You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
"Waqtiga aan qoyskeyda la qaato waxaa ka badan waqtiga aan Maroodiga la qaato."
Kushal Konwar Sarma ayaa buslhada xanaaneysa duurjoogta dalka Hindiya waxay u yaqaanaan "Dhakhtarkii Maroodiga ".
Waxa uu muddo 35 sano ah ku qaatay xanaaneynta iyo daryeelka Maroodiga, isaga oo badbaadiyay noolasha kumannaan Maroodiyaal ah oo ku nool keymaha Hindiya iyo Indonesia, sida ay qortay laanta afka Hindiga ee BBC.
"Waxaan ahay qofka ugu farxadda badan markaan ag-joogo Maroodiga," ayuu yiri Dr Sarma.
"Waqtiga aan qoyskeyda la qaato waxaa ka badan waqtiga aan Maroodiyada la qaato." Ayuu intaa ku daray.
Dr Sarma waa 60- jir ah imika waxa uu ku koray tuulo lagu magacaabo Barma oo ku taalla gobolka wuqooyi bari ee Assam,.
Waxaa gobolkan ku nool 5,000 Maroodi oo ka mid ah 27,000 ee Maroodi ee Hindiya ku nool, sida lagu xusay daraasad la sameeyay sanaddii 2017.
Waxaa uu sheegay in uu fahmayo "luuqadda" Maroodiga iyo quudintooda,waxaan kula xiriiraa oo kula hadlaa luuqada dhagoolayaasha," ayuu yiri.
Waxaa uu intaa ku daray "Imika Maroodiga intiisa badan wuu i garanayaa".
Dr Sarma ayaa waxaa la gudoonsiiyay abaalmarinta Padma Shri, oo ah abaalmarinta rayidka ee ugu sareysa dalak Hindiya horraantii sanadkan.
Sida uu ku sheegay qiyaastiisa, wuxuu daweeyay in ka badan 10,000 oo Maroodi.
Waxaa uu howshiisan bilaabay 1984, markaasi oo uu daweeyay Maroodigii ugu horeeyay, isaga oo markaasi tababar ka qaadanayay Prof Subhash Chandra Pathak.
"Waan xusuustaa markii ugu horeysay oo aniga oo la socda aan aaday beerta lagu xanaaneeyo Duurjoogta ee Manas si aan u daweeyo Maroodiyayaal, maalinkaas aad ayaan u farxay," ayuu yiri Dr Sarma.
Xiriirka uu la leeyahay Maroodiga ayaa soo bilaabay tan iyo yaraantiisii, markaasi oo qoyskiisa ay guriga ku xanaaneyn jireen Maroodi dhiddig ah oo lagu magacaabi jiray Laxmi.
"Markii aan toddobo sano jiray, waxaan dusha uga fadhiisan jiray Laxmi islamarkana tuulada ayuu igu soo wareejin jiray, waa sidaa sida aan ku bilaabay inaan Maroodiga la noolaado."
Jaceylka iyo xiriirka uu la leeyahay Maroodiga ayaa u hurseeday in xirfadiisa dhakhtarnimada ka dhigo xanaanada xoolaha.
Gobolka Assam ayaa ah mid caan ku ah fatahaadaha islamarkana, ay halis galaan duurjoogta.
Beerta lagu xanaaneeyo Duurjoogta ee Kaziranga ayaa ka mid ah goobaha ay hay'adda Unesco u asteysay dhaqanka.
Gobolkaasi fatahaadihii ku dhuftay bishii July ayaa waxay saraakiisha Hindiya sheegeen inay ku dhinteen 51 ka mdi ah duurjoogtii ku jirtay beertaasi.
"Duurjoog badan oo beerta ku jirta ayay waxyeelo ka soo gaartaa xilli roobaadka, xayawaano badan ayaa dhinta xitaa Maroodiga daadka ayaa qaada ," ayuu yiri Dr Sarma.
Dr Sarma ma jirto cid u sheegta in uu aado halkaasi si uu duurjoogta uga badbaadiyo fatahaadaha.
"Mar walba aniga ayaa is xilqaama sababtoo ah waxaan doonayaa inaan isku dayo inaan badbaadiyo duurjoog badan inta suurtagalka ah.
Dr Sarma waxaa uu deeray dhul dhan 300,000km oo ah keyn ku taalla gobolka Assam, halkaasi oo uu inta uu dhexgalo ku daweeyo kumannaan Maroodi.
Inkastoo Dr Sarma uu shaqadiisa jacelyahay hadana waxaa uu ogyahay halista ay leedahay.
Marar badan ayuu naftiisa halis galiyay isaga oo shaqadiisa gudanaya.
"Waxaan mararka qaar la yaabaa, sida aan ku badbaado?" ayuu is waydiiyay.
"Mar ayaa waxaan habeen dhan ku baryay geed korkiisa si aan u dajiyo Maroodi dhidig ah oo aan doonaynay inaan qabano oo aan daawyno." Ayuu intaa ku daray.
Balse waxaa uu sheegay iyada oo ay halista jirto hadana in uu waajibaadka shaqadiisa guto.
Waxaa uu sidoo kale doonayaa inuu dhiirigaliyo gabadhiisa oo imka dhameysay jaamacadda islamarkana qaadatay shahaadada xanaanada xoolaha.
"Waxaan doonayaa in gabadheyda ay sii wado howsha daaweyn Maroodiyada aniag ak dib."