Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya: Heerka ay gaarsiisan tahay cabsida laga qabo in dagaal uu ka dhaco xuduudda

.

Xigashada Sawirka, Nation Media Group

Published

Maamulka gobolka Mandheera ee Kenya ayaa sheegay in ay wadnaha farta kaga hayaan dhaqdhaqaaqa militari ee ka jira soohinda Kenya iyo Soomaaliya.

Waxay maamulku sheegeen in arintaasi ay walaac ku hayso oo hadii aan xal loo helin ay saamayn weyn ku yeelan doonto shacabka gobolkaa ku nool.

Arintan waxay imanaysaa iyada oo maalmahan ay isa soo tarayso xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa labada dal, oo xiriirkoodu uu hadda kala go'an yahay.

Badhasaab ku xigeenka Mandheera, Maxamed Axmed Carraay, oo u waramay oo BBC-da, wuxuu sheegay in maalmahaanba ay jirtay cabsi la xiriirta khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

"Waxaad arkeysaa dadka Mandheera oo ku dhahaya xaaladda amniga maalmahaan wuu sii adkaaday, dhaq-dhaqaaq badanna waa la dareemaya, xitaa dadka Baledxaawo, iyagana way dareemayaan dhaqdhaqaas,mrka cabsida labada dhinacba wey ka jirtaa," ayuu yiri Badhasaab Maxamed Axmed.

Wuxuu sidoo kale sheegay in haddii ay xasaraddaan sii jirto uu barakac badan iman doono, balse waxa uu yiri "Alle ayaan ka baryeyna in ay arrinta ay halkaas gaarin" oo madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Kenyatta isku noqdaan oo ay khilaafkan xal ka gaaran.

"Arrintan muddo ayay soo jiitameysay, mas'uuliyiinta Waqooyi Bari na wakhti badan wey kala hadleen dowladda dhexe, balse waxa natiijo ah oo ka soo baxay ma jiraan oo arrinta meesheedii ayay taagantahay, wax isbadal ma jiraan," ayuu yiri mar uu ka hadlayay xasaradda muddada ka taagan Mandheera.

"Waxa loo baahanyahay in Kenya iyo Soomaaliya madaxdooda sare-sare ay wada fariistaan oo ay khilafkooda wadahadal ku dhameeystaan."

Iyadoo ay cabsidaan taagantahay ayuu wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), oo BBC-da la hadlay beeniyay in jabhad uu ka abaabulayo xudduudda Kenya iyo Soomaaliya isla markaana aysan waxba ka quseyn go'aanka dowladda Soomaaliya ay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay Kenya.

Cabdirashiid Janan

Xigashada Sawirka, MAXAMED QANI KUUSOOW

Qoraalka sawirka, Cabdirashiid Janan

Hadalka Janan ayaa yimid kaddib markii dowladda Soomaaliya ay dhiggeeda Kenya ku eedeysay in abaabul milatari ay maalmahan ka waddo aagga Mandera, iyada oo adeegsanayso Cabdirashiid Janan.

Qoraal lagu baahiyay Telefishinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay inay si dhaw ula socoto abaabul militari ee ay dowladda Kenya maalmahan ka wadday aagga Mandera.

Waxay sidoo kale dowladda Soomaaliya sheegtay inay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dhiggeeda Kenya oo ay ku eedeysay in ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa mar walba waxa ay ku adkaysanaysay inaysan wax farogelin ah ku hayn arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo BBC-da la hadlay ayaa wasiirka amniga Jubaland ku eedeeyay in uu Jabhad ka abaabulayo gudaha Kenya.

Balse Cabdirashiid Janan ayaa arrintaasi ku gacan seyray waxa uuna sheegay in isaga iyo ciidankiisu ay joogaan duleedka magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo isla markaana uu halkaasi u joogo sidii uu u difaaci lahaa danta dadka danyarta ah ee uu sheegay in gobolka Gedo ay dowladda federaalka ah ku dhibaataynayso.