Maxay yihiin doomaha maydadka sida ee ka yimaada Kuuriyada Waqooyi?

Published

Muddo sannado ah, ma aysan jirin cid ogeyd waxa ay yihiin doom ka sameysan alwaaxyo "oo aan la aqoon waxa ay yihiin iyo cid iska leh" - iyo waliba meydad baaba'ay oo lafo keli ah ka soo hareen, oo ah dad kalluumeysato u dhalatay Kuuriyada Waqooyi kuwaas oo ku soo caarinayay xeebaha dalka Japan.

Baaaritaan dhawaan uu sameeyay telefishinka NBC News, oo ku saleysnaa macluumaad la soo duubay iyada oo la adeegsanayo dayax-gacmeed ayaa shaaca ka qaaday waxa kubarada dhanka badaha ay ku tilmaameed in laga yaabo inay tahay mid sharaxaad ka bixinaysa doomahan aan la aqoon ee ku soo caariya xeebaha Japan.

Waxyaabaha la ogaaday waxaa ka mid ah in dowladda Shiinaha ay u dirta halkaas doomo aan la arkayn oo ah kuwa casriga islamarkana waxaa si sharci daro ah ay uga kalluumaystan badda Waqooyiga Kuuriya.

Doomahan ayaa kalluumeysatada yaryar ee u dhashay Kuuriya Waqooyi ku qasba in ay kalluumaysan waayaan, ayna yaraadaan faa'iidadii suuqa ay ka helayeen illaa boqolkiiba 70% in ka badan.

Waxaa muuqata in kalluumaysatada doomahoda iyo meydadkooda laga helayo xeebaha Japan ay yihiin kuwa safar halis ah soo galay iyaga oo raadinaya waxay cunaan halkaasna ku dhintay.

Doomaha Shiinaha oo ay tiradooda ka badan tahay 700 ayay u muuqatay in sannadkii aanu soo dhaafnay ay jabiyeen cunaqabateynta Qaramada Midoobey ee mamnucaysa in dalalka ajaaniibita ah ay ka kaluumaystaan biyaha Kuuriyada Waqooyi.

Cunaqabateyntan oo la soo rogay sannadkii 2017, ayaa jawaab u ahayd tijaabada ay Kuuriyada Waqooyi ku sameysay hubkeeda Niyukleerka.

Waxaa sidoo kale cunaqabateynta looga gol lahaa in Kuuriyada Waqooyi lagu ciqaabo oo aan loo ogolaan in ay hesho xuquuq ay uga kalluumaysan karto badaheeda taasi oo dhaqaale uu ka soo gali karo.

Shaaca ka qaadida arrintani waxay bidhaaminaysaa nidaam la'aanta ka jirta badaha caalamiga ah islamarkana waxay keenaysaa su'aal ah cawaaqibka ay Shiinaha kala kulmi karaan balaarinta doorkeeda dhanka badda iyo sida ay arrintaasi ula xiriirto damacooda juquraafi ee siyaasadeed.

Baaxada iyo balaca doomaha Shiinaha ee halkaasi ka kalluumeysta ee dhibaateeya kalluumaysatada Kuuriyada Waqooyi ayaa ah kuwa aad u ballaaran.

Qiyaasta la hayo waxay muujineysaa in Shiinaha ay leeyihiin doomo kalluumeysi oo ay tiradoda u dhaxeyso 200,000 ilaa 800,000, taas oo u dhiganta kala bar howlaha kaluumaysi ee guud ahaan caalamka ka socda.

Balse dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in doomaha waawayn ee kalluumeysiga ee ka soo safra Shiinaha ay tiradooda gaareyso 2,600.

Balse cilmibaaridda la sameeyay, sida midda Machadka Horumarinta Daraasaadka, waxaa lagu sheegay in tirada doomaha Shiinaha ay ku gaareyso ku dhawaad 17,000.

Marka la barbardhigo doomaha waawayn ee kaluumaysiga Mareykanka, waxay tiradooda dhan tahay 300.

Shiinaha ma aha oo kali ah dalka cunnada badda ee ugu badan dhoofiya ee, sidoo kale waa dalka ugu dadka badan caalamka, shacabka dalkaasna waxay isticmaalaan cunnooyiinka badda, saddex meelood meel guud ahaan caalamka.

Inta badan maraakiibta kalluumeysiga ee shiinaha waa kuwa aad u waawayn waxayna markiiba qaban karaan kalluun aad u badan.

Maraakiibtaas ayaa hal mar jallaaban kara kalluunkii ay doomaha maxaliga ah ee Senegal qabsan lahaayeen muddo toddobaad, amaba kalluunkii ay heli lahaayeen reer Mexico muddo sannad ah.

Inta badan maraakiibta ka kalluumaysta biyaha dalalka Latin American waxay bartilmaameedsadaan kalluunka noociisa yahay Forage, kaas oo nafaqo badan ay ku jirto.

Maraakiibta Shiinaha waxay sidoo kale jallaabtaan kalluunka noociisu yahay shrimp.

Waxaa sidoo kale dalka Shiinaha si aad ah looga cunaa kalluunta qaaliga ah ee loo garanayo totoaba, oo sida ay sheegeen caafimaad laga helo, waxaana la iibiyaa halkii xabo $1,400 illaa $4,000.

Ma jirto meel biyaha Shiinaha uga badan kalluunka loo yaqaano squid, balse 50-70% boqolkiiba waxaa kalluunkan Shiinaha ay ka soo qabtaan biyaha caalamiga ah taasi oo Shiinaha ka dhigtay in uu hormuud u noqdo suuqa dhoofinta kalluunka noocaas ah.

Ugu yaraan kala bar kalluunka nooca squid waxay Shiinaha u dhoofiyaan dalalka Yurub, Aasiya iyo Mareykanka.

Isku dhacyada la xiriira Kalluumaysiga kuma xaddidna oo kali ah badda Koonfurta Shiinaha.

Dalka Japan iyo shiinaha waxay ka muransan yihiin jasiiradda Senkaku, oo ay dadka Shiinaha u yaqaanaan Diaoyu ama jasiiradda "Kalluumaysiga".

Dhanka kale ciidamada ilaalada badda ee Argentine ayaa rasaas digniin ah ku riday Markab ay Shiinaha lahaayeen oo ka soo baxsaday biyaha caalamiga ah bishii March, sannadkii 2016.

Laga soo bilaabo Kuuriyada Waqooyi ilaa Mexico iyo illaa Indonesia, waxaa faragalin ku haya maraakiibta kalluumaysiga Shiinaha waxay noqotay mid joogta ah oo mararka qaar rabshado ku saleysan.