Maxaa xal u noqon kara xiisadda siyaasadeed ee madaxweyne Farmaajo iyo musharraxiinta?

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka ka taagan doorashada madaxweynaha ee la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo horaanta sanadka soo socda ee 2021-ka, waxaana hannaanka loo diyaarinayo doorashadaas ka biyo diidsan musharraxiinta xilka madaxweynaha oo mideysan.
12 Musharrax - oo u xusul duubaya inay meesha ka saaraan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo - ayaa maanta soo gabagabeeyay shir uga socday magaalada Muqdisho, iyagoo soo saaray go'aanno iyo shuruudo ay ku xireen hannaanka qabsoomidda doorashada.
Mid ka mid ah shuruudaha ugu waaweyn ee ay ku xireen doorashada waa in la kala diro guddiga doorashada maamuli doona, kuwaasoo ay u jeediyeen eedeymo ku aaddan inay taageero u yihiin madaxweynaha xilka haya.
Waxay xitaa ku hanjabeen in ay doorasho ka duwan tan xukuumaddu qaban qaabineyso qaban doonaan haddii loo hoggaansami waayo dalabaadkooda.
Bayaan laga soo saaray gabagabadii shirkan ayaa lagu yidhi: "Haddii Dowladda Federaalka ah ay qaaddo tallaabo lagu taabbagelinayo doorasho aan heshiis lagu ahayn, wuxuu Goluhu caddaynayaa in isaga oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dawlad goboleedyada uu ka shaqeynayo hannaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo si uusan u dhicin firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah."
Ridwaan Xirsi Maxamed, oo ah afhayeenka musharraxiinta madaxweynaha ee mucaaradka ah, ayaa BBC-da uga warramay mowqifkooda.
"Waxaa noo caddaatay ama muuqatay in walwal aad u weyn inuu ka jiro dadka Soomaaliyeed dhexdooda iyo musharraxiinta, oo annaga ah, kaasoo ku saabsan inay doorahadaasi ku dhacdo hufnaan, daacadnimo, dhexdhexaadnimo, caddalad iyo daahfurnaan. Laakiin markii aannu aragnay dariiqa hadda la marayo oo ah in lasoo xulay guddiyo doorasho aan sina u noqon karin dhexdhexaad waxaa noo soo baxday in la doonayo in doorashada la musuqmaasuqo," ayuu yidhi.

Ridwaan wuxuu sheegay in xubnaha guddiga doorashada "aysan ahayn dad caddaalad u sameyn kara musharraxiinta tartamaya".
"Guddiyada qaarkood waxaa xubno ka ah talisyada ciidanka, shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo diblomaasiyiin. Sidaas darteed waxaa iska cad in doorashada loogu adeegayo musharraxa xilka madaxweyne ee hadda kursiga ku fadhiya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,"
Caddeyn rasmi ah uma uusan soo bandhigin sheegashada ku aaddan in xubnaha guddiga doorashada ay ka mid yihiin dhinacyada uu carrabka ku adkeeyay, laakiin wuxuu ku gaabsaday inay yihiin dad la yaqaanno oo aan qarsoomi karin.
Ma jiro wax war ah oo ay dowladda Soomaaliya ilaa hadda kasoo saartay eedeymaha ugu dambeeyay iyo go'aanka ay soo saareen musharraxiinta madaxweynenimo.
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka, Mahdi Maxamed Guuleed, oo horay uga hadlay eedeymaha noocan ah, ayaa ku dooday in aysan jirin xubno ka tirsan guddiga doorashada oo dowladda hadda jirta dhankeeda u xaglineysa.

Xigashada Sawirka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed
"Horta cabashadu waa inay aasaas leedahay ama caddeyn leedahay. Miyey jirtaa maxkamad caddeysay in xubno guddiga ka tirsan ay leeyihiin waxyaabaha ay kaga cabanayaan, mise waa canbaareyn iyo xajiimeyn? Markii la soo xulayay shuruudaha oo dhan waa loo eegay, marka waxay aniga ila tahay in aan wakhti lagu luminin eedeyn, illeen garsoorkooda iyo garnaqooda wali ma aynaan arkine." Ayuu yidhi Mahdi.
Sidee horay loogu sii socon karaa?
In muddo ahba wuu soo socday khilaafka hannaanka doorashada iyo kalsooni darrada ay muujinayaan mucaaradka kasoo horjeeda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Dad badan waxay isweydiinayaan sida ay noqon karto tallaabada kale ee horay loogu qaado doorashada.
Su'aashaas waxaan hordhignay Barfasoor Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ka faallooda siyaasadda Soomaaliya iyo tan gobolkaba.

"Waa muhiim in la helo doorasho xalaal ah, doorasho xor ah, doorasho lagu tartami karo, dowladda lafteedana waa in ay taas ka fikirto, maxaa yeelay ma wanaagsana in ay tiraahdo 'anigaa iri', Soomaaliya waxay u baahan tahay in la isu tanaasulo, waxay u baahan tahay in la tartiibiyo geeddi socodka nabadda, waxaa loo baahan yahay in la muujiyo qaangaarnimo, dowladduna waa inay qaangaarnimo muujisaa, nimankan tartamayana waa in waxyaabaha saxda ah ee ay tabanayaan wax laga qabto, waxyaabaha ay ku talax tagayaanna aan laga yeelin," ayuu yidhi Dr Cabdiwahaab.
Barfasoor Cabdiwahaab ayaa dhanka kale sheegay in xaalad jahwareer ah uu ka dhalan karo go'aanka mucaaradka ay ugu hanjabeen inay doorasho ka madax bannaan midda dowladda federaalka qabsan doonaan.
"Haddii siyaasiyiintii hal-doorka u ahaa umadda ay ku dhaqaaqaan inay doorasho iskood u qabtaan, dowladdiina ay doorashada qabato taasi waxay horseedi kartaa in dalka uu mugdi dib ugu noqdo," ayuu yidhi.
Waxaa kale oo uu soo jeediyay in dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ay soo dhex galaan dhexdhexaadiyeyaal.
"Waxaa loo baahan yahay inay soo dhex galaan dadka aqoonyahannada ah ee Soomaalida, ururrada bulshada, waddamada Soomaaliya saaxiibka la ah, waana in xiisaddan sii kaceysa la dajiyo."












