John F Kennedy: Madaxweynihii wada qaabilay hogaamiyeyaashii dalalkii Afrika ee markaa xoroobay

Published

Maqaalada taxanaha ah ee ay BBC-da u soo diraan saxafiyiinta reer Afrika, waxaan maanta idiin ku haynaa sawirro uu arkiifiyada ka soo madhay qoraaga reer Sierra Leon iyo Gabmia labadaba, Ade Daramy, oo muujinaya madaxweynihii Maraykanka, John F Kennedy, ee seeska u dhigay xidhiidhka Afrika iyo Maraykanka.

Intii aanu noqon madaxweynaha 1961, dalkiisu wax badan iskuma deyin inuu fahmo isbedelkii degdegga ahaa ee Afrika ka socday. Laakiin markii la dilay 1963, wax badan baa iska bedelay xaaladda.

Mudadii koobnayd ee uu xilk ahayey, Kennedy wuxuu Aqalka Cad ku soo dhaweeyey dhammaan madaxda dalalkii Afrika ee xoroobay ama danjireyaashooda.

Sannad ka hor markii uu xilka qabtay, 17 dal oo Afrikaan ah ayaa xoroobay, markaas isaga oo dareensan in dunidu isbedelayso ayaa Kennedy gartay in xidhiidh cusub oo lala yeesho Afrika ma huraan yahay.

Xidhiidhkaa waxa lagu saleeyey in la taageero dalalka xoroobay ee Afrika.

Siyaasaddaas arimaha dibadda ee waagaa unkantay muddo dheer ayay soo jirtay kana dabbaalatay caqabado soo food saaray ilaa la soo gaadhay in Madaxweyne Donald Trump ku bedelo qorshihiisii isaga u gaarka ahaa.

Markii uu hogaanka qabtay, Kennedy wuxuu marti qaadyo u fidiyey madaxdii Afrika oo uu roog cas ku soo dhaweeyey.

Booqashooyinkaa rasmiga ah waxa aad u buunbuunisay warbaahinta waxaana shacabka Maraykanka lagu tirtirsiyey in ay dariiqyada u soo baxaan oo soo dhaweeyaan.

Kennedy iyo madaxda martida u ah ayaa waddooyinka waaweyn oo lagu dhejiyey dhambaallo soo dhawayn ah baabuur dusha ka furan ku mari jiray iyada oo ay shacab boodhadh sitaana si xamaasad leh u soo dhawaynayaan. Waa se marka cimiladu saamaxayso.

Run ahaantii arintaas siyaasadi kama maqnayn. Midowgii Soofiyeeti qudhiisa ayaa arintaas oo kale isna samaynayey oo doonayey inuu soo jiito dalalka Afrika ee doonayey in ay ka fogaadaan gumaystayaashii u talin jiray.

Markii uu xilka qabtay, Kennedy wuxuu ogaa in ay qasab ahayd inuu si dhakhso ah saaxiibo uga kasbado dalalkii Afrika ee xoroobayey.

Bil ka dib markii xilka loo dhaariyey, ayuu madaxweyne ku xigeenkiisii, Lyndon B Johnson, u diray Senegal si uu ula kulmo Madaxweyne Léopold Sédar Sengho, oo uu u arkayey inuu ahaa nin isku doonaya inuu dalalkii Faransiisku gumaysan jiray xulufo ka dhigo.

Muddo bil ah ka dibna Kennedy ayaa bilaabay barnaamijkii Peace Corps oo uu dhalin yaro Maraykan ah ugu dirayey dunida oo dhan.

Bishii Ogost 1961 wuxuu Aqalka Cad ku marti qaaday kooxdii u horraysay ee mutadawaciin ah ee tagaysay Ghana iyo Tanganyika.

Dilka geesigii xorriyada Congo, Partice Lumumba, ee tuhunkuna ka jiray in sirdoonka Maraykanka ee CIA ku lug lahaa, ayaa dhacay saddex cisho ka hor markii Kennedy xilka loo dhaariyey waxaanay arintaasi marag u tahay in Dagaalkii Qaboobaa qaaradda ku dhex marayey Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti.

Geeridiisii lama filaanka ahayd aad baa looga dareemay Afrika, weliba marka la eego in aan ninkii xilka uga dambeeyey ee Johnson aanu xamaasadiisii oo kale ku wadin sii adkaynta xidhiidha Afrika iyo Maraykanka.

Haatan 60 sano ka dib, Madaxweyne Joe Biden ayaa qorshaynaya qaabaynta siyaasadiisa ku waajahan Afrika.

Warbixin uu horaantii bishan soo saaray ayuu ku sheegay in Maraykanku u heellan yahay inuu Afrika u noqdo "dal ay wax wada qabsadaan, is taageereen oo ay is tixgelin ku wada dhaqmaan."

Erayadaa Biden waxay u eegyihiin heellanaantii Kennedy, waxaan se sugnaa waa in erayadaas ficil dhabeeyo iyo in kale.