Sonia Sánchez: "Ragga sababy in aan jirkayga ka ganacsado, waa deriskayga, ninka haween kale ama aabo"

Xigashada Sawirka, BBC MUNDO
Sonia Sánchez waa haweenay 57 sano jir ah kana soo jeeda deegaanka Villa Ángela, ee Chaco, oo ka tirsan dalka Argentina, waxay ka sheekaynaysaa wayihii ay soo martay iyo wixii ay la soo kulantay.
Muddo lix sano ah, waxay ka mid ahayd dumarka ka ganacsada jirkooda, inkastoo ay isku dayaysay in ay nolol fiican samaysato ka dib markii ay go'aansatay inay ka tagto magaaladii ay ku soo barbaartay.
Sonia waxa ay nolol cusub ka bilawday magaalada Buenos Aires, halkaas oo ay shaqada guri nadiifinta ka bilawday.
Balse shaqadii guri nadiifinta ayey weysay, waxayna gashay nolol ciriiri ah, waxay isla markaas bilawday in ay ku biirto haweenka ka ganacsado jirkooda.
Waxa ay sheegtay inay samaysay dadaalo badan oo ay uga tagi rabtay shaqadaas.
Tan iyo wixii markaas ka dambeeyay waxay go'aansatay in ay wax ka barato saamaynta iyo khatarta ay leedahay ka ganacsiga jirka, waxayna bilawday in ay gabdhaha da'da yar ka wacyigeliso dhibaatada uu leedahay ka ganacsiga jirka.
"Dadka adiga oo kale ah waa in aysan carruur dhalin", Sánchez ayaa sidaa BBC-da u sheegtay. Waxay tilmaamtay in ka ganacsiga jirka la baray iyada oo 16 sano jir ah ayna muddo lix sano ah ku sugnayd nolol aad mugdi ah.
Sidee ganacsigan ku gashay?
"Waxaan ka ganacsiga jirka u galay xaaladdii aan markaas kusugnaa, waxaan ka fikirayay wax badan, waxyaabaha xitaa hadda ma xasuusto,"
"Ma aqaanno sababta aan u galay, xaqiiqdii ma garanayo, marka waxaan dhihi karaa ma garanayo."
"Magaaladaydii ayaan ka tagay waxaanna aaday Buenos Aires, halkaas oo aan muddo sanad ah ganacsi kuga jiray."
Arrinta ugu horreeysa waxay tahay in aad lumineyso sumcadda iyo shaqsiyadda, waxayna taasi kaa dhigaysaa aalad la isticmaalo oo la tuurana marka la rabo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Ka ganacsiga jirka ma ahan mid macaamil leh, sababtoo ah maahan dukaan ama bangi. Dadka howlahaas oo dhan ku jira waxay ka wada ganacsadaan jirkooda mana ahan oo kaliye dumar jidadka taagan."
Waxay intaa ku dartay: "Waxaan dareema xanuun iyo xanaaq, balse iskuma dayo in aan noloshooda galo. Dadka saboolka ah ee ku nool Argentina ayaa badanaa la sheegaa in ay ku biiraan dadka jirkooda ka ganacsado."
Badanaa ragga dumarka ku kalifa in ay ku biiraan ka ganacsiga jirkooda ayaa ah deriskaada, seyga haween kale ama aabaha dhalay carruur.

















