You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Boqorkii Masar 'ee Hitler u ballan qaaday arrimo aad looga naxay'
Taariikhdu markii ay ku beegneyd 1936-kii, Amiir Faaruuq wuxuu ku laabtay Masar isagoo ka tagay Britain si uu ula wareego xilka boqortooyada oo uu ka dhaxlay aabihiis Fuad I, oo ahaa boqorkii Masar iyo hoggaamiyihii kow iyo tobanaan ee qoyskii Maxamed Cali.
Wuxuu waddanka xukumayay 16 sano kaddib dhaqdhaqaaqii militari ee dhacay 23 July 1952-kii, kaasoo ku khasbay in uu wiilkiisa Axmed Fuad oo 16 bilood jira uga tago dhaxalka boqortooyada. Hal sano kaddibna waxaa Boqortooyadii ku yimid dhibaato kale kaddib markii lagu dhawaaqay in Masar laga aasaasay hannaan jamhuuriyadeed taariikhdu markii ay ahayd 18-kii bishii June ee sanadkii 1953-kii.
Waa kuma Boqor Faaruuq?
Taariikhda laga qoray waayihiisii ayaa qeexaya in Boqor Faaruuq uu caasimadda Masar ee Qaahira ku dhashay 11-kii bishii February ee sanadkii 1920-kii. Wuxuu caasimadda Talyaaniga ee Rome ku dhintay 18-kii March 1965-kii isagoo 45 jir ah.
Faaruuq wuxuu ahaa wiilkii uu dhalay islamarkaana dhaxlay boqr Fuad-kii koowaad. Waxbarashadiisa wuxuu ku qaatay Masar iyo Britain.
Kaddib geeridii aabihiis dabayaaqadii bishii April ee sanadkii 1936-kii isagoo dhaxal sugaha ah ayuu ku laabtay Masar 6-dii bishii May. Xilligaas wuxuu ahaa 16 sano jir wuxuuna la wareegay xilka boqortooyada.
Markii uu boqorka noqday wuxuu halkii kasii waday cadaawaddii aabihiis kala dhaxeysay xisbigii Jamhuuriyadda Masar ee ay iska soo horjeedeen maamul ahaan. Arrimo badan ayuu ku khilaafay sida lagu xusay taariikhda buugaagta Britain.
Boqorka da'da yar waxay durbadiiba is qabteen Al-Nahhas Pasha oo ahaa hoggaamiyaha golaha dowladda iyo waliba Ra'iisul Wasaaraha. Arrimihii ay isku maan dhaafeen waxaa ka mid ahaa in la xakameeyo awooda boqorka iyo sida loo wajahayo siyaasadda arrimaha dibadda.
Dr Amal Fahmi ayaa buugeeda ay ku magacowga "Boqor Faaruuq iyo Khilaafadii Islmaaka" waxay ku sheegtay in kooxaha islaamiyiinta ah ay buux dhaafiyeen qasriga boqortooyada intii uu boqorka ahaa Faaruuq oo magaciisa u adeegsanayay sidii uu uga guuleysan lahaa siyaasiyiinta xisbiga dowladda ee la oran jiray Wafdi.
Buugga waxay qoraaga ku sheegtay in maalintii ugu horreysay ee uu xukunka qabtay uu billaabay dadaal uu ku doonayay inuu Masar uga aasaaso khilaafo Islaami ah. Laakiin islamarkii la dhaariyayba waxaa xoogeystay muranka kala dhaxeeyay siyaasiyiinta Wafdiga oo kasoo horjeeday fikirka ay boqortooyadu ku dooneysay in Faaruuq loogu dabaal dago xaflad ka dhacda Masaajidka Al-Rifaaci.
Mustafa Al-Nahhas ayaa ku adkeystay in caleema saarka boqorka loo maro Dastuurka u yaallay dalka, sidaas darteedna wax fantasyo ah lama sameynin markii uu taajka boqortooyada si rasmi ah ula wareegayay.
Boqorka cusub wuxuu ka faa'iideystay caannimadiisa iyo arrimihii xilligaas socday oo ahaa xiisado colaadeed oo ka taagnaa caalamka si uu u afgambiyo dowladdii Wafdiga bishii December ee sanadkii 1937-kii.
Markii uu qarxay Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Faruuq wuxuu isku dayay inuu ka noqdo dhexdhexaad, iyadoo ay jirtay in ciidamada Britain ay ku sugnaayeen Masar.
Laakiin bishii February ee sanadkii 1942-kii, Britain ayaa ku khasabtay inuu mar kale Ra'iisul Wasaaraha dowladda u magacaabo Mustafa Al-Nahhas.
Al-Nahhas wuxuu damacsanaa in uu la shaqeeyo Britain oo la dagaallameysay waddamadii taageersanaa Naasigii Jarmalka. Safiirkii Britain ee Masar joogay xilligaas, Sir Miles Lampso ayaa digniino badan helayay wuxuuna taageero ka heystay heystay ciidamada militariga oo hareereeyay qasriga Boqortooyada Faaruuq.
Boqor Faaruuq waxaa la kala dooran siiyay in uu boqortooyada ka tago ama ama in uu maamulka dowladda u daayo dowlad lasoo doorto, wuxuuna qaatay qodobka labaad. Markii ay doorashooyinka dhaceen, xisbigii Wafdiga ayaa guul weyn kasoo hotiyay.
Bishii October ee sanadkii 1944-kii, Al-Nahhas wuxuu galay wadaxaajoodkii lagu sameeyay Heshiiskii Alexandria oo ahaa tallaabo lagu aasaasayay ururka Jaamacadda Carabta. Faaruuq Markii hore wuxuu rabay inuu madax ka noqdo Ururkaas.
Xiriirkii Faaruuq iyo Militarigii Britain
Warbixinno ay BBC-da qortay ayaa lagu sharraxay xiriirkii ka dhaxeeyay boqor Faaruuq iyo militarigii Britain markii uu soo dhammaaday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxaana lagu sheegay in ay wadashaqeyn lahaayeen.
18-kii bishii February ee sanadkii 1945-kii, taliyihii ciidamada badda ee Britain wuxuu aqbalay codsi uga yimid Boqor Faaruuq oo doonayay inuu booqdo markabka diyaaradaha xambaara ee Britain u joogay Alexandria.
Markabkaas oo la oran jiray HMS Hunter wuxuu ka mid ahaa maraakiibta ugu waaweyn ee uu Ingiriiska ku gali jiray dagaalka. Kabtan Torles ayaa laga dalbaday inuu madadaaliyo Boqor Faaruuq uuna u sharraxo sida uu u howl-galo markabka.
Intii uu boqorka saarnaa Markabka ayaa la sameeyay dhoollatus uu bambooyin ku ridayay.
Duuliyeyaashii bandhigga cajiibka ah sameeyay dhammaantood waxaa lagu abaalmariyay saacado dahab ka sameysan, shaqaalihii kalena waa laga wada farxiyay.
Maalintii xigtay, HMS Hunter wuxuu u shiraacday dhinaca badda Cas isagoo ku sii jeeda Japan, sida lagu sheegay dukumiintiyo ay BBC-da ka qortay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Faaruuq ma wuxuu la jiray Hitler?
Laakiin su'aasha isweydiinta mudan ayaa ah Faaruuq miyuu la jiray Britain? Mise wuxuu doonayay inuu dhexdhexaad ka ahaado Dagaalkii Labaad ee Adduunka? Mise waxaaba jiray xiriir saaxiibtinnimo oo ka dhaxeeyay Boqorka Masar iyo hoggaamiyihii Jarmalka, Adolf Hitler?
Qoraaga cilmi baaraha ah ee lagu magacaabo Rami Raafat ayaa buug uu arrintan ka qoray ku sheegay in markii laga guuleystay Naasiga Jarmalka kaddib warqado xafiisyada Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee Jarmalka laga helay ay muujiyeen in Boqor Faaruuq uu xulafo la ahaa Jarmalka.
Markii dagaalkaas laga soo gudbay kaddibna, sanadkii 1948-kii, Mareykanka ayaa Qaramada Midoobay u bandhigay xog ka kooban 11 bog oo sharraxeysa wadashaqeyntii ka dhaxeysay Boqorkii Masar iyo Naasiga iyo in ay isbahaysi ahaayeen.
Taariikh yahanka lagu magacaabo Maxamed Odeh ayaa buug uu qoray oo uu ku magacaabay "Sidee ayay ku burburtay Boqortooyadii masar? wuxuu ku sheegay in uu jiray xiriir ka dhaxeeyay Hitler iyo Faaruuq. Sida ku xusan buugaas, Boqorka Masar wuxuu u ballan qaaday Hitler in haddii uu dagaalka ku guuleysto uu u fududeyn doono arrimo ku saabsan sidii uu u isticmaali lahaa Kanaalka Suez iyo iyo dhaqaale oo kale, sida helitaanka Saliidda ku jirta Gacanka Beershiya iyo Iiraan.
Sidii dalka looga eryay iyo geeridii Faaruuq
Xukunkii Boqor Faaruuq wuxuu ku ekaaday 16 sano. 23-kii bishii July ee sanadkii 1952-kii ayuu xilka boqortooyada uga tagay wiilkiisa Axmed Fuad oo markaas jiray 16 bilood oo kaliya kaddib markii la afgambiyay xukunkiisii.
Maqribnimadii 25-kii bishii July ee sanadkii 1952-kii, Boqor Faaruuq wuxuu ka tagay Masar isagoo ku baxsaday doon yar oo ay boqortooyada lahayd, taasoo ahayd isla doontii uu ku cararay awowgiis Khedive Ismail markii xukunka laga tuuray.
Markii hore wuxuu dagay xaafad ka tirsan Principality of Monaco oo ka tirsan Qaaradda Yurub kaddibna wuxuu uga sii gudbay magaalada Rome ee caasimadda u ah dalka Talyaaniga.
Boqor Faaruuq wuxuu geeriyooday 18-kii bishii March ee sanadkii 1965-kii, kaddib markii uu ka casheeyay makhaayad, meydkiisana wax baaritaan ah laguma sameynin si loo ogaado sababta dhimashadiisa, sida ay ku andacoodeen qoyskiisa.