Baadari beeniyey Covid-19 oo Ruushka lagu xiray

Father Sergiy oo June 2020 ku sugnaa Sredneuralsk

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Baadari Sergiy waxaa loo xiray inuu dadka ku dhiirrageliyey iney diidaan talooyinka caafimaadka ee la soo jeediya ee ku saabsan Covid-19
Published

Booliska dalka Ruushka ayaa xiray baadari gacanta ku hayey hoy dumarka u gaar ah oo ay kaniisad leedahay oo la sheegay inuu ku dhaqaaqay fal ka horimanayo faafitaanka faayraska Covid-19 iyo talooyinka caafimaadka ee ku aaddan oo ay bixiyaan khubarada caafimaadka.

Baadarigana waxaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin dadka badan inuu ku dhiirrgelinayey iney isdilaan.

Booliska waxay sheegeen baadariga iney ku soo qabteen baaritaan si kedis ay ugu sameeyeen hoyga dumarka uu isagu mas'uulka ka ahaa.

Baadarigan hore oo doorki baadarinimo laga qaaday ayaa bishii June la wareegay gacan ku haynta kaniisadda Sredneuralsk, kaddib markii kaniisadda Orthodox ay baadariga xilka ka xayuubisay loona diiday inuu kaniisadaha uu ka wacdiyo, dhaqdhaqaaq diineedna uu sameeyo.

Wuxuuna baadarigu si cad uu u diiday inuu jiro fayraska korona xilli dalka Ruushka uu si ballaadhan uu uga socdo tallaalka looga hortagayo Covid-19 uu Ruushku sameeyey.

Baadarigan aragtidiisa kaniisadda iyo dowladdaba muranka ka dhex dhalisay waxaa xilka baadarinimo lagala noqday bishii May.

Kaddibna waxaa laga maanacay xirashada macatabka baadarinimada maadaamaa uu dadka caadiga ah ee caafimaadka qabo uu ku dhiirrageliyey iney diidaan awaamiirta caafimaad ee la xidhiidha Covid-19 maadaamaa uu aaminsan yahay inuu cudurkaasi uu jirin.

Baadari Sergiy kaniisadda Sredneuralsk wuxuu aasaasay billowgi sanadkii 2000, wuxuuna baadarigu yeeshay boqollaal qof oo taageerayaal ah oo wacdiga uu kaniisaddiisa ka jeediyo dhageysta.

Hay'adaha ammaanka Ruushka kaniisadda Sergiy si aan loogu cibaadeysan waxay xireen intii u dhaxeysay bilihi April-June ee sanadkaasi, iyaga oo ku eedeeyey maadaamaa uu baadarigu uu wadashaqeyn la yeelan waayey hay'adaha dowliga.

Howlgalka kaniisadda lagu qaaday maxaa ka dhashay?

Baadari Sergiy ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib marki isku dhac saacado sacday ay dhex martay booliska iyo taageerayaasha baadariga.

Baadari Sergiy

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Baadari Sergiy

Ragga hubeysan ee kaniisadda ilaalada ka ah ayey hay'adaha dolwiga Ruushka la xiriiriyeen iney ka mid yihiin kooxda fallaagada uu Ruushka taageero ee ka qayb qaato dagaalka Ukraine ka socda.

Isku dhaca booliska iyo shaabka kaniisadda ku sugnaa dhex maray wuxuu dhaawacyo fudud uu ka soo gaaray dhowr qof oo ka mid yihiin haweenka kaniisadda ka howlgalayey.

Howlgalka marka uu soo gagaboobayna taageerayaashiisa ayaa baahiyey muuqaal muujinaya baadariga inuu caafimaad qaba. "Isaga oo sheegay askarti xadgudubka u geysatay iney waxba ogeyn balse uu cafiyey".

Warbaahinta dowladda Ruushka oo laga baahiyey xarigga baadariga ayaa lagu sheegay in baadariga loo haysto dacwado ay ka mid yihiin inuu haween ka badan 10 uu ku dhiirrageliyey iney isdilaan.

Tallaaka Covid-19 ee Sputnik V uu Ruushka billaabay

Ruushka ayaa talaalka Covid-19 ka bilaabay xarumaha caafimaad ee ku yaal dalkaasi, talaalka oo marki ugu horreysay la siiyey dadka halista ugu badan ugu jira in fayrasku ku dhaco.

Talaalkaa dadka loo billaabay waxa la yidhaa Sputnik V oo waxa Ruushku soo saaray bishii Ogost.

Shirkadda samaysay ayaa sheegtay in wax tarka talaalkani yahay 95% oo aanu wax saamayn ah oo taban lahayn, laakiin weli lagu wado tijaabo ballaadhan.

Kumanaan qof ayaa durba isku diiwaan geliyey si ay u qaataan labada goor ee hore ee talaalka oo la bixin doono bilowga todobaadkan oo olole talaal ah la bilaabayo, laakiin ilaa haatan ma cadda xaddiga talaalkaas ee Ruushku samayn karo.

Shirkadda talaalkan samaysay ayaa la filayaa in ay soo saarto laba milyan oo irbadood oo talaalkaas ah dhamaadka sannadkan.

Duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin, oo barnaamijkan shaaciyey todobaadkii hore ayaa sheegay in la siin doono dadka ka shaqeeya iskuullada, daryeelka caafimaadka iyo adeegga bulshada ee magaaladaas oo dadka ku nooli yihiin 13 milyan oo qof.

Wuxuu sheegay in liiska dadka la siinayo la kordhin doono marka talaal badan la soo saaro.

Dadka degan magaalada ee shaqooyinkaa la sheegay ka shaqeeya ee da'doodu u dhaxayso 18-60 jir ayaa loo furi doonaa bog internet-ka ah oo ay iska diiwaan gelin doonaan si ay talaalka uga qaataan 70 goobood oo magaalada ku yaal.

Waxa aan ku jirin dadka la siinayo talaalka dadka 30-kii maalmood ee ugu dambeeyey dawooyin irbado ah qaatay ama cudurrada habdhiska neefsiga ku dhaca laga halay labadii todobaad ee u dambeeyey.

Sidoo kale waxa aan iyagana talaalka la siin doonin dadka qaba cudurrada aan laga bogsan qaarkood iyo haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya.

Dadku way ku niyad san yihiin talaalkan la bilaabay

Waxa la arkay dad kooban oo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka iyo macalimiinta oo lagu talaalayo goob casri ah oo caafimaad oo ku taal Moscow.

Dhamaantood deganaansho ayaa ka muuqday markii lagu mudayey talaalka Sputnik V, walow talaalka ay ku socoto tijaabo lagu ogaanayo bedqabkiisa iyo wax tarkiisaba. Dhakhtarrada midkood ayaa sheegtay in ay isbitaalka ay ka hawl gasho ku aragtay dad badan oo qaba Covid-19 oo u heelan in ay qaataan talaalkan.

Dad safaf ugu jira goobaha caafimaadka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dad safaf ugu jira goobaha caafimaadka

Mar la waydiiyey haweenay sugaysay talaalka in ay ka welwelsantahay dhibta ka dhalan karta iyo in kale ayaa waxay ku jawaabtay "wax kasta mar uun buu bilaabmaa".

Qof kasta oo talaalkan qaadanayaa si iskii ah ayuu isku diiwaan geliyey. Dadka la talaalayo waxa la weydiinayaa dhawr su'aalood oo si guud wax looga weydiinayo caafimaadkooda inta aan lagu mudin talaalkaas oo shan iyo toban daqiiqo ka hor inta aan qofka lagu mudin laga soo saarayo talaagad.

Warqad yar oo warbixin guud ku qoran tahay oo ka warbixinaysa saamaynta taban ee talaalku keeni karo ayaa goobta qofku ka helayaa, waxaanay tibaaxaysaa in saamanta badankeedu tahay wax fudud oo maalmo gudahood ku dhamaanaysa.

'Qof kasta ha la talaalo'

Sida shacabku uga falceliyeen talaalkan la bilaabay ayaa ah dareen kala duwan.

"Waan doonayaa sababta oo ah waxa dhici karta in tallaabadani joojiso faafitaanka cudurka" ayuu yidhi Igor Krivobokow oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters.

Laakiin nin kale oo ka mid ah dadka magaalada degan oo la yidhaa Sergei Grishin ayaa sheegay in aanay qorshaha ugu jirin inuu talaalka qaato.

"Hawshani muddo dheer bay qaadanaysaa. Xaddi yar oo talaalka ah uun baa haatan la soo saaray…bal horta qof walba ha la talaalo oo hadii ay badbaadaan ayaan ana istalaali doonaa" ayuu yidhi.

Ilaa haatan Ruushka waxa la xaqiijiyey in tiro dhan 2,431,731 qof uu ku dhacay fayrasku oo ay u dhinteen 42,684 qof. Sabtidan ayaa la sheegay in tirada dadka uu ku dhacay fayrasku ay kor ugu kacday 28,782 qof.

Moscow ayaa ah magaalada uu fayrasku ugu badan yahay Ruushka, waxaana laga helay dadka ugu badan ee uu ku dhacay fayrasku iyo tirada dhimashadaba. Tirada dadka uu ku dhacay 24 saacadood ee u dambeeyey ayaa ah 7,993.

Xukuumadda Ruushka ayaa diiday in ay xayiraad iyo bandoo soo rogto, laakiin bishii Noofember ayaa duqa magaalada Moscow soo rogay xadidaad saacadaha ay furnaanayaan goobaha khamriga laga cabo iyo baararku, waxaana ardayda jaamacadaha dhigata lagu soo rogay in ay internet-ka maqal iyo muuqaal ahaan u adeegsadaan wax barashada sidoo kalena waxa la xadiday xafladaha dhaqanka iyo ciyaaraha.