Tababarada la siiyo booliska Mareykanka muxuu kaga duwan yahay midka la siiyo booliska kale ee caalamka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dad badan ayaa ku dhintay gacanta booliska Mareykanka marka loo barbardhigo dhacdooyinka kale ee ka dhaca dalalka horumaray, waxaa jiray cadaadis caalami ah oo lagu codsanayo in lagu horumariyo tababarkooda si looga hortaggo awoodda xad-dhaafka ah ay adeegsadaan.
Waxaan halkan ku eegeynaa tababarada ay helaan booliska Mareykanka iyo barbardhig ku aadan tababarada kale ee la siiyo booliska caalamka.
Meeqa qof ayaa ku dhimatay gacanta booliska?
Ku dhawaad 1,000 qof ayay booliska Mareykanka muddo sanad ah ku dileen ah halkaas, sida laga soo xigtay barnaamij madaxbanaan oo la socda qalalaasaha ay gesytaan booliska, dadkaas intooda badana waa la toogtay.
Inta badan booliska caalamka waxay adeegsadaan hub balse booliska ka howlagala dalalka horumaray shacabka uma adeegsadaan wax hub ah- gaar ahaan dhibaatada lagu hayo dadka madowga ee kasoo jeedo Mareykanka.
Mareykanka wuxuu hoy u yahay kala bar dadka rayidka ee ku nool adduunka ee heysta hubka.
Sanadkii 2020-kii, in ka yar boqolkiiba 10 dadkii ay dileen booliska ayaa haa kuwo aanan hubeysneyn.
Rashawn Ray, oo ah profesoor maaddada bulshada ka dhiga jaamacadda Maryland "Inta badan dadka ku nool gobollada Mareykanka waxay hubka ku sitaan gawaarida ama hoos ayay kusoo qarsadaan si booliska ay xaaladda ugu sii adkeeyaan-waxay markiiba booliska u arkaan halis"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanadkii 2020, 49 sarkaal oo ka tirsan booliska Mareykanka ayaa la toogtay xilli ay ku gudo jireen shaqadooda, halka qaarkood ay ku anddacoodaan in tallaabadaas ay kaga jawaabayaan halis amni, waxana loo baahan yahay in booliska la siiyo tababaro dheeraad ah si xaaladda loo dejiyo.
Muddo intee la'eg ayuu qaataa tababarka la siiyo booliska?
Mareykanka waxaa ka jiraa 18,000 laamood oo booliska qaabilsan balse ma jiro heerar ama hanaan qaran oo qaabilsan tababarada booliska, waxaana kala duwan wakhtiga uu qaadanayo tababaradaas.
Celcelis ahaan, saraakiisha booliska Mareykanka ku dhawaad 21 toddobaad ayuu qaataa tababarkooda ka hor inta aysan howlgelin.
Waana wakhti yar marka loo barbardhigo tababarada la siiyo booliska dalalka horumaray, sida laga soo xigtay warbixin uu qoray macadka qaabilsan tabarabarada dambiyada iyo arrimaha caddaaladda (ICJTR).

Warbixinta waxay eegeysaa waxyaabaha diiradda lagu saarayo tababarada booliska in ka badan 100 waddan balse waxay daraasadda ogaatay in Mareykanka uu yahay meesha ugu liidato marka la eego wakhtiga uu qaato tababarka booliskiisa.
Dalal badan waxaa qofka loo qorayo in uu ku biiro booliska laga doonayaa in uu heysto shahaado jaamacadeed balse Mareykanka inta badan booliska waxaa laga doonayaa inay kasoo baxeen dugsi sare.
England iyo Wales, waxaa dhawaan waajib noqday in qofka doonaya in uu kamid noqdo booliska uu heysto shahaado jaamacadeed.
Maria Haberfeld oo ah profesoor ku takhasustay cilimga seyniska booliska ayaa sheegtay "Qaar kamid ah booliska Yurub waxay heystaan shahaado jaamacadeed oo muddo saddex sano ah ay tababar soo qaataan, gaar ahaan Norway iyo Finland."
Finland ayaa dalka ugu badan ay ku nool yihiin dad heysta heysta qoryaha qaaradda Yurub, boqolkii qof 32 qof ayaa ka heysataa hub, waxaa aad u yar dhacdooyinka la xiriira in booliska dad rayid ah ay toogtaan.
Tababar nooce ah ayay booliska qaataan?
Booliska Mareykanka waxay wakhti badan ku bixiyaan tababarada la xiriira hubka marka loo eego dejinta xaaladaha.
Maria Haberfel waxay tiri" Inta badan tababarada booliska Mareykanka waxaa diiradda lagu saaraa qeybaha kala duwan ee ku aadan adeegsiga tababarada, waxaana tababarada lagu soo qaadanin inta badan xirfadda dhanka xiriirka ama wadahadalka"
Waxay intaas ku dartay in qaabka loo tababaray uu yahay adeegsida awoodda baddalkii ay wadahadalka ama xiriir wax ku dhameyn lahaayeen.

Xigashada Sawirka, Getty Images














