Sidee ayuu geedkan bardaha ah uga guuleystay madaxweyne?

Xigashada Sawirka, AFP
Joseph Warungu oo ah tababare dhanka warbaahinta ah ayaa eegaya sida ay geeduhu uga awood badan yihiin siyaasiyiinta Kenya.

Dowladaha laguma yaqaanno inay mar walba dhegeystaan dadkooda.
Haddii ay taas sameyn lahaayeen, waddooyinka caasimadda Uganda ee Kampala, ma hareyseen rabshado dhowaan ka dhacay iyadoo ciidamo hubeysan oo dowladda ay tababartay ay la dagaallameen dad doonaya isbeddel xilli lagu guda jiray doorasho.
Gudaha Kenya, dadka ayaa ka codsanayay dowladda iyo siyaasiyiinta inay ka caawiyaan joojinta faafitaanka Covid-19, iyaga oo joojinaya isu soo baxyada siyaasadeed ee looga gol leeyahay in dadka lagu dhiirrigeliyo ka qeyb qaadashada afti dastuurka ah.

Xigashada Sawirka, AFP
Haddii la qaado aftida oo ay ansixiyaan dadka, waxay horseedi doontaa isbeddel weyn oo lagu sameeyo dastuurka, taas oo dib u qaabeyn ku sameyn doonta awoodda isla markaana abuuri doonta xafiisyo siyaasadeed oo dheeraad ah, oo ay ka mid yihiin kordhin lagu sameeyo tirada kuraasta xildhibaannada la doorto.
Siyaasiyiinta ku jira xisbiga talada haya iyo sidoo kale mucaaradka, oo taageersan aftida, ayaa diiday inay dhegeystaan dadka, iyagoo toddobaadyadii la soo dhaafay isu soo baxyo waaweyn qabtay, kuwaas oo ay ka soo qeyb galeen dad aad u badan oo qaarkood aan xirneyn maaskarada wejiga.
Taasi ayaa loo aaneeyay xaaladda walaaca leh ee Covid-19 ee ka jirta Kenya oo ay dad badan ugu dhinteen xanuunka.
Sidaasi darteed, amakaag ayay ku noqotay dad badan oo Kenyan ah markii hal geed uu hadlay, kaddibna ay dowladdu dhegeysatay geedkaas.

Balse maaha geed caadi ah.
Geedkan bardaha ah, oo jira 100 sano isla markaana teedsan qeyb ka mid ah waddada Waiyaki Way ee waqooyiga Nairobi, ayaa lagu xukumay dhimasho si jid loogu sameeyo waddo uu dhisme ku socdo.
Waddadan oo dhererkeedu yahay 27km (16-meyl) ayaa isku xiri doonta Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta iyo xaafadda Westlands ee Nairobi, taas oo ku xireysa waddada Waiyaki Way, ee aadda waqooyiga Kenya iyo Uganda.
'Wuxuu astaan u yahay dhaqanka'
Cedna ma oga sababta rasmiga ah ee madaxweynuhu uu u beddelay qorshaha dowladda isla markaana uu u soo saarayw areegto lagu badbaadinayo geedka bardaha ah.

Xigashada Sawirka, AFP
Wuxuu sababta ku sheegay inuu "astaan u yahay dhaqanka iyo dhaxalka Kenya".
Dabcan, geedku wuxuu ahmiyad weyn u leeyahay dhaqanka iyo diinya bulshooyinka ku hadla Baantuuga.
Qaar ka mid ah bulshada Luhya ee degta galbeedka Kenya, sida Maragoli, waxay ku magacaabaan "mukumu" ama geedka bardaha. Wuxuu ahaa maxkamad hoostiisa lagu qaado garta.
Wuxuu calaamad u yahay wareejinta xilka
Bulshada Kikuyu ee degta bartamaha Kenya, oo ah tan ugu ballaaran, geedka bardaha waxay u yaqaannaan "mugumo" wuxuuna ahaa mid ay ku cibaadeystaab.
Bulshada Kikuyu ma oggola in la jiro geedka bardaha - waxay aaminsan yihiin in haddii la jaro ay horseedeyso musiibo.
Markii geedka bardaha ah uu si iskiis ah dhulka ugu soo dhaco, dadka Kikuyu waxay aaminsan yihiin inay wax xun astaan u tahay amaba ay muujineyso xil wareejin uu jiil ku wareejinayo jiil kale. Jiil walba wuxuu xilka heynayaa ilaa 30 sano.


Madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo qudhiisa Kikuyu ah, ayaa tixgeliyay badbaadinta geeska bardaha ah.
Inkastoo ay dadka u ololeeya deegaanka is hor taageen jarista geedkaas, haddana oday-dhaqameedyada Kikuyu ayaa ka dhiidhiyay burburinta dhaqankooda.
Tan maaha markii ugu horreysay ee dowladda laga hor istaago qorshaheeda ku aaddan burburinta waxyaabaha dabiiciga ah.
Sanadihii 1980-meeyadii, xisbigii hayay talada dalkaas ayaa doonayay inuu burburiyo beerta Uhuru Park, si looga dhiso dhisme weyn oo laga dukaameysto.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhismaha Times Media Complex oo ka kooban 60 dabaq, lehna xafiisyo, meelo laga dukaameysto iyo meelo la dhigi karo boqollaal gawaari ah, waxaa lagu waday inuu noqdo dhismaha ugu dheer gobolka Bariga Afrika.
Dadka ka shaqeeya arrimaha deegaanka oo ay hor kacaysay Prof Wangari Maathai oo haysatay abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa bilaabay olole lagula dagaallamyo dhismaha laguna badbaadinayo beerta.
Ugu dambeyntii, Daniel arap Moi, oo xilligaas madaxweyne ahaa, ayaa dhegeystay codka Uhuru Park iyo geedaha ku yaalla.
Qorshaha dhismaha ayaa meesha laga saaray, ilaa iyo maantana dad badan oo Nairobi ku nool ayaa iyaga iyo qoysaskooda usoo nasasho taga beertaas.
Geedka bardaha ah ee ku yaalla waddada Waiyaki Way ayaa sidoo kale haatan neefsan kara maaddaama laga badbaadiyay in la jaro.
Shaqaalaha dhismaha waddada ayaa isku dayaya qaab lagu ballaarin karo waddada iyadoo aan la jarin geedaha.

Xigashada Sawirka, Geofrey Angote
Geedka bardaha ayaa ku guuleystay codka ah inaan la jarin, isla markaana la hakiyo waddada uu Shiinuhu maalgelinayo.












