Dibadbaxyada dalka Belarus oo sii xoogaysanaya

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxaa sii xoogeysanaya dibadbayada dalka Belarus ee looga so horjeedo madaxwaynaha dalkaasi Alexander Lukashenko.
Kumannaan qof ayaa maanta isugu soo baxay waddooyiinka caasimadda dalkaasi ee Mins.
Booliiska ka hortaga rabshadaha oo sita tuubooyiinka biyaha laga tuuro ayaa xiray waddooyiinka caasimada, iyaga o sidoo kale xiray qaar ka mid ah dibadbaxayasha.
Waxaa sidoo klae jira warar sheegaya in ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha.
Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in madaxwayne Alexander Lukashenko uu xilka ka dago.
Waxay xukuumadiisa ay ku eedeeyeen ayaa waxaa ka mid ah in dooarshadii dalkaasi ka dhacday bilk a hor ay ku shubatay.
Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhumatay boqollaal kalana way ku dhaawacmeen tan iyo intii ay dibadbaxyada bilaabmeen.
Qaar ka mid ah mucaaradka aya dalkaasi isaga cararay iyaga oo ka baqdin qaba in booliiska ay xiraan.
Olga Kovalkova oo ah haweeney u ololeysa arrimaha bulshada ayaa noqotay qofkii ugu dambeeyay oo maanta shaaciyay in dalkaasi ay ka baxday islamarkana ay ku sugan tahay dalka Poland.
Mr Lukashenko,ayaa xilka madaxwaynanimada dalkaasi hayay tan iyo sanaddii 1994.
Waxa uu ku eedeeyya dalalka reer galbeedka inay faragalin ku hayaan dalka Belarus .
Dibadbaxayasha iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha dhammaantood waxay sheegeen in booliiska ay si arxan daro ah ula dhaqmayaan dibadbaxayaasha.












