Gabadha nafteeda uga sabartay si ay haweenka kale u dhiirrigaliso

Xigashada Sawirka, Family photo
"Markii aan guriga tagay, anigoo wali salka dhulka dhigin ayaan maqlay dhawaaqa rasaas. Aniga iyo walaashey iga yar ayaa bannaanka u cararnay si aan usoo ogaanno waxa dhacay," ayuu BBC-da ku yidhi Hamad Hilal, isagoo intaasna ku sii daray: "Markii aan bannaanka u baxay, waxaan arkay darawalkii oo meyd ah isteerinkana ku dhaggan iyo Malala oo ay wali nafta ku jirto balse uu dhiig daboolay. Gacmaheyga ayaan ku qaaday, waana eegayay marka ay nafta ka baxeysay."
Hamad walaashiis ka weyneyd, Malala Maiwand, oo 26 jir ahayd, waxay ahayd wariye Telefishin oo 10-kii bishii December lagu dilay bannaanka hore ee gurigeeda oo ku yaalla gobolka Nangarhar ee bariga dalka Afghanistan.
Malala waxay ku jirtay saddex wariye iyo samafale oo si xiriir ah loogu dilay dhawaan meelo kala duwan oo ka tirsan dalkaas.
Wax yar ka hor inta aan la dilin, Malala waxay walaalkeed ka yar, Hamad, u sheegtay inuu isku diyaariyo qaadidda mas'uuliyadda reerka, maadaama ay dareentay in "la bartilmaameedsanayo".
Xilligaas, Hamad wuxuu walaashiis u sheegay in aysan waxba gaari doonin, nolol fiican oo dheerna ay heli doonto.
Ma uusan dooneynin inuu maqlo waxa ay Malala u sheegeysay, laakiin hadda wuu xasuustaa inay run sheegeysay walaashiis, maadaama ay waligeedba run badneyd. Waxay ka cabsi qabtay inay beegsadaan xagjiriinta ku arkay iyadoo kasoo muuqaneysa telefishinka.
Darawalkii Malala, Maxamed Daahir, oo isla weerarkaas lagu dilay, wuxuu mar kasta la socon jiray 7-da subaxnimo, marka ay soo tabineyso barnaamijkeeda subaxlaha ah, kaasoo ka bixi jiray kanaal ay dowladdu leedahay oo lagu magacaabo Inflection.

Xigashada Sawirka, Family photo
Subaxda Malala la dilay barnaamijkeedii ma bixin, taas baddalkeedana waxaa telefishinka isla waqtigii laga sii daayay warka ku saabsan geerideeda: "Koox hubeysan ayaa toogasho ku dishay wariyihii telefishinka Inflection, Malala Maywand, iyo darawalkeeda Maxamed Daahir, xilli ay shaqada kusii jeedeen."
Walaalkeed wali wuxuu la yaaban yahay sida ay wax u dhaceen, waliba iyagoo ku sugnaa qeybta magaalada ee loo yaqaanno "Khadka Cagaaran", oo ka tirsan magaalada Jalalabad, isagoo sheegay in dadka dilalka geystay iyagoo aan wax degdeg ah qabin si tartiib ah uga tageen goobta.
Guriga qoyskan wuxuu ku yaallaa waddo mashquul badan, oo aan ka fogeyn xarunta Sirdoonka Afghanistan iyo bar koontarool oo ay leeyihiin booliska.
Sidoo kale xarunta dhexe ee booliska ayaa guriga u jirta wax ka yar 200 oo mitir.

Xigashada Sawirka, Family photo
Xanuunka uu Hamad ka dareemayo geerida walaashiis wuxuu ku tilmaamay mid aan la qeexi karin.
Wuxuu yidhi: "Malala ma ahayn walaashey kaliya, balse waxay sidoo kale ii ahayd hooyo iyo saaxiib. Mar walba waxay igu dhihi jirtay, "Xiiso uma qabo nolosha, waxaan u noolahay qoyskeenna oo kaliya."
Hooyadeed waxaa lagu dilay horteeda
Malala waxay ahayd ilmo yar markii qoyskeeda ay u qaxeen dhinaca waddanka Pakistan, si ay uga baxsadaan dagaalladii sokeeye ee barakiciyay malaayiin reer Afghanistan. Qiyaastii 1.5 milyan oo shacab ah ayaa la rumeysan yahay inay u qaxeen deegaannada qabaa'ilka ee waddanka Pakostan.
Sanadkii 2004-kii, kaddib burburkii kooxda Taliban, ayey qoyskeeda dib ugu laabteen gobolka Nangarhar ee Afghanistan, halkaasoo ay ku dhammeysatay waxbarashadeeda dugsiga sare, jaamacadna ka billowday.
Waxay jaamacadda ka dhiganeysay sanadkii ugu dambeeyay ee maaddada maamulka nidaamka dadweynaha.
Aabbeheed, Gul Mulla, ayaa BBC-da ku yidhi: "Waxay lahayd riyo weyn," isagoo intaas sii raaciyay "inuu mar walba ka walwali jiray amaanka gabadhiisa".
"Mararka qaar waxaa u sheegi jiray in aysan su'aalo adag oo ceeb ka imaan karto weydiinin mas'uuliyiinta ay wareysato, laakiin mar kasta waxay ii sheegi jirtay in shaqadeeda ay tahay weydiinta su'aalahaas." Ayuu yidhi.
Malala hooyadeed waxay muddo 12 sano ah ahaan jirtay hoggaamiye bulsho oo firfircoon, saameynna leh, ka hor inta aan la dilin iyadana.

Xigashada Sawirka, Malala Maiwand/Facebook
Malala waxaa lagu yaqaannay in ay su;aalo adag weydiin jirtay dadka ay barnaamijkeeda ku martigaliso, dhimashadeedana waxaa ka murugooday Shukrallah Bason, oo ah agaasimaha telefishinka Inflection.
Wuxuu sheegay in dhimashadeeda aysan saameyn doonin kaliya qoyskeeda, balse ay xitaa xanuujineyso taageerayaasheeda.
"Uma maleynayo inaan heli karno baddalkeeda. Kaligeed ayaan heysannay, mid kalena ma heli karno, wariye kale oo da' yar ayaan hadda ka codsannay inuu shaqadeeda noo qabto," ayuu yidhi Agaasimaha.
Dad kale oo magac leh ayaa ka xumaaday dilka Malala.
Dilal qorsheysan
Hal maalin uun kaddib markii la dilay Malala, booliska waxay xaqiijiyeen iney magaalada Kabul ka heleen meydka wariye kale oo lagu magacaabi jiray Fardeen Amini, kaasoo dilkiisa toori loo adeegsaday.
26-kii bishii November, meydadka labo ka tirsanaa shaqaalaha warbaahinta ayaa laga helay duleedka magaalada Kabul.
Labo isbuuc ka hor xilligaasna, Elias Daye, oo kasoo warrami jiray dagaalkii Helmand, ayaa la dilay, waxaana ku xigay dilka wariye caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Yama Siyawash, oo isna lagu dilay Kabul. Liisku aad buu u dheer yahay.
Nye, oo ah urur u dooda xuquuqda suxufiyiinta, ayaa sheegay in 70 wariye iyo shaqaale warbaahineed lagu dilay Afghanistan tan iyo sanadkii 2016-kii.
Ma sahlana in haweenka Malala oo kale ah ay shaqada noocan ah ka dhex fuliyaan bulsho dhaqankeedu gaar yahay, gaar ahaan marka ay timaado in shaashad laga soo muuqdo.
Hayadda badbaadada suxufiyiinta ee Afghanistan ayaa sheegtay in Malala ay ahayd gabadha kaliya ee shaashahada telefishinka kasoo muuqan jirtay ee ku sugneyd qeyb dhan oo ka mid ah Afghanistan.
Geerideeda kaddib, inta badan wariyeyaasha dumarka ah ee gobollada bariga dalkaas way joojiyeen shaqada.
Labadii bilood ee lasoo dhaafay, ugu yaraan lix wariye ayaa lagu dilay Afghanistan ama meydadkooda la helay, falalka lagu bartilmaameedsaday suxufiyiintii ugu dambeysayna way isu wada egyihiin.
Farahnaz Frutan, oo barnaamij siyaasadeed ka tabisa telefishin fadhigiisu yahay Kabul ayaa loo sheegay inay tahay qofka xiga ee la dili doono.

Xigashada Sawirka, Farahnaz Forotan
Farahnaz waxay BBC-da ku tidhi: "Markii ugu horreysay nolosheyda, waxaan dareemay amni darro, waxaana gaaray ilaa heer aan gurigeyga isku aamini waayay."
Waxay sheegtay in horay aysan u cabsan jirin, maadaama halistu ay ahayd mid guud, maskax ahaanna ay u diyaarsadeyd geerida. "Haddii ay ii dilayaan xorriyadda saxaafadda awgeed, waan oggolahay," ayey tidhi.
Laakiin dilalkii ugu dambeeyay waxay ku kallifeen inay mowqifkeeda dib uga fakarto.
Hanjabaadaha dilka
"Dhimasho tanoo kale ah waxba ma soo kordhineyso, wax ujeeddo ahna ma laha, kaliya waxay muujineysaa argagax, argaguxuna wuxuu uga sii darayaa xaaladda."
Hase yeeshee iyada kaliya ma aha wariyeyaasha loo diray hanjabaadaha dilka ah. Ilo sirdoon ah ayaa sheegay in warbaahinta maxalliga ah usoo gudbiyeen hanjabaado toos ah oo loo diray qaar ka mid ah howl-wadeennadooda.
Dowladda Afghanistan waxay sheegtay in Taliban ay beegsanayaan dadka caanka ah si ay u abuuraan argagax.
Laakiin Wariyeyaasha sida Farahnaz oo kale ah waxay leeyihiin, "cidna h rumeysanin" maalmahan.
Ururrada difaaca suxufiyiinta waxay sheegayaan in dowladda Afghanistan iyo Taliban labaduba uu midba kan kale ku eedeynayo waxa dhacaya, laakiin aysan marnaba xukuumaddu diyaar u ahayn in ay xaqiijiso badbaadada suxufiyiinta.

Xigashada Sawirka, Nargis Hurakhsh
Narges Horakhsh, oo ka tirsan telefishin ku yaalla Afghanistan, shaqadeeda ayey kusii socotay markii ay maqashada warka ku saabsan dilka Malala Maywand.
Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay wariyeyaashu waxay ka murugsanaayeen dilalka isdaba joogga ah ee loo geysto saaxiibbada ay xirfad wadaagga yihiin.
"Xaaladdu way sii xumaaneysaa, aniguna waxaan noqon karaa qofka xiga ee la dilo," ayey tidhi. "Waxaan sidoo kale ka fakarayaa qoyskeyga oo aanan arkin afartii sano ee lasoo dhaafay. Runtii waa xaalad cabsi badan."
Narges qoyskeeda waxay aad ugu cadaadinayeen inay iska deyso shaqada saxaafadda. Shan sano ka hor ayey u carareen waddan kale.
Marxaladdaaan kasoo noqoshada lahayn
Narges iyo Farahnaz labadooduba waxay ka qeyb galeen shirkii wadaxaajoodka nabadeed ee ergooyinka dowladda Afghanistan iyo ururka Taliban saddex bilood ka hor ku dhex maray magaalada Dooxa ee dalka Qadar. Ujeeddada kulankaas waxay ahayd in la joojiyo dhiigga daadanaya.

Xigashada Sawirka, Farahnaz Forotan
Hase yeeshee iyadoo ay sidaas tahay xitaa, qalalaasaha wuu sii batay, dad shacab ah oo dheeraad ahna waa lasii dilay xilligaas kaddib.
Laakiin wariyeyaashu waxay sii wadaan inay si sirfircoon u tabiyaan wadahadallada nabadeed inkastoo ay cabsi xoog lehna jirto.
Dhiirrigalin
Saaxiibbadii ay wada shaqeyn jireen Malala Maywand waxay aaminsan yihiin in dhimashada gabadhaas wariyaha ahayd ee da'da yareyd ay cabsi galineyso haweenka kale ee wariyeyaasha ah, laakiin sidaasoo ay tahay nolosheedii iyo dhaxalkeedaba uu dhiirrigalin u yahay in wariyeyaal badan oo kale ay u bareeraan inay kasoo muuqdaan shaashadaha.

Xigashada Sawirka, Family photo
Badam Ahmadzai waxay Malala isyaqaanneen tan iyo sanadkii 2006-dii, waxay isla dhigteen hal iskuul iyo hal jaamacad, isku telefishin ayeyna ka shaqeynayeen.
"Waxay qof lagu daydo u ahayd bulshada deegaankeeda. Waxaan maqlay in dumar badan ay jeclaayeen inay iyadoo kale noqdaan, sideeda oo kalena bulshada ugu adeegaan," ayey tidhi.
Waxaa jira haween badan oo ay noloshooda saameyn ku yeelatay Malala, sida ay sheegtay Badam.

Xigashada Sawirka, Hamad Hillal
Marka laga soo tago xirfaddeeda wariyenimo iyo soo tabinta barnaamijka telefishinka, Malala waxay sidoo kale ahayd wariye si fiican u tabiya ciyaaraha cricket-ka ee gudaha Afghanistan.
Labo bilood uun ka hor ayey u safartay magaalada Kabul si ay toos ugu soo tabiso tartanka ciyaaraha cricket-ka.
Hikmat Hasan, oo ah agaasimaha dhinaca warbaahinta ee golaha Cricket-ka Afghanistan ayaa sheegay inuu "aad ula yaabay" markii uu arkay gabadhaas da'da yareyd ee ka hadleysay ciyaaraha Cricket-ka.
Malala waxay telefishinka "Inflection" ku biirtay sanadkii 2016-kii, waligeedna kama aysan labolabeynin inay shaashadda kasoo muuqato.
Si fiican ayey uga war qabtay in kasoo muuqashadeeda telefishinka ee maalinlaha ay ahayd arrin bulshadeeda "ceeb" u arkaan, maadaama aysan dhaqan ahaan u lahayn in dumarka ay meelaha fagaareyaasha ah iyo shaashadaha kasoo muuqdaan iyagoo aan wada dadneyn tin iyo cirib.
Laakiin waxay sidoo kale si fiican uga warqabtay muhiimadda ay howsheeda u lahayd dumarka kale ee bulshadeeda.
Maadaama uusan jirin qof dumarka cod u ah, Malala waxay dhiirigalin u ahayd haweenka kale.












