You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ruushka oo eedeymo cusub usoo jeediyay ninkii la sumeeyay
Baarayaasha Ruushka ayaa eedeymo cusub u soo jeediyay hoggaamiyaha mucaaradka Alexei Navalny.
Waxay sheegeen in Mr Navalny, oo ku sugan Jarmalka kana soo kabanaya sumeyntii lagula kacay, uu lacagaha dadweynaha u isticmaalay danihiisa gaarka ah.
Mr Navalny ayaa kiiska ku qeexay mid la farsameeyay ayna yihiin eedeymo "laga badbadiyay" oo ka yimid Madaxweyne Vladimir Putin.
Aqalka Kremlin ayaa dhowr jeer beeniyay sheegashada Mr Navalny ee a in madaxweynaha uu ka dambeeyay weerarkii qarka u saaray geerida ee loo geystay bishii August.
Warbixin ay soo saareen kooxda baarayaasha Bellingcat iyo warbaahinta Galbeedka ayaa horraantii bishan ku eedeeyay sirdoonka FSB inay sumeeyeen Navalny, sumeyntaas oo loo adeegsaday maaddada neerfaha saameysa ee Novichok.
Eedeymaha cusub ayaa imaanaya maalmo kaddib markii haweeney ay xulafo yihiin Navalny oo lagu magacaabo Lyubov Sobol lagu xiray Moscow kaddib markii laga soo qabtay gurigeeda.
Waxaa looga shakisan yahay inay u hanjabtay qof ka tirsan Waaxda Ammaanka Federaalka (FSB), oo uu Mr Navalny sheegay inuu qeyb ka ahaa sumeyntiisa.
Toddobaadkii la soo dhaafay, Mr Navalny ayaa barta YouTube-ka soo dhigay cod wada sheekeysi ah oo 45 daqiiqo soconaya oo uu la yeeshay Konstantin Kudryavtsev, isagoo ku qalqaaliyay inuu faahfaahin ka bixiyo isku daygii lagu khaarijin lahaa.
Muuqaalka waxaa la daawaday in ka badan 21 milyan jeer.
'Putin waa tuug'
Guddiga Baaritaanka Ruushka, ee ku shaqada leh dembiyada khatarta ah, ayaa ku eedeeyay Mr Navalny in adduun dhan $4.8m (£3.55m) oo lacagta dadweynaha ah uu u adeegsaday ururradiisa iyo danihiisa gaarka ah.
Wuxuu guddigu sheegay in lacagtaasi uu u adeegsaday iibsashada guryo, waxyaabo kale iyo safarro dubadda ah.
"Waxaan mar walba oran jiray waxay isku dayi doonaan inay xabsiga i dhigaan sababo la xiriira inaan badbaaday iyo inaan ku daba jiro kuwii i dili lahaa. Putin ayaa arrintan oo dhan ka dambeeya, " ayuu yiri.
"Waa tuug diyaar u ah inuu dilo kuwa diida inay ka aamusaan tuugnimadiisa."
Dadka arrimahan falanqeeya ayaa sheegay in eedeymahan ay muujinayaan in xukuumadda Ruushku aysan dooneyn in Mr Navalny uu ku laabto Ruushka, inkastoo uu xor u yahay inuu ku laabto dalkiisa.
Isniintii wuxuu Navalny sheegay in waaxda xabsiyada Ruushka ay ku amreen inuu soo laabto Talaadadii shalay ahayd amaba lagu xukumi doono xabsi isagoo eedeymo kale loo heysto.
Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu ku laabto Ruushka marka uu bogsado, balse uusan awoodin inuu ku laabto waqtiga loo qabtay.