You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
"Ma doonaayo in Israa'iil ay ii tarxiisho Suudaan"
Taxanaha waraaqihii naga soo gaadhi jirey saxafiyiinta Afrika, toddobaadkan, Zeinab Mohammed Salih waxay ku eegeysaa natiijada heshiiska muranka badan dhaliyay ee u dhexeeya Sudan iyo Israel si loo hagaajiyo xidhiidhka iyo sababta uu uga cadhaysiiyey shucuurta isku dhafan ee taageerayaasha Israel.
Caasimadda Suudaan, Khartuum, waa magaalo loo qoondeeyey qowmiyado: duleedkeeda waxaa deggan dad ka soo qaxay aagaggii dagaalka ee Daarfuur, Buuraha Nuba iyo bulshooyinka kale ee la hayb sooco; xaafadaha bartamaha magaalada waxaa ku nool aqoonyahanno badan oo ah aqoonyahankii bulshada afka carabiga ku hadasha.
Magaaladan sidoo kale waxaa loo yaqaan caasimaddii "Saddexda Maya" ee dunida Carabta, ka dib markii ay martigelisay shirkii Jaamacadda Carabta ee 1967 iyada oo lagu xasuusto shirkaas go'aankii caanka ahaa ee lagu qaaddacay xidhidhka Israel ee ahaa: "Maya nabad, maya aqoonsi, maya gorgortan".
Haddana khadkan adag ee lagaga gudbayo wixii hore dhamaan shacabka Suudaan lalama wadaagin sida kuwa jooga duleedka Khartoum ay sheegeen.
Boqolaal guri - oo ka samaysan dhoobo iyo alwaax - ayaa sida caadiga ah burbura sanad walba marka roobku da'o.
Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, qaar ayaa dib loo dhisayaa iyadoo la isticmaalayo bir iyo sibidh, taas oo ay ugu wacan tahay lacagta loo soo diray ee eheladooda magangalyada u raadsaday Israel ka dib markii ay safarka tahriibta ah ee halista ah ku mareen lama degaanka Siinaay, halkaas oo ciidanka xuduudaha Masar ay ilaalinayeen. Qaarkood waxay ku dhintaan ba isku daygoodaas.
Laakiin magangalyada ku meelgaarka ah ee la siiyay kuwa gaadha Israel waxaa laga yaabaa in uu hanjabaad ku yahay heshiiskani - oo ay ka wada xaajoodeen madaxweynaha Mareykanka Donald Trump - si loo hagaajiyo xidhiidhka u dhexeeya Israel iyo Suudaan, kaas oo kuwo badan oo ka mid ah quruumaha Carabta ay yidhaahdeen waxay dhici kartaa oo keliya marka la xalliyo khilaafka Falastiin.
Ka dib markii lagu dhawaaqay, Wasiirka Sirdoonka Israel, Eli Cohen, wuxuu u soo jeediyay magangalyo-doonka Suudaan inay dib ugu laabtaan dalkooda.
Dadkaas war fiican looma sheegin, maadaama ay markii horeba intoodii badnayd ka yimaaddeen meelo wali ay xiisadi ka taagan tahay oo ka tirsan Suudaan.
Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, waxaa jira in ka badan 6,000 oo muhaajiriin reer Suudaan ah oo ku sugan Israel, inta badanna aysan helin sharci rasmi ah oo qaxootinnimo.
Xaqiiqadu se waa in dhowrkii sano ee la soo dhaafay, kumannaan kale la musaafuriyay kaddib markii lagu qasbay inay kala doortaan inay ku noolaadaan xero ama inay aadaan dal saddexaad sida Rwanda ama Uganda.
Mid ka mid ah dadkaas, oo aakhirkii doortey inuu ku laabto Suudaan sanadkii 2014, ayaa ka qoomameynaya go'aankaas maadaama dadka la soo celiyey la gelinayo xaalad la ilaalinayo, baasaboorkoodana laga qaadayo muddo shan sano ah.
Walaalkiis ka yar, oo hadda ku sugan Israa'iil oo reerka ka caawiya dhanka dhaqaalaha, maadaama uu shaqo ka helay warshad, ma filayo inuu soo laabanayo.
Qaar kamid ah dadka soo laabtay ayaa sheegay in jirdil ay kala kulmeen wakiillada sirdoonka ee dowladda Suudaan.
'Gabdhaheygu waxay ku hadlaan afka Hebrew'
Azra el-Nour, oo ku nool magaalada Arad ee Israa'iil, waxay noo sheegtay inay diidan tahay in loo diro Suudaan. Waxay iyada iyo qoyskeeda ka soo qaxeen dagaalkii ka socday buuraha Nuba, markii ay toddobo sano jirtay.
Waxay aadeen Masar, halkaas oo ay ku qaateen toddobo sano oo qaxootinnimo ah iyadoon wax dalab dib udejin ah laga siin dal saddexaad.
"Marka aabbahay wuxuu go'aansaday inaan tagno Israel, mana sahlaneyn dhibkii aannu u soo marnay si aan halkan u nimaadno," ayay tidhi.
Hadda waa 27 jir waxayna hooyo u tahay laba carruur ah oo ku hadla luqadda Hebrew oo keliya - midkoodna ma helin sharci rasmi ah oo qaxootinnimo.
Waxay ka walwalsan tahay in haddii lagu qasbo inay dib ugu noqdaan Suudaan sabab kasta ha noqotee ay la kulmi karaan takoorid ku noolaanshaha waddan muddo dheer lagu baahinayey male-awaalka wadajirka ah ee ku dhisan cadawtinnimada labada waddan.
"Labadayda gabdhood waxba kama oga Suudaan, xitaa aniga wax badan kama garanayo dalkayga, waxaan ka soo tagay aniga oo aad u da' yar, runti ma garanayo sida loogu noolaado halkaas haddii nalaga eryo halkan."
Lama soo dhaweeyo Israel
Bashiir Babikir oo dhowr iyo soddon jir ah ayaa sheegaya inuu ka baqayo in lagu celiyo Darfur, halkaasoo qoyskiisu wali ku nool yihiin xero, ka dib markii la weeraray tuuladooda oo u dhow magaalada Kotum.
"Waxba meesha iiguma ay hadhin, xataa shimbirna, dhamaanteen waan wada cararnay, qaar badan ayaa iska joogay xerada Kassab, kuwa nasiibka u yeeshay ehelkooda iyo qaraabadoodii ayay Khartuum la degeen."
Kadib wuxuu aaday Israel isagoo sii maray Masar oo ay magafayaal ka tahriibiyeen - wuuna ka baqayaa inuu soo laabto maadaama uu ogyahay xidhiidka dhinaca fikirka ee Suudaan iyo Israel.
Tan waxaa lagu arkaa banaanbaxyadii ugu dambeeyay salaadii jimcaha kadib ee Khartuum, iyadoo dad aad u tiro badan ay ka caroodeen fikradda dib u heshiisiinta Israel iyo Suudaan.
Waa wax la isku khilaafsan yahay xitaa qaar ka mid ah isbahaysiga rayidka ah ee awoodda la wadaagaya jeneraalada Suudaan ka dib markii kal hore xukunka laga tuuray keligii taliyihiii muddada dheer xukunka hayay Omar al-Bashir.
Yotam Gidron, oo ah cilmi-baare Israa'iil u dhashay oo ka hadlaya xidhiidhka Israel iyo Afrika, ayaa sheegay in Israa'iil ay muddo dheer taageeri jirtay kuwa mucaaradka ku ah dawladda Khartuum, oo ay ku jiraan fallaagada koonfurta.
Markii ugu sarreysey ee khilaafku ka jiray Daarfuur, qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqyadii mucaaradka ayaa magaalada Qudus ka furtay xafiisyo.
Laakiin xaaladdu way ku adag tahay dadka reer Suudaan ee ku sugan Israa'iil, kuwaas oo aan dareemayn soo dhawayn. Israel ayaa sheegtay in go'aan kasta oo dadkaas lagu geynayo dhulkooda hooyo uu yahay mid ay xor u yihiin - laakiin tahriibayaashan ayaa wajahaya dhaq dhaqaaqyo kala duwan oo lagu qasbayo inay baxaan.
Tusaale ahaan, Qaramada Midoobay waxay leedahay sharciyo cusub oo faraya loo shaqeeyeyaashu inay xayiraan 20% mushaharka saafiga ah illaa ay ka baxayaan Israa'iil.
"Haddii dib naloogu celiyo Darfur, waa laga yaabaa inaan dhimanno, Israel wali waxay cadow u tahay dad badan, laakiin sidoo kale halkan waxaan ku nool nahay xaalado aad u xun," ayuu qirtay Mr Babikir.