Baarlamanka Carabta oo dhaleeceeyey qaraar Midowga Yurub ku duray Masar

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, .
Published

Baarlamanka Carabta iyo Aqalka Sare ee baarlamanka Masar ayaa dhaleeceeyey qaraar ka soo baxay baarlamanka Midowga Yurub oo ku saabsan duruufta xuquuqda aadanaha ee dalka Masar.

Baarlamanka Midowga Yurub ayaa Jimcihii qaraarkaa uu soo saaray ku dhaliilay "xaaladda xuquuqda aadanaha ee ka sii daraysa ee Masar" waxaanu ku baaqay in "si qoto dheer dib loogu eego xidhiidhka Midowga Yurub la leeyahay Masar."

Qaraarka Yurub muxuu tibaaxay?

Qaraarka uu soo saaray baarlamanka Yurub wuxuu dhaleeceeyey sida aanay dalalka ururkaa xubnaha ka ahi ugu hogaansamin xayiraaddii la saaray in Masar loo dhoofiyo qalab ay u adeegsan karto in ay "ku dhibaatayso" shacabkeeda.

Sidoo kale wuxuu qaraarku si cad u tilmaamay xadhiga xubnihii bilaabay ololaha xuquuqda shakhsiga Masar, aadna wuu u dhaleeceeyey arintaas.

Waxa sidoo kale qaraarkaasi Masar ka dalbaday in ay u hogaansanto xeerarka caalamiga ah ee dadka xidhan u fasaxaya in ay la xidhiidhaan qareenadooda iyo eheladoodaba, kuwaas oo ay ka mid yihiin in xukuumad kastaa baadho eedaha soo baxa ee ah in si xun loola dhaqmo ama la jidh dilo dadka maxaabiista ah.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Waxa kale oo qaraarkaasi mar kale ku celiyey baaqii hore ee ahaa in ay lagama maarmaan tahay in si xaqiiqo ku dhisan looga gun gaadho dilka, Guiulio Regini, oo ahaa cilmi-baadhe Talyaani ah oo lagu dilay magaalada Qaahira shan sano ka hor.

Sidoo kale waxa qaraarku ku nuuxnuuxsaday in ay masuuliyadda soo qabashada dembiilayaashii dilkaa geystay tahay masuuliyad sidoo kale saaran Midowga Yurub.

Masar ayaa bishii hore dabayaaqadeedii sheegtay in la hakiyey baadhitaankii lagu hayey arintaas, waxaanay xeer ilaalinta dalkaasi sheegtay in aan ilaa haatan la garanayn cidda dishay Regini. Hase yeeshee xeer ilaalinta Talyaaniga ayaa falkaa ku eedaysay afar askari oo ka tirsan nabad sugidda Masar oo jidh dilay qudhana ka jaray cilmi-baadhahaas.

Falcelinta baarlamanka Carabta

War bixin uu soo saaray gudoomiyaha baarlamanka Carabta, Caadil Al-Casuumi, ayuu ku deedafeeyey qaraarkaa Midowga Yurub.

Waxaanu ku tilmaamay qaraarkaas inuu yahay faro gelin qaawan oo arimaha gudaha ee Masar loola badheedhay, waxaanu sidoo kale sheegay in aan la qaadan karin qaabka baarlamanka Yurub u dhaqmayo iyo qaraarada uu soo saarayo ee ku saabsan xuquuqda aadanaha ee dalalka Carbeed.

Waxaana warbixintaa lagu sheegay in go'aamada baarlamanka Yurub lagu saleeyey "khaladaad iyo eedaymo aan jirin oo ku qotoma warbixino aan lagu kalsoonaan karin iyo warar been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn."

Masar maxay ka tidhi?

Aqalka sare ee baarlamanka Masar ayaa ku gacan saydhay qaraarkaas waxaanu sheegay in "arinta xuquuqda aadanaha laga dhigto marmarsiiyo lagu faro geliyo arimaha gudaha dalku tahay mid gef ku ah axdiyada caalamiga ah iyo sidoo kale madax bannaanida Masar iyo wada jirka dhulkeeda."

Waxaanu sidoo kale Aqalka Sare ee Masar sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in dhamaan eedaysanayaasha uu tilmaamay qaraarka baarlamanka Yurub yihiin "eedaysanayaal geystay falal dembiyeedyo sharciga Masar xeer ciqaabeed lagu qaado ka leeyahay sida xeer ciqaabyeedyada dawlada caalamka oo kale, sidaa awgeedna lagu maxkamadaynayo si waafaqsan sharciga lagu qaado dadka ka midka ah ee dunida inteeda kale."

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, .

Sidoo kale waxa qaraarkaa baarlamanka Midowga Yurub isna diiday aqalka hoose ee baarlamanka Masar oo dhaliilay qodobada qaraarkaas ku jira kuna sheegay "khaladaad ka duwan xaqiiqada ka jirta gudaha Masar"

Waxaanay xildhibaannada baarlaanka ku tilmaameen qaraarka baarlamanka Midowga Yurub "faro gelin ka duulaysa qorshe aan dheeli tirnayn oo aan la qaadan karin, sidoo kalena aan u danaynayn iskaashiga istiraatijiyadeed ee Masar iyo Midowga Yurub."