You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump kaddib, Biden muxuu ku sameyn doonaa Iiraan?
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden, wuxuu sheegay habka ay ku socoto siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka "uu sii burburayo sida ay u muuqato".
Wuxuu ballan qaaday inuu dib usoo nooleyn doono sharaftii Mareykanka, taasina uu deg deg u sameynayo.
"Ma jiri doono waqti luma," ayuu horaantii sanadkan kusoo qoray Majallad ka faalloota Arrimaha Dibadda.
Liiska dheer ee waxyaabaha uu ballanqaaday waxaa ka mid ah inuu dib usoo celiyo heshiiskii nuclear-ka Iiraan ee la saxiixay sanadkii 2015-kii. Tallaabadaas waxay ka mid ahayd kuwii ugu waaweynaa ee uu qaaday madaxweynihii uu Donald Trump xilka kala wareegay, Barack Obama.
Madaxweyne Trump oo heshiiskaas ka baxay bishii May ee sanadkii 2018, wuxuu tan iyo xilligaas ku dadaalayay sidii uu u baabi'in lahaa.
Hase yeeshee, iyadoo uu Mr Trump "cadaadis heerkii ugu sarreeyay" saarayay Iiraan muddo labo sano ah, haddana dowladda Islaamiga ah kama aysan habsaamin inay meel fiican ka gaadho tiknoolojiyadda ay ugu baahan tahay inay sameysato hubka nuclear-ka, iyadoo hadda uga dhow sidii ay ahayd markii uu Mareykanka ku billaabayay cadaadistaas.
Ma laga yaabaa in Joe Biden, oo xilka madaxweynaha la wareegaya bisha January, uu dib boorka uga jafo heshiiskii Iiraan looga dhaadhicinayay inay ka tanaasusho hubka wax gumaada?
Iyadoo waqtiga uu ku yar yahay, siyaasadda Mareykankuna ay kala qeybsan tahay, ma u suuragali kartaa arrinta noocaas ah?
"Istiraatiijiyaddu aad iyo aad ayey u caddahay laakiin ma noqon doonto mid sahlan," ayuu yidhi Aniseh Bassiri Tabrizi, oo ah khabiir u dhashay Iiraan oo wax ka dhiga Jaamacad ku taalla magaalada London.
Ayatollah Ali Khamenei, oo ah hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, ayaa horaantii bishan sheegay in natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada Mareykanka ee 2020-ka aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin mowqifka Iiraan.
Wuxuu ku adkeystay in qof walba oo kusoo baxaba aysan isbaddali doonin siyaasadda Tehran ee ku wajahan Washington.
"Siyaasaddeennu way caddahay. Isuma baddaleyso shakhsiyaad isbaddalay awgood," ayuu yidhi. "Waxba nagama galin cidda baxeysa iyo cidda imaaneysa toona."
'Ma jirto dib u laabasho'
Waa sax in la yiraahdo waxaa jira caqabado.
Cadaadiska ka dhashay cunaqabateyntii muddada labada sano ah lagu xoojinayay Iiraan ayaa Mr Biden siineysa fursad uu ku gorgortami karo, haddiiba uu dambo inuu ka faa'iideysto.
Ilaa hadda wuxuu ka hadlay oo kaliya in Iiraan looga baahan yahay inay ku taagnaato ballanqaadyadii ay sameysay markii heshiiska la saxiixayay.
"Tehran waa inay dib ugu laabato u hoggaansanaatii jiigisneyd," ayuu soo qoray bishii Jauary. Laakiin taasi durbaba waa caqabad hadda taagan.
Islamarkii uu Donald Trump ka baxay heshiiska nuclearka Iiraan, xukuumada Tehran waxay dib u billowday dadaalkeedii ku aaddanaa sameysashada hubkaas, iyadoo ka aargudaneysa cunaqabateynta lagu xoojiyay.
Warbixintii ugu dambeysay ee ay Iiraan soo saartay waxay ku sheegtay inay macdanteeda uranium-ta bacrimisay wax ka badan 12 jibbaar intii loogu oggolaa heshiiskii 2015-kii ay la gashay Mareykanka.
Waxay macdanteeda uranium-ta ee nucliear-ka laga sameeyo kobcisay ilaa xaddi 3.67% ka badan intii loo oggolaa.
Uranium sida daciifka ah loo bacrimiyo waxaa loo adeegsan karaa sameynta tamarta nuclear-ka ee aan hubka laga damacsaneyn - laakiin haddii heer sare la gaarsiiyay bacrimintaas (oo aysan Iiraan wali u dhaweyn, lana ogeyn inay ku hammineyso) waxaa lagu sameyn karaa Bambo nuclear ah, taasina waxay kordhineysaa walaaca.
Iyadoo arrimahan ay u muuqaan kuwo si toos ah loola tacaali karo - haddana saraakiisha Iiraan waxaa laga soo tabiyay inay sheegeen in tallaabooyinka ay u qaadeen jabinta heshiiska ay yihiin "kuwo dib loo sixi karo" - laakiin horumarka ay Iiraan ka gaadhay cilmibaadhisteeda horumarinta uranium-ta aysan ahayd mid si fudud lagu tirtiri karo.
"Dib uma noqon karno," ayuu yidhi Ali Asghar Soltanieh, oo ah danjirihii hore ee Iiraan u qaabilsanaa hay'adda caalamiga ah ee tamarta Atoomiga, oo magaceeda loo soo gaabiyo IAEA.
"Hadda waxaa ka gudubnay bartilmaameedka A waxaana joognaa bartilmaameedka B, halkaas ayaana mareynaa imika," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Cadaadis siyaasadeed
Hase ahaatee Iiraan, oo dhibaato ba'an kala kulantay cunaqabateynta Trump ayaa dalbaneysa waxyaabo u gaar ah.
Saraakiishu waxay sheegayaan in cunaabateynta oo laga qaado kaliya aysan ku filneyn. Iiraan waxay rajeyneysaa in magdhow laga siiyo khasaare dhaqaale oo soo gaadhay muddo labo sano iyo badh ah.
Iyadoo doorashada madaxweynaha Iiraan ay soo socoto bisha June ee sanadka dambe, waxaa jagada ugu sarreysa u tartamaya siyaasiyiin isbaddal doon ah.
Taageeradii loo hayay madaxweyne Hassan Rouhani ayaa yaraatay kaddib markii hoos u dhaca dhaqaalaha uu kasii daray.
Haddaba Joe Biden ma dareemi doonaa inuu Mr Rouhani ku caawiyo sidii uu Iiraan uga yaraan lahaa cadaadiska uga yimid cunaqabateynta saaran?