Coronavirus: "Anigoo geeri u dhow ayaan codsaday in cunuggeyga uun la ii badbaadiyo"

Published

Markii isbitaalka la geeyay haweeney da' yar oo la xanuunsan cudurka Covid-19, neeftuna ay dhibeyso iyadoo leh uur toddobo bilood ah, shaqaalaha caafimaadku waxay ogaayeen in laga sugayo dadaalka lagu badbaadin karo hooyada iyo cunuga caloosheeda ku jira labadaba, sida uu qoray Dr John Wright.

Mehpara Naqvi waa 22 jir ka qalin jabisay jaamacadda Bedfordshire. Waxay magaalada Bradford u tagtay inay kula noolaato ninkeeda, Cali, iyo qoyskiisa.

Bannaanka aad uguma aysan bixi jirin markii uu dillaacay fayraska corona, sida ay sheegtayna waxay tageen dukaan ay alaab uga soo iibiyeen cunuggooda oo la filayay inuu dhasho bisha December.

Laakiin bishii October ee sanadkii 2020-ka, Mehpara waxay dareentay madax xanuun, wayna ufaceysay. Kaddib waxay billowday in uu ka lumo dareenka dhadhanka iyo urka, sidaas ayeyna ku fahantay in ay qabto cudurka Covid-19.

Iyada iyo ninkeeda Cali waxay isku karantiileen qeybta kore ee guriga, cuntadana waxaa bannaanka u dhigi jirtay Cali hooyadiis.

Laakiin labo ama saddex maalmood kaddib, Mehpara waxaa ku adkaatay neefsashada, Calina wuxuu ku khasbanaaday in uu ugu yeero gaariga ambalaata ee gurmadka degdegga ah.

Habeenkii ugu horreeyay ee ay isbitaalka ku jirtay xaaladdeedu way kasii dartay, waxaana loo sii gudbiyay qeybta daryeelka gaarka ah ee loo yaqaanno ICU-da.

Dhakhtarka qoray warbixintan wuxuu sheegay in mowjaddii ugu horreysay ee Covid-19 aan lagu arkin haweeney la xanuunsan cudurka oo sidoo kalena uur leh. Sidaas darteed Mehpara ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee noocaas ah oo uu cudurka si xun usoo rito.

Debbie Horner, oo ah dhakhtaradda sida gaarka ah ula socota haweenka uurka leh ee isbitaalka ayaa il gooni ah ku heysay xaaladda haweeneyda da'da yar ee uurka lahayd.

Umilisooyinka iyo dhakhaatiirta kaleba waxay si joogto ah ula socdeen wadne garaaca cunugga caloosheeda ku jira.

Debbie waxay u sheegtay Mehpara in cunugga xaaladdiisu ay wanaagsan tahay, xilligaasna uu ku nabad qabo ilmo galeenka dhexdiisa, laakiin laga yaabo in xaaladdu ay gaarto heer looga soo saaro qalliin. Maadaama uurka uu yahay 7 bilood, waa caadi in cunugga laga soo saaro caloosha hooyada kaddibna daryeel gaar ah loo billaabo.

Arrintaas waxay dhakhtaraddu sidoo kale telefoonka ugu sharraxday Cali.

Hase yeeshee Mehpara waxaa ku batay walwal.

"Waxay ila noqotay in aanan noolaan doonin, oo wax ay ku dhici rabaan cunugeyga," ayey tidhi. "Sidaas awgeed waxaan u sheegay kalkaalisadeyda in aan doonayo in qalliin la igu sameeyo, oo cunugga la iga soo saaro. Waxaan idhi, 'Aniga uma maleynayo in aan badbaadi doono sidaas darteed waxay ila tahay inaad ii badbaadisaan cunuggeyga kaliya.'"

Waxay xasuusataa in ay hadalkaas u sheegtay Debbie.

"Runtii way igu qancineysay inaan noolaan doono. Waxay igu tidhi, 'Ma oggolaan doonno in ay wax ku gaaraan, adiga iyo cunuggaagaba waan ku badbaadin doonnaa.'"

Laakiin Mehpara ma aysan aaminsaneyn in Debbie ay run sheegeyso.

Muddo yar kaddib, xaaladda Mehpara aad bay usii xumaatay, nafteeda iyo nafta cunugeeduna halis siman ayey galeen.

Ugu dambeyn Debbie iyo kooxdeeda waxay dareemeen in la joogo waqtigii cunugga laga soo saari lahaa caloosha hooyada.

Balse markii qolka qalliinka la geeyay waxaa la ogaaday in Mehpara uu cabirka dhiiggeeda aad hoos ugu dhacay, taasoo halista ugu weyn keeneysay.

Dhakhaatiirtu waxay go'saansadeen in ay dhiiggeeda kordhiyaan, qalliinkana ku sameeyaan iyadoo suuxdan.

Debbie waxay u sheegtay Mehpara in la soo naaxin doono sida ugu dhakhsiyaha badan ee macquulka ah marka uu qalliinka dhammaado.

"Laakiin waan u sharraxay in aanan ogeyn waqtiga ay qaadan karto howshaas. Waxaan u sheegay in laga yaabo dhowr maalmood kaddib in lasoo toosiyo."

Dadaal dheer kaddib, 5-tii Bishii October ayaa lagu sameeyay qalliinka, gabadheeda Nuur ayaana ku dhalatay iyadoo culeyskeedu dhan yahay 1.5kg (3lb 5oz).

Markaas wixii ka dambeeyay xaaladdu si tartiib tartiib ah ayey usoo hagaageysay. Markii ay Nuur dhalatay waxaa si toos ah ambalaas loogu qaaday qeybta daryeelka carruurta xilligooda ka hor dhasha, halka hooyadeed Mehpara dib loogu celiyay ICU-da, iyadoo lagu sii hayay koomo.

"Muddo 9 maalmood ah ayuu igu xirnaa qalabka neefsashada ee loo yaqaanno "ventilator", sida ay ila tahay," ayey tidhi Mehpara.

"Waxba kama aanan ogeyn goor aan dhalay, wax aan ogaa maba jirin."

Markii ugu dambeyn Mehpara laga soo saaray koomada, way ku adkeyd in ay hadasho ama ay wax fahanto, laakiin xoogaa kaddib Debbie ayaa muuqaal kula hadashiisay ninkeeda Cali. Isagu markaas wuu ka baxay marxaladdii karantiilka wuxuuna joogay qeybta ay gabadhiisa yar ku jirtay.

"Sidaas awgeed, waxaa hooyda u suuragashay in ay markii ugu horreysay aragto cunuggeeda," ayey tidhi Debbie.

"Runtii xaalad dareenka xamaasadda kicineysa ayey ahayd. Hadal ma aysan sameyneynin, way ooyeysay oo kaliya. Aniga lafteyda dareen ayaa i qaaday, kalkaalisooyinkii oo dhanna aniga ayey ila mid ahaayeen," ayey tidhi dhakhtaradda.

Mehpara waxay dib u xasuusataa in markii ay koomada kasoo baxday ay kala garan weysay waxa halkaas ka socday. Ma yasan fahmi karin sababta ay dadkoo dhan u xirnaayeen maaskaro iyo dharka qafilan ee fayraska la isaga ilaaliyo.

"Waxaan is idhi, 'Aaway cunuggaagii?' laakiin ma aanan hadli karin," ayey tidhi.

Laakiin si fiican ayey u xasuusataa markii ugu horreysay ee ay arkeysay gabadheeda.

"Waxay qorsheeyeen in aan arko cunugteyda, xaalad farxad badan ayeyna ii ahayd," ayey tidhi. "Gabadheyda aad bay u qurux badneyd anigana markaas ayaan fahmay wax walba oo dhacay, waana arkay in gabadheyda ay ii badbaadday."

Marxaladdii xigtay waxay ahayd in Mehpara loo gudbiyay qeybta hooyooyinka umulay ee isbitaalka, balse maalmo kale ayey u baahneyd in ay isbitaalka ku jirto.

Mehpara waxaa ugu dambeyn isbitaalka laga saaray 3-dii bishii November kaddib markii ay ku jirtay qiyaastii hal bil.

Sida dhammaan dadka galay qeybta ICU-da oo kale, Mehpara waxay si tartiib tartiib ah uga soo kabaneysaa tabadarradii xanuunka.

Waqti ayey qaadaneysaa taas, hadda waxaa dhiba inay masaafo dheer lugeyso, mararka qaarna neefsashada ayaa dhibta.

"Waxa ugu daran waa xasuusta iga luntay ee maskaxda. Waxyaabo badan ayaan hilmaamay, laakiin rajo ayaan ka leeyahay in aan sidii caadiga ahayd ku noqon doono," ayey tidhi.

"Da'deydu waa 22 sano kaliya. Caafimaadkeyguna aad ayuu u wanaagsanaa, balse waxaan si fiican u ogaaday in fayraska uusan kala lahayn da."

Dhanka kale, Mehpara waxay qiratay in fayraska aysan markii hore u qaadanin wax dhab ah oo halis ku noqon kara. Waxay xitaa aaminsaneyd marin habaabinta bulshada looga dhaadhiciyay in isbitaalka uu yahay meel halis ah.

"Runtii aniga nafteyda waxay ku badbaadday isbitaalka," ayey tidhi. "Haddii aa guriga joogi lahaa waxaan u maleynayaa in ay wax aad u xun nagu dhici lahaayeen aniga iyo Noor labadeennaba, sidaas awgeed waan ku faraxsanahay in isbitaalka la i geeyay. Nafteyda waxaan abaal uga hayaa shaqaalaha NHS."

Dr Debbie Horner aad bay ugu faraxday in sheekada ay ku dhammaatay Mehpara, Cali iyo gabadhooda Noor oo dhammaantood nabad qaba.