Maamulka gobolka Tigree oo soo saaray Qoraal cusub oo qabyo ah oo muran badan dhaliya

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Qoraal cusub oo qabyo ah, oo dhawaan lagu faafiyay baraha bulshada laguna sheegay in uu soo saaray maamulka gobolka Tigray, ayaa noqday mid muran badan dhaliyay.

Dukumentigan oo cinwaankiisu yahay: "Sharciga Gobolka Tigray ee Lagu Xaqiijinayo Jiritaanka iyo Amniga Dadka Tigrayga", waa mid dowladeed, waxaana la filayaa in uu ansixiyo baarlamaanka gobolka, sida ay BBC Tigrinya ka xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Qabyo-qoraalka oo ka kooban 44 bog, isla markaana loo habeeyay lix cutub, ayaa ka kooban qodobo qaarkood oo aan caadi ka ahayn Itoobiya, isla markaana loo fasiranayo si ka baxsan dastuurka gobolka iyo kan qaranka.

Hordhaca sharciga ayaa hore u sheegaya in dadka iyo dowladda Tigray ay leeyihiin xaq dabiici ah iyo mid sharci ah oo ay isku difaacaan, maadaama "cadowga" uu jabinayo heshiiskii Pretoria, isla markaana uu ku kacayo xadgudubyo iyo tacaddiyo ka dhan ah shacabka Tigrayga.

Ururka TPLFt ayaa kala diray maamulka kumeelgaarka ah ee Tigray ee lagu dhisay heshiiska Pretoria, waxaana lagu beddelay gole hore oo la doortay ka hor dagaalka.

Tallaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay sii kordhiso xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka.

Dhanka kale, waxaa la diyaariyay sharcigan oo u muuqda mid loogu talagalay xaalad dagaal.

Waxaa lagu tilmaami karaa "ku-dhawaaqis hawlgal" ama "ku-dhawaaqis dagaal", wuxuuna u egyahay sharci xaalad degdeg ah marka la eego qaabkiisa iyo nuxurkiisa.

Sharcigan waxaa soo saari doona madaxweynaha gobolka, waxaana ansixin doona golaha gobolka. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in la sameeyay talis dhexe iyo ciidanka Tigray oo hoos yimaada madaxweynaha gobolka.

Codsi qaran oo qasab ah

Sida lagu xusay Qaybta Koowaad, Qodobka 5 wuxuu sheegayaa in qof kasta oo u dhashay gobolka Tigray , haddii da'diisa iyo caafimaadkiisu u saamaxo , ay "waajib qaran ku tahay" oo ah inuu aqbalo baaqa ficil ee ka yimaada dowladda Tigray, isla markaana uu gutto waajibaadkiisa.

Qaybta saddexaad, oo hoos timaadda cinwaanka "Mas'uuliyadda Dambiyada," waxay sheegaysaa in qof kasta oo diida inuu ku biiro ama ka qaybqaato Ciidanka Tigray lagu ganaaxi doono inta u dhexeysa 10,000 ilaa 50,000 birr, haddii uu ku guuldareysto inuu guto waajibaadkiisa jiidda hore ama gadaal.

Arrintan la xiriirta, falalka ciqaabta mudan waxaa ka mid ah:

Daah-furka ama faafinta xogta hawlgallada ciidamada ama dowladda

Haysashada hub sharci-darro ah iyo ridista rasaas ama duqeymo.

Isku dayga baxsashada iyo ka fogaanshaha baaqa qaran Falalkan oo dhan waxaa lagu ciqaabi karaa xabsi iyo ganaax lacageed.

Cutubka wxaa lagu muteysan karaa ciqaab dil ah

Gaar ahaan xilliyada dagaalka, burburinta kaabeyaasha dhaqaalaha, hay'adaha dowladda iyo kuwa dadweynaha, la shaqaynta cadowga, iyo faafinta ama luminta siraha ayaa lagu ciqaabi karaa xabsi iyo ganaax. Hase yeeshee, haddii falkaasi si ula kac ah loo sameeyo, waxaa lagu mutaysan karaa xabsi daa'in ama dil, sida ku xusan Qodobbada 29–3.

Waxaa sidoo kale dembi ah oo lagu mutaysan karo xabsi daa'in ama dil in la dhaawaco sharciga iyo nidaamka dastuuriga ah, ama hay'adaha maamulka ama Ciidanka gobolka Tigray, gaar ahaan haddii dhaqdhaqaaqu uu keeno qalalaase dadka dhexdiisa.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in fal kasta oo khatar gelinaya madax-bannaanida Tigray, oo lala sameeyo dowlad shisheeye, lagu ciqaabi karo dil, iyadoo ku xiran nooca falka.

Dembi kale oo gaari kara ciqaabta dilka ayaa ku xusan Qodobka 44, kaas oo la xiriira iskaashi dhaqaale ama la-talin lala yeesho cadowga.

Dambiyada dagaalka iyo xasuuqa waxaa lagu ciqaabi karaa xabsi daa'in ama dil, qof kasta oo kiciyo, amro, ama ka qaybqaata falal ka dhan ah shacabka Tigray ama qayb ka mid ah bulshada Tigray.

Arrintan waxaa lagu qeexay qaabab kala duwan, oo ay ka mid yihiin adeegsiga gaajada ama daawooyinka sidii hub dagaal loo adeegsado, ama si ula kac ah loo burburiyo dhaxal taariikhi ah iyo goobaha cibaadada.

Qodobada la xiriira xoriyadda warbaahinta

Aflagaadeynta sharafta halganka, taabashada ama dhaawaca sumcadda qoysaska dagaalyahannada, gaar ahaan haddii falkaasi ay si abaabulan u fuliyaan warbaahinta, waxaa lagu ciqaabi karaa xabsi ilaa 15 sano ah.

Waxa kale oo lagu sheegay in qof kasta oo gudaha gobolka Tigray ama dibaddiisa ka ah oo dhaleeceeya halganka, dadka ku dhiirrigeliya inaysan dagaallamin, ama kicinta ka dhanka ah halganka, lagu ciqaabi karo xabsi ilaa 5 sano ah.

Arrintan ayaa si toos ah ula xiriirta xorriyadda saxaafadda, waxaana jira cabsi ah in loo adeegsan karo in lagu xakameeyo xorriyadda hadalka ee gobolka, gaar ahaan baraha bulshada.

Liis kale oo "dembiyo" ah ayaa lagu daray cutubkan, kuwaas oo lagu ciqaabi karo xabsi u dhexeeya 3 ilaa 10 sano, gaar ahaan faafinta warar been ah ama xanta keeni karta cabsi iyo argagax bulshada dhexdeeda.

Qodob kale oo hadalka al xiriira

Qodobka 48 wuxuu sheegayaa in fal lagu mutaysan karo xabsi daa'in ama xitaa dil uu yahay haddii si kasta oo ay tahay loo sameeyo dacaayad ka dhan ah Ciidanka gobolkaTigray, ama si ula kac ah loo la shaqeeyo cadowga si loo weeraro, ama la tababaro Tigrayga si ay ugu adeegaan cadowga, iyo sidoo kale kicinta ama dhiirrigelinta ciidanka Tigray si ay khiyaano u sameeyaan.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in ilaa ciqaabta dilka ay gaari karto haddii waxyaabo halis ah oo guban kara ay qarxaan, taasoo keenta khatar weyn oo saameysa bulshada iyo deegaanka isla markaana faafisa dhaawac ballaaran.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in sumayn ama wasakheyn lagu sameeyo cunto ama biyo ay isticmaalaan ciidamada amniga Tigray lagu ciqaabi karo xabsi ilaa 15 sano, hase yeeshee haddii falkaasi keeno khatar dhimasho oo dadka ku timaadda, waxaa lagu mutaysan karaa xabsi daa'in ama dil.

Shirqool dhaqaale iyo shidaal

Waxa kale ku jira qodobada ay maamulka Tigrey so saareen in qofka lagu helo fal-dambiyeed shirqool dhaqaale oo la xiriira, lacag sharci darro ah, qarinta ama iibinta dawooyinka qiimo aad u badan lagu ganaaxi karo ilaa 300,0 Rs.

Sidoo kale, qodobka 58-aad ee baaqa ayaa ka hadlaya arrimaha shidaalka. Qofkii wax khiyaaneeya waxna ku iibiya si khayaano ah waxaa lagu ganaaxi karaa 25 sano oo xarig ah ilaa 50,000 ilaa 100,000 oo birr.

Fulinta qodobadan

Dad badan ayaa sheegaya in haddii sharcigan uu sida uu hadda yahay loo ansixiyo, uu xaddidi karo xuquuqda xorriyadda hadalka iyo xorriyadda dhaq-dhaqaaqa ee gobolka Tigray.

Ma aha oo kaliya waxa ku qoran qodobbada, balse sidoo kale sida loo fulinayo iyo muddada ay qaadanayaan ayaa muran ka taagan yahay. Waxaa lagu sheegay in dembiyada la xusay lagu xallin doono iyadoo loo eegayo culayskooda, laga bilaabo maxkamadaha bulshada ilaa maxkamadda dhexe.

Sidaas darteed, Maxkamadda Sare ee Tigray waxay kaliya dhageysataa arrimaha la xiriira "asalka iyo jebinta sharciga," go'aanna kama dambays ah ayey gaartaa, mana aha mid racfaan laga qaadan karo.

Dalkatoobiya, sharcigu wuxuu dhigayaa in maxkamadda rafcaanka dambiyada ay tahay tan ugu dambeysa ee dhageysata racfaannada.

Qodobka 62(5) wuxuu sheegayaa in haddii ay dhacdo fasiraad iska hor imanaysa oo ku saabsan dastuurka, fasiraadda uu bixiyo Golaha Gobolka ay noqoneyso mid kama dambays ah. Si kastaba ha ahaatee, awoodda ugu dambeysa ee fasiraadda dastuurka ee Itoobiya waxay la taallaa Golaha Federaalka.

Qodobka 75, farqadiisa 2aad, wuxuu sheegayaa in dambiyada ka dhanka ah jiritaanka iyo amniga dadka Tigray, iyo dambiyada culus ee musuqmaasuqa, lagu fulin karo mar kasta iyo meel kasta, xitaa iyada oo aan amar maxkamadeed jirin.

Qodobkan ayaa walaac weyn laga muujiyay, waxaana jira cabsi ah in loo adeegsan karo in ciidamada hubaysan ay xiraan ama dhibaateeyaan muwaadiniin iyada oo aan amar maxkamadeed la haysan.

Waxa ugu welwelka badan waa kan ugu dambeeya, hirgelinta shuruucda.