Ciyaartii Mareykanka iyo Iiraan ee hawada diyaaradaha looga xiray

Published

Labo sano kaddib markii ay xulalka Mareykanka iyo Iiraan isku arkeen ciyaartii Koobka Adduunka ee 1998-kii, waxay mar kale kulmeen sanadkii 2000. Ujeeddadu waxay ahayd in ciyaartaas ay xiriirkooda hagaajiso - laakiin wax walba sidii loo qorsheeyay uma dhicin.

11-kii bishii July ee sanadkii 1998-kii ayaa la hindisay fikrad ku saabsan in labada waddan ay ciyaar saaxiibtinnimo ah ku yeeshaan gudaha Mareykanka, laakiin kulankaas wuxuu sabab u noqday in FBI-da ay howl adag xil iska saaraan, hawada Mareykankana diyaaradaha laga xiro.

Habeenka fikradda la soo bandhigayay waxaa magaalada Paris ka socotay munaasabad qeyb ka ahayd ololaha xayeysiinta ee uu Mareykanka ku doonayay inuu ku martigaliyo Ciyaarihii Koobka Adduunka ee Haweenka loo qabtay 1999-kii.

Kasoo qeyb galeyaashii xafladda waxaa ka mid ahaa labo nin, oo si fool-ka-fool ah isu arkay, iyaga ayaana keenay fikradda.

Labada nin mid wuxuu ahaa Mehrdad Masoudi, oo ah nin Iiraan u dhashay oo sii dhammeysanayay muddo xileedkii agaasimaha waaxda isgaarsiinta ee Xiriirka Kubbadda Cagta Canada.

Kan kalena wuxuu ahaa Hank Steinbrecher, Xog-hayihii guud ee xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka.

Shaqooyinka ay qabtaan xiriirrada Kubadda Cagta ee dalalka intooda badan lama ansixiyo ilaa uu saxiixo Xog-hayaha Guud.

Saddex isbuuc ka hor xilligaas waxaa dhacday ciyaartii taariikhiga ahayd ee ay xulalka labada waddan ku hardameen, taasoo Iiraan ay guusha ku raacday 2-1. Ma ahayn kulan caadi ah, oo la mid ah kulamada xulalkii kale, maadaama labada waddan ay cadaawad ka dhaxeysay. Ciyaar aad u xamaasad badan ayaa dhex martay.

Iiraan waxay xilligaas ku jirtay cunaqabateyn uu Mareykanka kusoo rogay tan iyo markii 52 lagu afduubtay safaaraddii uu ku lahaa Tehran sanadkii 1979-kii. Isla sannadkaas ayey dowladda Islaamiga ah ee Iiraan dhalatay kaddib markii la afgambiyay boqortooyadii Shaah ee ay saaxiibka ahaayeen Xukuumadda Washington.

Laakiin maalintii ay ciyaarta dhaceysay, madaxweynihii Mareykanka ee maamulka hayay, Bill Clinton wuxuu khudbad uu jeediyay ku sheegay inuu rajeynayo in kulankaas xiisaha badan uu noqdo tallaabo loo qaaday wanaajinta xiriirka labada dal.

Xitaa markii ay ciyaarta billaabaneysay, hadiyado ay keeneen ciyaartoyda reer Iiraan ayaa lagu harqiyay ciyaartoyda Mareykanka.

Natiijada ka sokow, ciyaartu waxay ahayd mid laga gaaray guul weyn oo dhinaca diblomaasiyadda ah, arrintaasna wali waxay kasii guuxeysay labada maskax ee Masoudi iyo Steinbrecher

"Waxaan idhi, 'Hank, ka warran haddii aan xamaasaddaas dib u soo celinno mar kale?'" ayuu yidhi Masoudi, oo xiriir fiican la lahaa madaxda Xiriirka Kubadda Cagta ee Iiraan, islamarkaana doonayay inuu ka shaqeeyo sidii ay labada xul dib ugu kulmi lahaayeen.

"Labo ciyaarood oo ka kala dhaca labada waddan. Xulka Iiraan ha tagaan Mareykanka sanadka dambe xilliga ay ku beegan tahay sanad guurada kulankii Koobka Adduunka, Idinkana inaad Iiraan tagtaan sanadka ku xiga."

Steinbrecher wuu ka helay fikraddii, isaga qudhiisana wuxuu fahmay in halkaas ay ku jirto fursad.

"Ciyaartii Koobka Adduunka ee aan la yeelannay Iiraan waxay ahayd guul darradii ugu xumeyd ee isoo martay," ayuu yidhi.

"Saddex jeer ayaan birta ku dhufannay kubadda. Ciyaar xumo nama aysan heynin ee nasiibka ayaa naga hiilliyay, sidaas darteed waxaad doonayay inaan ciilkaas iska bixiyo. Wa na garaaceen, annaguna waa inaan markeenna garaacno."

Dhanka kale waxaa jirtay rajo laga qabay in Mareykanka iyo Iiraan la isugu soo dhaweeyo diblomaasiyad ahaan.

Markii ay is gacan qaadeen Masoudi iyo Steinbrecher, durba saacaddii way ku billaabatay, waxaana hor yaallay inay ka gudbaan caqabado badan oo siyaasadeed.

Dowladda Iiraan waxay arrintaas ku xirtay shuruud weyn oo ay ku dalbatay in ciyaartoydeeda marka ay tagaan Mareykanka aan faro laga qaadin, sawirna laga qaadin, taasoo ka dhan ah sharciga waaxda socdaalka ee Mareykanka.

Caqabado badan kaddib waa la oggolaaday qodobkaas.

Markii hore qorshuhu wuxuu ahaa in ciyaarta hore ay Washington DC ka dhacdo xagaagii sanadkii 1999-kii.

Laakiin in Caasimadda Mareykanka lagu ciyaaro way u cuntami weysay Iiraaniyiinta, dowladduna ma aysan dooneynin in ciyaartoydeeda ay halkaas tagaan.

Taas baddalkeeda kulanka waxaa lagu muddeeyay bishii January ee sanadkii 2000. Waxaa la qorsheeyay inay ka dhacdo garoon ku yaalla magaalada Los Angeles oo hoy u ah in ka badan 500,000 oo reer Iiraan ah.

Caqabado badan ayaa soo wajahay hirgalinta ciyaarta Mareykanka iyo Iiraan laakiin ugu dambeyn xulka reer Iiraan way tageen Mareykanka.

Xulka Kubadda Cagta ee Iiraan waxay noqdeen kooxdii labaad ee ka socota Iiraan oo ciidda Mareykanka cagta saarta tan iyo wixii ka dambeeyay xilligii uu kacaanka Iiraan xukunka la wareegay sanadkii 1979-kii.

Kooxda kale ee ka horreysay waxay ahaayeen kooxda musaaracada Iiraan oo Mareykanka lagu qaabilay shan sano xilligaas ka hor.

Islamarkii ay xulka reer Iiraan gaareen Mareykanka waxaa billowday cadaadis lagu saarayo in ay ciyaarta baajiyaan. Waxaa loo dirayay farriimo iyo wicitaanno hanjabaado ah iyo kuwo lacago loogu ballan qaadayay.

Ujeeddada loo maleynayo in looga soo horjeeday kulanka waxay ahayd in shirkadaha xayeysiinta la siiyay ay kusoo shaac bixinayeen khamro, taasna loo arko mid ka dhan ah diinta.

Waxaa heer xun gaaray cabsida soo wajahday xulka Iiraan, ilaa markii dambe amnigooda ay xoogga saartay dowladda Mareykanka. Hoteelka ay dagganaayeen agagaarkiisa waxaa laga ilaaliyay in gawaari la dhigo, iyagana waxaa si qarsoodi ah u ilaalinayay ciidamo ka tirsan FBI-da oo gaarigooda lagu xardhay astaamaha Iiraan, si aan loo aqoonsanin.

Labo maalmood ka hor kulanka, tababarihii xulka Iiraan ee xilligaas, Mansour Pourheidari, ayaa lasoo wacay waxaana loo ballan qaaday $1milyan oo doolar oo la siinayo haddii uu ciyaartaas baajiyo.

Dadka soo wacay waxay sheeganayeen inay yihiin madaxda ugu sarreysa dowladda Iiraan. Laakiin dhag jalaq uma uusan siinin, wuxuuna u sheegay in mas'uuliyiinta dowladda Iiraan ay si toos ah ula soo xiriiri karaan.

Maalintii ay garoonka ciyaartu ka dhaceysay tagayeen waxaa hoteelka markii hore laga bixiyay gaari ay saaran yihiin ciyaartooy been abuur ah, ciyaartoydii saxda ahaydna waxaa laga bixiyay albaabka dambe.

Iyadoo laga cabsanayo arrin markii dambe dhacday 9/11, oo ah in garoonka ciyaartu ka shaceysay ay soo weeraraan dad diyaarado adeegsanaya, waxaa la xiray hawada magaalada uu ku yaallo garoonka ay labada xul ku ciyaarayeen, waxaana laga mamnuucay inay wax diyaaro ah adeegsadaan.

Saeed Mousavian, wuxuu ka mid ahaa taageerayaashii tiradoodu ahayd 50,181 ee ciyaartaas garoonka ka daawanayay.

"Meeqo dheer ayaad nasiib u yeelan kartaa inaad daawato xulka qarankaaga? waxaan dareemayay in fursaddaas aysan waligey mar kale isoo mari dooni," ayuu yidhi.

Mehdi Mahdavikia ayaa Iiraan u dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee ciyaartaas, laakiin waxay markii dmabe ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah.

Natiijadaas waxay ahayd tan kaliya ee dajineysay xiisadda siyaasadeed ee labada waddan.