You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Nazanin Zaghari-Ratcliffe: Shantii sano ee ay ka maqneyd qoyskeeda
Waxaa laga joogaa in ka badan 1,800 oo maalmood tan iyo markii Richard Ratcliffe uu xaaskiisa Nazanin ku macasalaameeyay albaabka Garoonka Gatwick ee magaalada London, isaga oo keliya xilligaas ka walwalayay sida ay gabadhooda u xamili doonto safarka dheer ee Tehran.
Nazanin Zaghari-Ratcliffe ayaa saddex jeer oo hore Gabriella u kaxaysay inay waqti la soo qaadato ayeydeed iyo awoogeed oo Iiraan ku sugan.
Richard ma jirin sabab uu ugu fekero inuusan ku laaban doonin garoonka si uu uga soo kaxeeyo.
"Macasalaameyn xoogaa degdeg ah ayay ahayd," ayuu yiri. "Gabriella, xilligaas, sanad iyo bilooyin ayay jirtay. Sidaas darteed waxaan keliya u rajeynayay nasiib wacan."
Waxay ahayd markii ugu dambeysay ee uu xaaskiisa qof ahaan u arko.
Nazanin waxaa Garoonka Tehran ku xiray xubno ka tirsan Ilaalada Kacaanka xilli ay isku diyaarineysay inay aaddo hoyga qoyskeeda. Tan iyo markaas, waxay wajahday siddeed bilood oo xabsi ah, su'aalo weydiin adag, cunto ka soomid lagu codsanayo daaweyn caafimaad, ballan qaadyo been ah oo sii deyn ah, iyo ku dhowaad shan sano oo ay kala go'doomeen qoyskeeda.
"Bilowgii, waxaan u heystay inaysan caddaalad ahayn oo haddii aan iska hadalno, ay dadka ku habboon soo faragelin lahaayeen isla markaana la xallin lahaa," ayuu yiri Mr Ratcliffe. "Weligey ma sawiran inay tani qaadaneyso shan sano ama ka badan."
Maxkamdeyn qarsoodi ahayd oo lagu sameeyay sanadkii 2016, Ms Zaghari-Ratcliffe waxaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah sababo la xiriira "inay xubin ka tahay ururro ka dhan ah dowladda Iiraan" - taas oo seygeeda uu sheegay inay la xiriirtay shaqadeeda mutadawacnimada ah, ee ay ka heysay BBC Media Action iyo Thomson Reuters Foundation. Wuxuu intaas ku daray in markii la xirayay aysan weriyeyaal tababareynin.
Maanta oo Axad ah 7 March waa maalinta rasmiga ah ee la sii deynayo - qareenkeeda ayaa arkay inay maanta ku asteysan tahay kumbiyuutarka Waaxda Garsoorka ee Iiraan. Waxay xisaabineysay toddobaadyada iyada oo ku sugan guriga waaliddiinteeda, halkaas oo ay ku jirto xabsi guri, iyada oo lugta ay uga xiran tahay aalad lagula socdo dhaqdhaqaaqeeda.
Balse seygeeda - oo si aan caadi ahayn ugu dagaallamay sii deynteeda - ayaa shaki ka qaba in loo oggolaan doono inay ku laabato UK.
Wuxuu xaaskiisa ku sheegay inay tahay la heyste - loo adeegsanayo sida aalad gorgortan oo la xiriira deynta ay Britain ku leedahay Iran taas oo ku saabsan heshiis taangi oo aan weli dhaqangelin.
Wuxuu ka walaacsan yahay saameynta ay kala fogaanshaha qoyska ku yeelan karo xaaskiisa iyo Gabriella, oo haatan lix jir ah, taas oo xisaabineysay maalmaha ka harsan sii deynta hooyadeed.
Waxay ku soo laabatay UK si ay ula noolaato aabbaheed ayna iskuul u bilowdo bishii October 2019, iyada oo rajeyneysa in hooyadeed ay ku soo biiri doonto.
"Gabriella waxaa dhowr jeer loo ballan qaaday in 'hooyo ay mar dhow imaan doonto,'" ayuu yiri aabbaheed.
Xilligii ugu xumaa Nazanin waxay ahayd sanadkii 2016, markaas oo ay keligeed qol mugdi ah isku soo xirtay. Dadkii wareysanayay ayaa si khaldan ugu sheegay in Richard uu xiriir kale leeyahay ayna ka hayaan caddeymo sawirro ah.
"Uma maleynayo inaan fahmi karo dhibka ay martay," ayuu yiri Mr Ratcliffe.
"Waa khidad la soo jilay oo qof lagu niyad jebinayo. Cabsidaas iyo tacaddiga ayaana u horseeday inay ku fekerto inay is disho. Waxay igu tiri: 'Way fiicnaan lahayd inaan iska dhinto adinkana aad noloshiinna sii wadataan.'"
Warqaddii ugu horreysay ee ay xabsiga uga soo dirto seygeeda, Ms Zaghari-Ratcliffe waxay iyada oo niyad jabsan ku qortay: "Maalin kasta iyo seken kasta waxaan galaa badweyn shaki ah, cabsi, qalqal, kelinimo... taaheyga lagama maqlo qolkaas yar ee qabowga ah."
Waxay dareentay eed ah inay muddo dheer ka maqan tahay gabadheeda.
Waxay gabadheeda raalligelin uga soo dirtay xabsiga, iyada oo tiri: "Iga cafi habeennadii aanan dhinacaaga joogin ee aan qaban gacantaada ilaa aad ka gama'do.
"Iga cafi dhammaan xilliyadii aad u xiistay hooyadaa, dhammaan habeennadii ay ku heysay qandhada ilkaha soo baxaya ee aanan garabkaaga joogin; i cafi."
Iyaga oo kumannaan meyl isku jira, qoyska waxay barta Skype ku wada hadli jireen labo jeer maalintii.
Ms Zaghari-Ratcliffe, oo haatan 42 sano jir ah, ayaa daawan jirtay Gabriella oo wax sawireysa wayna wada cayaari jireen.
Gabriella ayaa ka war dhowreysa inay la dabaalato hooyadeed, ayna maalin uun isku raacaan dukaanka lagu iibiyo alaabaha ay carruurtu ku cayaraan.
Lammaanaha ayaa rajeynaya inay cunug kale dhalaan, waxayse ka cabsi qabaan in waqtigu uu hayo.
Dabayaaqadii bishii hore, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dominic Raab, ayaa telefoonka kula hadlay Ms Zahari-Ratcliffe oo ku sugan Tehran, isaga oo u xaqiijiyay in dowladdu ay sameyneyso wax walba oo dalka loogu soo celinayo.