Maxaa ka dhalan kara toogashada shaqaalaha Qaramada Midoobey ee gobolka Tigray

Xigashada Sawirka, AFP
Ciidamada Itoobiya ayaa rasaas ku furay sidoo kalena xiray shaqaalaha Qaramada Midoobay kadib markii ay si toos ah u dhex mareen laba bar kontorool oo ku yaalla waqooyiga gobolka Tigray, afhayeen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Redwan Hussein ayaa sidaas xaqiijiyay.
Waxaa uu afhayeenka intaasi ku daray in kooxda Qaramada Midoobay ay iska indha tireen awaamiirta ah in aagga dagaalka aysan aadin.
Ciidamada dowladdu waxay la dagaallamayaan kooxda (TPLF) tan iyo 4tii Nofembar.
Kooxda ayaa lagu soo warramayaa inay isku dayayeen inay gaaraan xero ay ku jiraan qaxooti reer Eritrea ah, Axaddii aynu soo dhafnay.
Waxaa jiray walaac badan oo ku saabsan halka ay ku dambayn doonaan qaxootiga kaddib markii ay soo baxeen warar aan la hubin oo sheegaya in ciidamada Eriteriya ay u gudbeen dhanka Tigray, qaarna ay dib ugu celiyeen Eritrea.
Labada dowladoodba waxay beeniyeen in ciidamada Eriteriya ay kusugan yihiin gobolka Tigray si ay gacan uga gaystaan in laga adkaado kooxda TPLF.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaramada Midoobay waxay ka codsatay dowladda Itoobiya inay wadooyinka u furto gargaarka bani'aadamnimo ee gobolka Tigray iyadoo ay jirto walaac laga qabo cunno yari iyo xaaladda caafimaad oo laga deyrinayo gobol ay ku nool yihiin dad ka badan siddeed milyan.
''Qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa rasaas lagu furay halka kuwa kalena la xiray.'' Ayuu yiri afhayeenka dowladda Mr Redwan oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.
Qaramada Midoobay ayaan ilaa haatan wax jawaab ah ka bixin dhacdadii Axaddii.
Muddo ka badan saddex toddobaad, Abiy Axmed waxay ciidamadiisa howlgal ka wadaan gobolka Tigray si meesha looga saaro maamulka TPLF ee ka taliyo halkaas kaddib markii lagu eedeeyay inay weerar ku qaadeen saldhigga militeriga ee ku yaalla gobolkaas.
TPLF waxay maamulka la wareegeen sanadkii 1991-dii balse waxay awoodda lumiyeen markii uu xilka qabtay sanadkii 2018-kii Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.
Mr Abiy markii uu awoodda qabtay wuxuu helay taageero badan, wuxuu qaaday tallaabooyin dhowr ah oo meesha looga saarayo musuqmaasuqa iyo tacaddiyada ka dhici jiray Itoobiya markii ay talada hayeen TPLF in ka badan 25 sano.
Dhanka Kale Rai'sal wasaare Abiy Axmed ayaa ku guuleystay billadda Nababadda ee Nobeel-ka, waxayna guddiga sheegeen inuu biladda ku muteystay doorkiisa xallinta khilaafaadka xadka ee kala dhexeeya Ereteriya, iyo kor u qaadista nabadda iyo dib u heshiisiinta dalkiisa iyo guud ahaan Bariga Afrika.
Sannadkii 2018-kii Abiy waxaa uu dhaxlay waddan uu hareeyay khilaaf aan la xallin karin oo ka jiray xuduudda dhanka woqooyi, oo ah gobol ay xasillooni darradu si weyn dib ugu dhigtay horumarkiisa dhaqaale.
Dhawr bilood gudahood, wuxuu heshiis nabadeed la saxiixday Eritereya oo ah dal ay Itoobiya la gashay dagaal culus












