Maxay tahay sababta uu Ruushka ugu hanjabayo Midowga Yurub?

Russian Foreign Minister Sergei Lavrov meeting EU's Josep Borrell in Moscow, 5 Feb 21

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda ee ruushka, Sergei Lavrov, wuxuu isbuuc ka hor kulan xasaasi ah la qaatay madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub
Published

Ruushku wuxuu diyaar u yahay in uu sii xumeeyo xiriirka Midowga Yurub kaddii ay kusoo rogaan cunaqabateyno cusub oo xanuun dhaqaale leh, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov.

Hoggaanka Midowga Yurub (EU) ayaa bidhaamiyay in uu cunaqabateyno dheeraad ah dul dhigi doono Moscow kaddib markii uu xoogeystay muranka ka dhashay sida loola dhaqmay hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka ee xabsiga la dhigay, Alexei Navalny.

Mar wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka la weydiiyay su'aal ku saabsaneyd in dalkiisa uu gabi ahaanba "xiriirka u jarayo" Yurub, ayuu Mr Lavrov yidhi: "diyaar ayaan u nahay arrintaas".

"Haddii aad rabtid nabad waa in aad u diyaar garowdo dagaal," ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in in xiriirka oo la gooyo uu ka dhalan karo cunaqabateyn uu Midowga Yurub saaro "oo khatar galin kara dhaqaalahooda, gaar ahaan dhinacyada ugu xasaasisan".

"Ma dooneyno inaan iska gooni yeelno arrimaha dibadda ee caalamka, laakiin waa in aan u diyaar garowno arrintaas lafteeda."

Ice cover a Moscow river in front of the Kremlin in Moscow

Xigashada Sawirka, EPA

Wuxuu Lavrov hadalkan ka jeediyay Kanaalka Youtube-ka Ruushka ee Solovyov Live.

Isbuucii lasoo dhaafay, Ruushka iyo Midowga Yurub ayaa mid walba wuxuu eryay saddex diblomaasi oo u kala qaabilsanaa labada dhinac, tallaabadaasina waxay ku timid ficillo far far ku taag ah oo daba socday murankii ka dhacay kiiska Navalny.

Ruushka ayaa ku hor maray eryidda diblomaasiyiinta, hal isbuuc ka hor, iyagoo sheegay in danjireyaasha reer Yurub ay ka qeyb galeen mudaharaad sharci darro ah oo lagu taageerayay Navalny, inkastoo eedeyntaas uu beeniyay Midowga Yurub.

Hadalka kasoo baxay dowladda Ruushka ayaa yimid xilli ay socotay booqasho uu dalkaas ku madaxa guddiga arrimaga dibadda ee EU-da, Josep Borrell.

Isbuucan gudihiisa, dalal ka tirsan Midowga Yurub, oo ay ka mid yihiin Ruushka, Poland iyo Sweden, ayaa iska eryay diblomaasiyiin reer Ruush ah.

Midowga Yurub ma soo rogi doonaa cunaqabateyn dheeri ah?

Mr Borrell ayaa maalintii Talaadada ahayd xildhibaannada baarlamaanka Yurub u sheegay in tallaabada xigta ee ay qaadayaan "ay ka mid noqon karto cunaqabateyn, sidoo kalena uu soo hor dhigi doono qorsheyaal kale".

Bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay, Midowga Yurub ayaa cunaqabateyn dul dhigay lix sarkaal oo u dhashay Ruushka iyo xarun lagu sameeyo cilmibaarista Kiimikada oo uu leeyahay Ruushka, kuwaasoo dhammaantood lagu eedeeyay in ay si toos ah u sumeeyeen Navalny, bishii August ee isla sanadkaas.

Weerarkaas lagu sumeeyay Mr Navalny ayaa ahaa mid aad u halis badan oo uu ku dhiman gaaray.

Alexei Navalny

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Alexei Navalny

Inta badan dadka ay sida gaarka ah isugu dhow yihiin madaxweyne Vladimir Putin waxaa hadda saaran cunaqabateyn uu ku soo rogay Midowga Yurub, waxaana lagu sameeyay xayiraado dhinaca safarrada iyo hantidaba ah.

Qaar ka mid ah go'aannada cunaqabateynnada waxaa la hirgaliyay sanadkii 2014-kii, markii uu Ruushka goostay gobolka Crimea ee ka tirsanaa Ukraine.

Tobannaan ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ku baaqay in Mr Borrel uu is casilo, iyagoo sheegay in safarkii uu ku tagay Ruushka uu ahaa mid "bahdil ah", laakiin hoggaamiyeyaasha EU-da ma aysan taageereegin baaqooda.

Navalny ayaa mar kale maxkamadda ku wajahaya eedeymo ku saabsan in uu meel ka dhac ku sameeyay rug caddaa ka qeyb galay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Ninkan sameeya ololaha ka dhanka ah musuqmaasuqa ayaa sheegay in dacwaddaas ay tahay mid ujeeddada laga leeyahay ay tahay sidii magaciisa loo halleyn lahaa oo kaliya.

Bishan ayaa lagu riday xukun ku dhawaad saddex sano oo xabsi ah, kaasoo ka yimid kiis kale oo loo heystay, balse meelo badan oo caalamka ka mid ah looga arko mid la siyaasadeeyay.

22-ka bishan February ayey wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub yeelan doonaan kulan, waxaana la filayaa in ay cunaqabateyn hor leh saaraan Ruushka.