You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xayiraadda Corona: Nin Talyaani ah oo ay xaaskiisa murmeen oo lugeeyay 450Km
Nin u dhashay dalka Talyaaniga ayaa raadsaday meel uu ku nasto kaddib markii ay murmeen xaaskiisa- ninkan ayaa markii dambe lugeeyay ilaa 450 kiiloomiitar.
Dadka adeegsada baraha bulshada ee Talyaaniga ayaa ninkan ugu magac daray "Forrest Gump" kaddib filinkii 1994-tii oo uu jilayay Tom Hanks kaas oo ordday kumanaan kiiloomiitar gudaha Mareykanka.
Booliska Talyaaniga ayaa joojiyay ninkan abaare labadii subaxanimo xilli uu marayay deegaanka Fano oo dhaca xeebta Adriatic kaddib muddo toddobaad ah uu kasoo dhaqaaqay degmada Como ee dhaca waqooyiga Talyaaniga.
Booliska Talyaaniga ayaa 485 doolar ku ganaaxay ninkan oo la sheegay in uu jebiyay xeerarka ka hortagga cudurka Covid-19.
Sheekadan ku saabsan ninkan waxaa markii ugu horreysay wargeyska fadhigiisu yahay magaalada Bologna, waxayna markii dambe si weyn ugu baahday baraha bulshada.
Dadka qaar waxay ku tilmaameen ninkan in uu ahaa halyeey gaaray go'aan adag balse waxay dhaleeceeyeen ganaaxa lagu riday, waxay sheegeen qaarkood in aheyd in ninkan la abaal mariyo balse uusan mudneyn in la ganaaxo.
Dadka qaar ee baraha bulshada isticmaala ayaa bogaadiyay tallaabada uu qaaday ninkan oo ay sheegayaan in uu doorbiday in uusan usii adkeysan qalalaasaha si uu maskaxdiisa u dejiyo.
Wuxuu booliska u sheegay "Waxaan halkan ku yimid lugteyda, mana helin wax gaadid ah"
"Waxaan waddada kula kulmay dad badan oo ii siiyay cabitaan iyo cunto, waan daalanahay"
Booliska waxay la yaabeen sida ninka uu ugu adkeystay qabowga iyo dhaxanta ka jirta dhulka xeebaha dhaca ee uu kusoo dhex lugeeyay.
Booliska waxay sheegeen in xaaskiisa ay kusoo wargelisay in la waayay halka jaan iyo cirib uu dhigay, waxay markii dambe waceen xaaska, waxay timid deegaanka Fano si uu seygeeda ay guriga ugu celiso.