Sarkozy: Madaxweynihii hore ee Faransiiska oo xukun xabsi ah lagu riday

Nicolas Sarkozy in court in Paris, 1 March 2021

Xigashada Sawirka, Reuters

Published

Madaxweynihii hore ee Faransiiska, Nicolas Sarkozy, ayaa lagu riday xukun saddex sano oo xabsi ah kaddib markii lagu helay dambi la xiriira musuqmaasuq.

Labo ka mid ah sannaahaas ayaa la hakiyay dhaqan galkooda.

Mr Sarkozy ayaa lagu caddeeyay in uu sanadkii 2014-kii isku dayay in uu laaluush siiyo garsoore maxkamadeed, markaas oo ahayd xilligii uu xafiiska baneeyay. Wuxuu garsooraha u ballan qaaday in uu shaqo muhiim ah siin doono haddii uu usoo gudbiyo xog ku saabsan kiis kale oo loo heystay siyaasigan.

Sarkozy, oo 66 jir ah, wuxuu noqonayaa madaxweynihii hore ee ugu horreeyay ee dalka Faransiika xabsi lagu dhigo.

Qareenkiisa ayaa sheegay in uu xukunkan racfaan ka qaadanayo. Sarkozy xor ayuu sii ahaan doonaa inta uu socdo hannaanka racfaanka oo qaadan kara sannado kale.

Xukunka ay maanta soo saratay maxkamadda, oo ay ku dhawaaqday garsoore Christine Mée, ayaa ka dhigan in Sarkozy uu xabsi hal sano ah ku qaadan garo gurigiisa, halkii uu xabsi caadi ah ka aadi lahaa.

Waxaase muddadaas uu xabsi guriga ku jiro lagu rakibi doonaa qalab dhaqdhaqaaqiisa la soconaya.

Siyaasigan qaran raadiska ah "wuu ogaa in waxa uu sameynayay uu khalad ahaa", ayey tidhi garsooraha, iyadoo intaasna ku dartay in ficilladiisa iyo ficillada qareenkiisa ay shacabka tuseen "sawir aad u xun oo dhinaca caddaaladda ah".

Go'aankan maxkamadeed ayaa noonaya kii ugu weynaa ee Faransiiska ka dhaca wixii ka dambeeyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Hal madaxweyne oo kale ayaa lagu maxkamadeeyay Faransiiska, wuxuuna ahaa kii ka horreeyay Sarkozy, oo lagu magacaabo Jacques Chirac, kaasoo lagu riday xukun labo sano oo xarig ah balse la iska laalay sanadkii 201-kii. Chirac ayaa geeriyooday sanadkii 2019-kii.

Waa kuma Sarkozy?

Nicolas Sarkozy wuxuu Faransiiska madaxweyne kasoo noqday hal muddo xileed oo shan sano ah, taasoo kasoo billaabatay sanadkii 2007-dii.

Wuxuu waddanka ka hirgeliyay shuruuc adag oo ka dhan ah soo galootiga, wuxuuna isku dayay in uu isbaddal ku sameeyo dhaaalaha Faransiiska. Laakiin intii uu madaxweynaha ahaa waxaa xafiiskiisa hareeyay dhaleeceyn ku aaddan xasarado dhaqaale.

Magiciisa wuxuu sii weynaaday markii uu sanadkii 2008-dii guursaday fannaanadda caanka ah ee lagu magacaabo Carla Bruni.

Sanadkii 2012-kii wuxuu ku guul darreystay doorashadii uu ku damacsanaa in dib xafiiska loogu soo celiyo muddo xileed kale. Waxaa tartanka uga guuleystay François Hollande.

Carla Bruni with Nicolas Sarkozy on a state visit to London in 2008

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sarkozy wuxuu xiriirkii kala dhexeeyay Carla Bruni bannaanka soo dhigay markii uu madaxweynaha noqday 2007

Tan iyo markii uu xilka ka degay, waxaa daba socday dacwado iyo baadhitaanno la xiriira fal dambiyeedyo lagu eedeynayay.

Sanadkii 2017-kii ayuu isku dayay in uu siyaasadda kusoo rogaal celiyo, laakiin wuu guul darreystay kaddib markii xisbigiisa ay siyaasi kale u xusheen in uu xilka madaxweynaha ugu tartamo.

Maxay yihiin eedeymaha kale ee uu wajahayo Sarkozy?

Nicolas Sarkozy ayaa sidoo kale wajahaya dacwad la xidhiidha inuu hoggaamiyihii hore ee Liibiya, Mucamar Al Qadaafi, ka helay garab caawinaad ah oo uu ku maareynayay ololihii doorashada ee uu galayay sanadkii 2007-dii.

Sanadkii 2013-kii, Faransiiska ayaa furay baadhitaan ka dhan ah ololihii doorashada ee Mr Sarkozy, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu ka faa'iideystay lacago malaayiin euro ah oo si sharci darro ah looga qaatay Qadaafi.

Wuxuu ku hungoobay ujeeddadiisuu ahayd in mar kale xilka madaxweynaha loo doorto sanadkii 2012-kii. Markaas waxaa doorashada uga adkaaday François Hollande.

Mr Sarkozy wuxuu ku guul darreystay in dib loo doorto sanadkii 2012

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mr Sarkozy wuxuu ku guul darreystay in dib loo doorto sanadkii 2012

Eedeymahan markii ugu horreysay waxaa shaaciyay ganacsadaha Faransiiska ah, balse asal ahaan kasoo jeeda Lubnaan ee lagu magacaabo Ziad Takieddine, iyadoo ay u markhaati fureen qaar ka mid ah saraakiishii xukuumaddii Qadaafi.

Bishii November ee sanadkii 2016-kii, Mr Takieddine ayaa warbaahinta Faransiiska u sheegay in muddadii u dhaxeysay 2006 ilaa 2007 uu lacago ku wareejiyay Mr Sarkozy iyo Claude Guéant, oo ahaa madixiisii golaha Wasiirrada.

Mr Takieddine wuxuu sheegay in lacagtaas ay ka timid Qadaafi, isku darkeedana uu ahaa €5m (£4.4m; $6.2m).

Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaa socday baadhitaanka la xidhiidha arrintan.