Karima Baloch: Haweeney u ololeysa xuquuqda dadka oo maydkeeda laga helay gurigeeda Toronto

Karima Baloch, oo u ololeysa xuquuda aadanaha, una dhalatay dalka Pakistan, ayaa meydkeeda laga helay magaalada Toronto ee dalka Canada, halkaasi oo ay qaxooti ku ahayd muddo Shan sano ah.
Ms Baloch, oo 37-sano jir ahayd, ayaa ololo ka wadday gobolka Balochistan oo ku yaalla waqooyiga Pakistan, iyadoona aad u dhaliili jirtay militariga iyo dowladda Pakistan.
Booliiska Toronto ayaa soosaaray codsi ay shacabka uga dalbanayeen in meel lagu sheego, kadib markii la waayay maalintii Axadda ahayd, iyagoona dib ka xaqiijiyay in meydkeeda la helay.
Booliiska ayaa sheegay in uusan jirin wax shaki dhinaca dambiga ah oo laga qabo dhacdadaas.
Sanadkii 2016-kii ayaa Ms Baloch lagu magacaabay liiska sanadlaha ah ee BBC-da ee lagu dhiiri geliyo 100-ka haween ee saameynta leh, taas oo ay ku muteysatay shaqadeeda u dhaqdhaqaaqidda bulshada.
Waxa ay Pakistan ka tagtay sanadkii 2015-kii, kadib markii lagu soo oogay dacwado la xiriira argigixisanimo.
Iyadoo qaxooti ah ayay sii wadday u doodidda xuquuqda dadka reer Balochia, waxayna adeegsaneysay baraha bulshada.
Hanjabaadihii loo jeedinayay iyada ayay raaceen, sida laga soo xigtay Lateef Johar Baloch, oo saaxiib dhow la ahaa, shaqo wadaagna ay ahaayeen, kaasoo isagana sidoo kale ku nool magaalada Toronto.
Waxa uu BBC-da u sheegay in Ms Baloch ay waayadan danbe heleysay hanjabaado aan la garaneyn cidda soo dirtay, balse looga digayay in qof uu u soo diri doono hadiyadda Kirismaska, casharna loogu dhigi doono.
Gabar la dhalatay Ms Baloch ayaa BBC-da laanteeda afka Urduuga ku hadasha u sheegtay in geerida Baloch, ''aysan keliya musiibo ku ahayn qoyskeeda balse sidoo kale ay dhib ku tahay dhaqdhaqaaqa Qaran ee dadka reer Baloch''.
"Dibadda uma aysan aadin jacayl ay u qabtay dartiis, balse u dhaqdhaqaaqidda furan ee Pakistan gudaheeda ah ayaa noqday wax aan macquul ahayn," ayay tiri Mahganj Baloch.
Gobolka Balochistan ayaa marti u ahaa kacdoon goos goos ah oo muddo socday. Ms Baloch waxay ahayd qof u dhaqdhaqaada bulshada oo caan ka ah gobolka, waxay ahayd haweeyneydii ugu horreysay ee madax ka noqota ururka ardayda Baloch (BSO) - oo ah koox u dhaqdhaqaaqda bulshada oo shaqada laga joojiyay.
Markii ugu horreysay oo ay bulshada u soo bandhigto dhaqdhaqaqeeda waxay ahayd sanadkii 2005-tii, aagga Balochistan ee Turbat, halkaas oo ay uga qeyb gashay mudaaharaad ka dhan ah dadka la la'yahay, iyadoo wadatay sawirka mid ka mid ah qaraabadeeda oo la la'aa.
Dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada ee ku nool gobolka Balochistan, ayaa sheegaya in kumannaan ololeeyayaal ah la waayay sanadihii la soo dhaafay.
Militariga dalka Pakistan ayaa iska fogeynaya eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in ay is hor taagayaan rabitaanka gobolka ee ah maamul madax bannaan.
Dhowr xubnood oo ka tirsan qoyska ballaaran ee Ms Baloch ayaa sanadihii la soo dhaafay lala xiriirinayay dhaqdhaqaaqa iska caabinta Baloch, waxaana la waayay abtigeed iyo adeerkeed. Mar danbe ayaase la helay meydkooda.
Waxa ay BSO ku biirtay sanadkii 2006-dii, iyadoo sanadihii xigay jagooyin kala duwan ka qabatay.
Kooxdaas ayaa si rasmi ah waxaa sanadkii 2013-kii shaqada uga joojisay dowladda dalkaas, balse jiritaankeeda ayaa sii socday, iyadoo Ms Baloch ay gudoomiye ka noqotay sanadkii 2015.
Dhowr bilood uun kadib ayay ka qaxday dalka, kadib markii lagu soo oogay dacwado la xiriira argagixiso. Toronto ayay isku guursadeen nin isna u ololeeya bulshada oo lagu magacaabo Hamal Baloch, labadooduna waxa ay ololaha ka wadeen baraha bushada, iyagoona la shaqeynayay dadka u dooda xuquuqda aadanaha ee ku nool Canada iyo Yurub.
Iyagoo ka falcelinaya dhimashada Ms Baloch ayaa dhaqdhaqaaqa Qaran ee Balochistan (BNM) waxa ay ku dhawaaqeen 40-maalmood oo baroor diiq ah.
Horaantii sanadkan, wariye reer Balochistan ah oo qaxooti ah, laguna magacaabi jiray Sajid Hussain Baloch, ayaa la waayay, isagoo markii danbana la helay meydkiisa.
Mr Baloch, oo ay qaraabo ahaayeen Ms Baloch, ayaa ku noolaa dalka Sweden.
Booliiska dalka Sweden ayaa soo saaray in wax qalad ah oo muuqda aysan jirin, iyagoo geeridiisana ku sababeeyay in uu biyo ku haftay.










