Muxuu Sucuudiga ka badelayaa xeerarkii salaadda?

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Daraasad uu Golaha Shuurada Sucuudiga uu ka sameeyay inaanan qasab laga dhigin in la xiro goobaha ganacsiga xilliga salaadda ayaa waxa ay horseedday dood ballaaran oo ay dadku iskula wadaagayaan baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ee Boqortooyada.

Dhowr warbaahin oo Sucuudiga laga leeyahay ayaa waxa ay tabiyeen in goluhu uu Isniinta u codayn doono talada ay soo jeediyeen xubnaha kala ah Cadhaa Al-Subayti, Faysal Al-Faadil, Latiifa Al-Shaalan iyo Latiifa Cabdulkariim, ee ay uga dalbanayeen wasaaradda arrimaha Islaamka, iyadoo la shaqaynaysa mas'uuliyiinta ay khusayso inaanan qasab looga dhigin goobaha ganacsiga in la xiro xilliga salaadda maalinta Jimcaha ah mooyee, iyadoo ay arrintaas saamayso goobaha sida kaalmaha shidaalka iyo farmashiyayaasha.

Xubnaha ayaa tilmaamay in talobixintooda ay udub dhexaad uga dhigayaan in "xiritaanka goobaha ganacsiga waqtiga salaadda aanan lagu sheegin Qur'aanka Kariimka ama sunnada Nabiga (Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee), marka aayadaha Quraanka Kariimka ah meelna kagama jiraan amar ah in la xiro goobaha ganacsiga iyo in dadka arrintaasi lagu qasbo ka hor inta aanay saaladda bilaaban iyo inta lagu guda jiraba.

Doodda arrintan

Doodda ay arrintan ka leeyihiin Golaha Shuurada Sucuudiga ayaa waxa ay dood kulul ka kicisay baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ee Sucuudiga.

Dadka qaarkooda ayaa waxa ay muujiyeen sida ay u doonayaan in golaha shuurada uu arrintaas u codeeyo.

Halka qaarkood ay u arkeen jumlada talo bixintaas ku jirta ee "inaanan qasab laga dhigin" ay tahay waxa ugu muhiimsan ee mowduucaas ku jira sababtoo ah waxa ay u ogolaanaysaa dadka iska leh ganacsiyada inay furaan amaba xiraan goobahooda ganacsi, hadba sida ay la noqoto "arrintaas oo ah hab dhexdhexaad ah oo cad".

Kuwa kale ayaa u arka in waxyaabaha ay arrintaas ku bannaynayaan ee ay soo bandhigeen xubnaha ay iyaga la wanaagsan tahay dadkana ay u ogolaan doonto inay danahooda qabsadaan iyadoo aanay culays ka haysan furitaanka iyo xiritaanka goobahooda ganacsi markii salaadda la gaaro.

Dhanka kale dadka isticmaala barta Twitterka ayaa ay talo-bixintaas u arkaan inay aheyd in waa hore la soo jeediyo sababtoo ah waxa ay meesha ka saaraysaa inay jirto arrin dheeraad ah "oo dadka ku qasbaysa inay tukadaan".

Middaas mid ka duwanna dad badan ayaa waxa ay muujiyeen inay amarkaas ka cabsi qabaan maadaama uu imanayo todobaadyo uun kaddib markii ay mas'uuliyiinta Sucuudigu go'aamiyeen in la habeeyo oo la xaddido adeegsiga codbaahiyayaasha ee masaajidda, arrintaas oo illaa hadda si wayn looga doodo.

Samar ayaa tiri: "Haddii ay hoos u dhigeen saamacadaha lagu baahiyo aadaanka, haddana ay leeyihiin waqtiga salaadda goobaha ganacsiga ha iska furnaadaan, hadda maxaa haray?"

Mid kale ayaa ku jeesjeestay talo-bixinta oo waxa ay tiri: Soo jeedintooda ha ku soo gabagabeeyaan inay salaadda iyo aadaanka ka mamnuucaan meelaha ay bulshada isugu timaado.

Dadka qaar ayaa dalbaday in la qaadaco goobaha ganacsiga ee furan xilliyada salaadda.

Qaar ka mid ah dadka aaraa'dooda dhiibanayay ayaa waxa ay qabaan in: "Golaha Shuurada uusan ka hadalba arrimaha salaadda khuseeya mooyaane sida xiritaanka iyo furitaanka goobaha ganacsiga xilliga salaadda, iyagoo arrimihii kale iska hilmaamayba."

Bilowgii bishan ayey aheyd markii mas'uuliyiinta dalka Sacuudi Carabiya ayaa ku adkeystay tallaabo ay ku xaddideen codbixiyayaasha masaajidda oo ahayd in aan laga maqlin meel ka baxsan gudaha masaajidda.

Wasaaradda Arrimaha Diinta ee dalkaasi ayaa dabayaaqadii bishii May ku dhawaaqday in dhammaan sameecadaha masaajidda codkooda la gaabiyo oo aysan ka badan saddex meelood hal meel heerka ugu sarreeya codkooda.

Wasiirka Arrimaha Diinta, Cabdulladhiif Al-Sheekh, ayaa sheegay in tallaabadani ay jawaab u tahay cabashooyinka ka imanaya dadweynaha.

Haseyeeshee tallaabadani ayaa aad dood uga dhalilsay baraha bulshada, waxaana markiiba billowday baaqyo lagu baahiyay intarneetka oo ah in la mamnuuco codadka dhaadheer ee muusigada ee ka shidan maqaaxiyadaha.