Boqorka Spain oo weerar dhanka afka ah ku qaaday aabihii oo dalka ka maqan

Xigashada Sawirka, Reuters
Boqorka dalka Spain boqor Felipe VI ayaa caraka ku dhuftay aabihiisa dalka ka cararay ka dib markii ay soo baxeen fadeexooyiin musuqmaasuq, isaga oo sheegay "in anshaxa ay tahay in uu ka sareeyo qoyska".
Waa hadal yar oo uu dul istaagay mar uu khudbad dulucdeeda ahayd feyriska Corona uu jeedinayay islamarkana waxaa boqorka uu u mahadceliyay shaqaalaha caafimaadka.
Boqorkii hore ee dalka Spain, Juan Carlos, ayaa u cararay magaalada Dubia bishii August ka dib markii loo soo jeediyay eedeyn la xiriiray in uu falal musuqmaasuq ku kacay.
Juan Carlos waxaa uu beeniyay in wax qalad uu galay, balse ka tagitaankiisa dalkiisi ayaa waxaa ka dhashay in su'aalo la iska wadiiyo mustaqbalka qoyska boqortooyada.
Waxaa jiray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa in Felipe VI uu khubadiisa ku soo qaadi doono feyriska Corona iyo in kale iyo sidoo kale in arrinta dadka ay dhagta u taagayeen ee fadeexadda aabihi uu soo qaadi doono.
Sida uu qoray wargeyska El Pais,in dad badan ay dareemaan in aysan suuragal ahayn in uu boqoorka iska indha tiro arrintan marka uu jeedinayo khudbadiisa dhammaadka sanadka.
Inkastoo uusan khubadiisa xusin magaca aabihii, hadana dad badan ayaa dareemayay xiriirka ka dhaxeeya iyo u jeedada hadalkiisa uu cadyahay.
"Sanaddii 2014, markii aan la hadlayay baarlamaanka waxaan soo hadal qaaday akhlaaqda iyo mabaa'da anshaxa ay naga filan karaan muwaadiniinta, taasi oo ay tahay inana dhamaanteen ku dhaqano ," ayuu yiri Boqorka.
Waxaa u intaa ku daray in qoysas badan ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyiin xilligan lagu guda jiro fasaxa ciidda Kirismiska.
"Waxaa loo baahan yahay dadaal dheeraad ah si looga soo kabsado dhibaatoyiinka uu keenay feyriska Covid-19.
Maxaa ku dhacay boqor Juan Carlos?
Waxaa uu dalkaasi Spain xukumayay ku dhawaad 40 sano, ka hor inta uusan wiilkiisa ku wareejin xukunka sanaddii 2014.
Go'aankiisa ayaa ka dambeyay ka db markii baaritaano lagu furay wiilka qaba gabadhiisa taasi oo la xiriirtay ugaarashadii maroodi xilli ay fasax ku jireen.
Bishii June ee sanadkan, maxkamadda ugu sareysa dalka Spain ayaa furtay baaritaano dheeraad ah oo ku aadan eedeeynta loo jeediyay Juan Carlos oo ah in uu ku lug lahaa qandaraasyo lagu dhisayo waddooyiin Tareen dalkaasi Sacuudiga.
Bishii August, ayaa boqorkii hore ee Spain waxaa uu ka yaabiyay dad badan ka dib markii uu sheegay in uu ka tagayo dalkiisa Spain.
Waxaa uu beeniyay eedeeymaha loo soo jeediyay, waxaa uuna sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka jawaabo su'aalaha ay dacwad oogayaasa waydiiyaan.













