha Israa'iil uu ku dhawaaqay in uu Somaliland u aqoonsaday dal madaxbanaan, tallaabadaasi oo ka caraysiisay dowladda federaalka Soomaaliya.

    Warar dheeraad ah:

  2. Fars: Go'aanka kama dambaysta ah ee is-afgaradka weli lama gaarin

    Wakaaladda wararka ee Fars News ayaa ka soo xigatay "ilo xog ogaal ah oo ku dhow kooxda wada xaajoodka" iyada oo leh "Iran wali ma aysan shaacin go'aankeeda kama dambaysta ah ee heshiiska is afgaradka ee la soo jeediyey."

    Sida laga soo xigtay warbixinta, "dib u eegista dhinacyada siyaasadda, sharciga, iyo farsamada ee soo jeedinta ayaa weli socda."

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee ku dhow hay'adaha militariga iyo kuwa amniga, "dib u eegista qaybaha kala duwan ee soo jeedinta la soo bandhigay ayaa weli socda oo ku saabsan heerarka khabiirada iyo go'aan qaadashada, hay'adaha u xilsaaran waxay si taxadar leh u qiimeynayaan dhinacyada siyaasadda, sharciga iyo farsamada."

    Dhanka kale waxaa saacad ka hor magaalada Tehran gaaray wafdi ka socda dowladda Qatar si ay u sii wadaan fariimaha ay is dhaafsanayaan Iran iyo Mareykanka.

    Warar dheeraad ah:

  3. Israa'iil oo duqaymo ka geysatay dhowr meelood oo ku yaalla koonfurta Lubnaan

    Lubnaan ayaa sheegtay in Israa'iil ay maanta duqeymo cirka ah ka geysatay dhowr goobood oo ku yaalla koonfurta dalkaas, kaddib markii milateriga Israa'iil ay soo saareen digniin ku aaddan ka bixitaanka magaalada Nabatieh iyo in ka badan 20 deegaan oo kale oo ku yaalla koonfurta Lubnaan.

    Wakaalada wararka ee Lubnaan ayaa ku warantay in duqeymo dhanka cirka ah oo Israel ay la beegsatay deegaano dhowr ah, gaar ahaan agagaarka magaalada Nabatieh.

    Sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka AFP oo ku sugan deegaanka Nabatieh ayaa soo sheegay in uu maqlay qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay agagaarka Kafr Raman iyo qaac ka talluumaya deegaanka Kafr Benit.

    Ciidamada Lubnaan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mid ka mid ah askartooda uu si xun ugu dhaawacmay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ku qaadeen wadada isku xirta Kafr Raman iyo Nabatiyah.

    Wakaalada wararka ee Lubnaan ayaa sidoo kale sheegtay in weerar kale lagu dilay sarkaal maxali ah oo ku sugnaa gobolka Rayhan ee koonfurta Lubnaan.

  4. Dhalashada Trump oo ku soo aaday saxiixa heshiiska la wada sugayo ee Iran iyo Maraykanka

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta oo Axad ah 80-sano jirsanaya, waana maalin sida uu sheegay in sidoo kale la saxiixo heshiiska la wada sugayo ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran.

    Waxa uu sheegay in saxiixida heshiiskaasi uu horseedi karo in si deg deg ah loo furo marin biyoodka Hormuz, isla markaana ay bilowdaan wadahadalada Nukliyeerka ee Iran, inkastoo madaxda Iran ay aad uga taxadareen xilliga la saxiixayo.

    Trump, oo toddobaadyo ka hadlayay ku dhowaanshaha heshiis, ayaa dhalashadiisa ugu dabbaaldegaya munaasabad weyn oo feerah (UFC) oo ka dhacday aqalka cad.

    Warar dheeraad ah:

  5. Waxa aan ka ognahay heshiiska is-afgaradka ah ee ay wada saxeexanayaan Maraykanka iyo Iran

    Maraykanka iyo Iran oo ay dhexdhexaadinayaan Pakistan, Qatar, iyo dalal kale oo dhowr ah, ayaa lagu wadaa inay maanta wada saxeexaan heshiis is-afgarad ah, kaas oo xabbad joojinta lagu kordhin doono muddo 60 maalmood ah, marinka Hormuz dib loo furi doono, wada xaajoodyada barnaamijka Nukliyeerka ee Iran ayaa bilaaban doonaan.

    Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sheegay in labada dhinac ay uga dhow yihiin heshiis aan horay loo arag, isla markaana loo diyaar garoobay saxiixiisa qaab electronic ah.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska maanta la saxiixi doono, isla markaana marinka Hormuz si degdeg ah loo furi doono dhammaan maraakiibta.

    Waxa uu sidoo kale ka digay in haddii aan si degdeg ah oo dhameystiran loo dhaqan gelin heshiiskaasi ay suuragal tahay in mar kale la adeegsado awood ciidan.

    Warar dheeraad ah:

  6. Britain oo taageertay dadaalka Trump uu ku doonayo in lagu soo afjaro colaadda Iran.

    Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Britain ayaa ku dhawaaqay in Ra'iisul Wasaare Keir Starmer uu kala hadlay dadaallada lagu soo afjarayo colaadda Iran, xilli uu khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Sida ay wararku sheegayaan, Starmer ayaa soo dhaweeyay horumarka la sameeyay, wuxuuna ku celceliyay in UK ay diyaar u tahay inay taageerto hirgelinta heshiis kasta oo nabadeed, ayna kala shaqeyso saaxiibada caalamka si loo xaqiijiyo guusha.

    Labada hogaamiye ayaa sidoo kale isla gartay baahida loo qabo in dib loo soo celiyo xoriyada socdaalka si loo yareeyo cawaaqib xumada dhaqaale ee caalamka.

    Warbixin kale, wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Muxamed Isxaaq Daar iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Faysal bin Farxaan ayaa khadka taleefoonka kaga hadlay isfaham dhexmara Mareykanka iyo Iran.

    Pakistan ayaa dhexdhexaadinaysa xabad joojinta Iran iyo Maraykanka, waxayna dhexdhexaadinaysaa wadahadalo lagu gaaray isfaham nabadeed oo dhexmara labada dal.

    Warar dheeraad ah:

  7. Trump: Heshiiska Mareykanka iyo Iran maanta ayaa la saxiixi doono; Tehran weli shaki ayaa ku jira

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in maanta lagu wado in heshiis uu la saxiixo Iran, ka dibna marin biyoodka Hormuz si degdeg ah loogu furi doono maraakiibta.

    Trump waxa uu carabka ku adkeeyay baraha bulshada in heshiiskan uu Iran ka hor istaagayo in ay hesho hubka Nukliyeerka ah, isla markaana aan wax lacag ah la siin doonin Iran.

    Hadalkan ayaa yimid saacado ka dib markii afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, Esmail Baghaei uu sheegay in "isfaham kasta oo suurtagal ah oo lala yeesho Maraykanka uu noqon doono oo kaliya qaab lagu sii wado wadahadalka.

    Ma noqon doono heshiis kama dambays ah oo u dhexeeya labada dal." Hadalo kale oo laga sii daayay telefiishanka Iran, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in heshiiska is-faham ee la filayo in ay la yeeshaan Mareykanka aan la saxiixi doonin Axadda.

    Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Marco Rubio ayaa uga digay dhiggiisa India in aan loo dulqaadan doonin xadgudub kasta oo lagu sameeyo cunaqabateynta lagu soo rogay Iran.

    Waxa uu sidoo kale ka digay waxa uu ugu yeeray in si sharci darro ah shidaalka Iran loogu wareejiyo marin biyoodka Hormuz.

    Baaqan ayaa yimid ka dib markii Hindiya ay ka mudaaharaadday dilka saddex badmaax oo Hindi ah oo lagu dilay weerar Maraykanku ku qaaday markab ganacsi horaantii todobaadkan.

    Warar dheeraad ah: