You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Haweenay qaxooti ah oo diyaarad dusheed ku umushay
Qaxooti reer Afgaanistaan ah oo u carareysay UK, ayaa gabar ku dhex dhashay diaaraddii sidday intii ay ku jirtay duulimaadkii daadgureynta ee ku socday Birmingham.
Soman Noori, oo 26 sano jir ah ayaa ka duushay Dubai waxa ayna ku socotay magaalada Birmingham, iyadoo markii ay Kabul ka soo baxeysay ay foolaneysay, sida ay sheegay Turkish Ailines.
Iyadoo uusan diyaaradda saarneyn dhakhtar ayaa xubno ka tirsan shaqaalaha diyaaradda ay ka dhiliyeen gabadha yar oo lagu magacaabo Havva. Diyaaradda ayaa sheegtay, in hooyada iyo gabadheeduba ay caafimaad qabaan.
Ms Noori, ayaa waxaa safarkeeda ku wehliyay seygeeda, Taj Moh Hammat oo 30 jir ah iyo labo carruur oo kale oo ay dhaleen.
Diyaaradda Turkish Airlines, ayaa sheegtay in diyaaradda ay si taxaddar leh ugu degatay Kuwait ka hor inta aysan u sii gudbin Birmingham oo ay u socotay.
Wasaaradda Difaaca ayaa xaqiijisay, in duulimaadkii ugu dambeeyay ee UK ee loogu talagay keliya in ay daad gureyso muwaadiniinta reer Afgaanistaan ay galabnimadii Sabtida ka duushay garoonka diyaaradaha ee Kabul.
Duulimaadyo dheeraad ah oo ka tagaya Kabul ayaa waxaa bixin doonaa diblomaasiyiin ah iyo militariga u dhashay UK.Duulimaadyo ballaaran oo dadka lagu bixinaayo ayaa la waday tan iyo markii Taalibaan ay la wareegtay gacan ku heynta caasimadda Afghanistaan ee Kabul, iyadoo 31-ka bisha Ogoosto loo qabtay in ugu danbeyn ay ciidamada shisheeye dalka uga baxaan.