You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Cudurka Coronavirus: Lix bilood ka dib weli way u jiiftaa fayraska Covid-19
Monique Jackson waxay rumaysantahay in ay qaaday Covid-19, horraantii safmarku bilaabamay, ku dhawaad lix bilood ka dibna, weli way buktaa.
Maadaama ay ka mid tahay kumannaanka qof oo duruuftani haysato, waxay xusuus qor faahfaahsan ka qortay calaamadaheeda iyo isku daydadeeda ay ku doonayso in ay dawo ku hesho.
Sannad ka hor, ayay Monique Jackson daawatay barnaamijka Ted oo lagaga hadlayey wax tartanka dhirta Mushroom-ka (boqoshaa ama Barkin-waraabe), wayna la dhacday.
Sida uu sheegay qofkii hadlayay fangaskaa, wuxuu leeyahay shabakado isku xidhan oo kaymaha dhex mara. Waxay geedaha u suurto gelisaa in ay is cawiyaan, marka dhibaato la soo deristo.
Maalmahan, maadaama uu cudurka hayo todobaadkii 24 aad oo xidhiidh ah, waa wax ay haddana had iyo goor ka fikirto.
Waxay ka shakiday "Covid daba dheeraada" oo ah in si gaara uu fayrasku ula fal galo jidhka, dhakhtarradana haatan ay bilaabeen in ay dersaan.
Waxay bukootay bishii Maarij, bilowgiina waxay moodaysay in uu yahay mid fudud laakiin calaamadihii ku soo baxay ayaan ka tagin. Shan bilood ka dib, waxay la daalaa dhacaysaa sidii ay u fahmi lahayd waxa jidhkeeda ku dhacaya.
Monique waa qof furfuran, oo la odhan karo ba waa qof aad u dad dhex gal badan. Wakhtigyada caadiga ah waxay ciyaartaa ciyaaraha lagu magacaabo Thai Boxing iyo Jiu-jitsu iyo sidoo kale baaskiil ay maalintii 12 mayl kaxayso oo ay ku tagto halka ay ka shaqeyso, oo ah goob lagu soo badhigo farshaxanka oo ku taal badhtamaha London, kagana noqoto baaskiilka illaa guriga.
Laakiin dhawrkii bilood ee la soo dhaafay si weyn ayay u bedeleen nolosheeda. Imika waxa gidaarka qolkeeda hurdada ugu dhegan diiwaan xusuusinaya in ay madhxiso tamarta jidhkeeda si ay u cadeyan karto.
"Ma ihi qof caajis badan" ayay tidhi. Maalmaha qaar se waxa keliya ee ay qaban kartaa waa in ay jaranjarada ka dhaadhacdo.
In kasta oo jidhkeedu diidanyahay inuu siday doonayso u dhaqdhaqaaqo hadana waxay ogaatay in diiqad kaga nasan karto Ingstagram oo ah halka ay ka bilowday xasuus qorka faahfaahsan ee calaamadeeda.
Waxay u adeegsataa xusuus qorkaa in ay dadka ugu sheegto xaaladeeda cusub iyo sida ay ula xidhiidho dadka kale ee sideeda uu mudada dheer cudurku hayey.
Fayraska korona arrimo badan oo uu leeyahay ayaa dhakhaatiirta dawakhiyey laakiin Covid-ka "dabada dheeraada" waa mid ka mid ah astaamaha ugu yaabka badan ee xanuunkan safmarka ah.
Muxuu dadka qaarkood ugu dhacaa nooc fayraska ah oo aan bixini - kuwaas oo badanaa ah dadka uu sida fudud u saameeyey marka horeba?
Monique waxay xanuunsatay isla wakhtigii saaxiibkeed xanuunsaday ka dib markii ay galeen safar ay tareen raaceen. Bilowgii way wada xidhiidhi jireen calaamadadoodu si toos ah ayay iskugu ekaayeen laakiin mudo ka dib ayay kala duwanaadeen.
"Inaan joogsado ayay noqotay. aad buu u darnaa," ayay tidhi Monique.
Labadii todobaad ee u horeeyey waxay dareemaysay sidii hargab ku dhacay oo kale - aad bay u daalanayd, sariirtana dirqi bay kaga kacaysay.
London na qababow bay ahayd laakiin dhar culus may gashanayn oo caagad baraf ah ayay madaxa saartay. Qalabka lagu cabiro heer kulka ayaa suuqa ka dhamaaday laakiin waxay rumaysantahay in heer kulkeedu aad u sareeyey.
"Waa wax lala yaabo in aad tidhaa waxaan moodayey. Waxan oo dhan badankoodu waxay ila tahay in la fili doono laakiin ma ogid".
Toddobaad ama laba waxa ku adkaada inay neefsato. Ambalaas ayaa yimid laakiin waxay sheegeen in heerka ogsajiinteedu caadi yahay. "Waxay ii sheegeen in aan naxsanahay oo aan calaamaduhu aanay ba'nayn".
Lagama baadhin Covid-19 laakiin maadaama uu bishii ay Maarij dalka UK yaalleen qalab kooban oo lagu baadho cudurka, waxa loo daayey uun xaaladahaha ba'an.
Waxay isku dayday in ay isku dawayso dawo-dhaqameed. Markay cunayso toonta caydhiinka ah iyo basbaaska waxay xusuusataa iyadoo ka fikiraysa in wax haboon aanay ahayn.
Laba todobaad ka dib ayay calaamadihii qaarkood yaraadeen laakiin waxaad moodaysay in qaar kale bedeleen. "Waxaan xanuun ka dareemayey laabta. Ka dibna xanuunkaas ayaa jidhkoo dhan ku fiday," ayay tidhi. "Wuxuu ahaa xanuun aad ilkaha isla dhacayso oo dhanka bidix ah. Waxaan mooday in wadnuhu iskay taagayo".
Waxay wacday lambarka xaaladaha degdegga ah ee 111 waxaana loo sheegay in ay baarasitamool liqdo. waxay yidhaadeen in ay dadka qaarkood xanuunka ka baabi'iso in kasta oo aanay sababta si buuxda u fahamsanayn.
Baarasitamool kii wuu shaqeeyey laakiin isla markiiba xanuunkii wuxu ku bilaabmay caloosha iyo dhuunteeda oo "dab ku shidmay" markay cuntay.
Dhakhaatiirku waxay moodeen in ay caloosha nabar ku leedahay laakiin mar dabe ayaa la ogaaday in dhibaatooyinkaa gaastaridu ay yihiin calaamadaha fayraska.
Qiyaastii lix todbaad markuu xanuunka hayay, Monique waxay bilowday in ay dareento in kaadidu gubto iyo dhabarka xagga xoose oo xanuuna. Dhakhtarku wuxuu u qoray saddex qaybood oo dawooyinka antibiotic-ga ah, ka hort intii aanu ogaan in wuxu aanu ahayn xanuun bakteeriya keento.
"Xanuun bay ahayd," ayay tidhi. "ka dibna wuu sii socday".
Monique waxay iska goysay baraha xidhiidhka bulshada. Xataa dhegaysiga codadka podcasts-ka ah ayaa ku adkaa, sababuna waxay ahayd in mar kasta oo Covid la sheego uu ku abuurmayey naxdin saamaysay neefsigeeda. Maadaama ay tahay qof iyadu isku qirtay in ay tahay qof wararka aad u dhegaysta haddana way ku adkayd.
"Waxaan dareemayey sida in aan ku jiro filim naxdin leh oo dadka madow oo dhami dhimanayaan," ayay tidhi.
Maalin maalmaha ka mid ah iyada oo dhex jiifta suuliga oo dhageysanaysa codad barnaamijyo ah, ayay labadii qof ee soo jeedinayey ay sheegeen in dad badan oo Maraykanka madow ah ay u dhimanayaan fayraska Covid-19.
Degdeg ayay u soo fadhiisatay markaasay telefoonkeedii qabsatay oo ay email u dirtay eheladeeda madow ee Maraykanka ku nool.
Waxaanay xasuusatay in dadka ay ku tiirsanayd ay ahaayeen dad ka mid ah qoomiyadaha laga tirada badan yahay, waxaana ka mid ahaa darawallada tagaasida ee dhakhtarka geeya, shaqaalah isbitaalka iyo dukaamada ay wax ka iibsato.
"Teleefanno badan ayaan diray si aan u ogaado calaamadaha cusub ka dibna dadku waxay i waydiin jireen 'waa sidee caafimaadkaaga dhimirku?" ayay tidhi.
Waxa jidhkeedoo dhan ka soo baxay finan nooc kale ah, faraheeduna casaan bay noqdeen, mararka qaarkood na waxay ku toosi jirtay xanuun ba'an oo qaybo laabteeda ah ku dhuftay.
Habeen ayay iyadoo saxiibkeed telefoonka kula hadlaysa dareentay in dhanka midig ee wajigeedu dhacayo. Muraayada ayay ku carartay, dabeetana waxay aragtay in wajigeedu caadi yehay. Waxay ka baqaysay in faalig ku dhuftay laakiin dakhaatiirtu wax caddaynaya kamay helin.
Dareen ay garan weyday ayaa jidhkeeda oo dhan saaqay. mararka qaarkood waxay dareemaysay sidii in qof lugta jiidayo ama timaheeda wajigeeda laga soo dhex jiidayo oo afka laga soo saarayo.
Sagaal todobaad ka dib ayaa Monique laga baadhay fayraska korona. Markaas waxay ka baqaysay in ay fayraska u gudbiso qof kale.
Talada dawladdu soo saartay waxay ahayd in qofku gooni isku karantiilo ilaa inta qofka ay calaamadahaas ka ba'ayaan, laakiin iyadu waxay rumaysatay in aanay ka bi'i doonin.
Maalin ayay u baxday beer gurigeeda u dhaw si ay hawo daray ah u qaadato waxaa la socday saaxiibkeed. markaas waxa ku soo orday ilmo yar.
Monique way booday oo way ka carartay ilmihii yaraa. Dabadeed na ilmaha yar hooyadii ayaa aad u cadhootay. "Ilmahu kaama dhaayn!" ayay tidhi.
Monique ayaa isku dayday in ay wax u sharaxdo, laakiin waxay ka baqaysay in ay xataa gabadha qabadsiiso fayraska. Dadka bukaa waa inay guryaha joogaan ayay ku tidhi ilmaha yar hooyadood.
Waxay ku rajo wayntahay in xusuus qorkeedu dad badan ka caawin doono in ay fahmaan in aan arrintu sahlanayn.
Walow ay saaxiibadeed ku dadaaleen in ay caawiyaan, Monique way dareensanayd in dadka kale khaatiyaan ka taagan yihiin, waxyaabaha haystay dadka kale.
Saaxiibadeed midkood ayaa difaacay oo xanaanayn jiray, run ahaan tiina naftiisa ayuu halis u geliyey si uu iyada u badbaadiyo.
Goobta baadhitaanka waxay filaysay in kalkaaliyeyaasha iyo dhakhtarraduba ay niyada u dejiyaan laakiin goobta waxaa ka shaqaynayey askar tuutaha ay gashan yihiin dhidid qooyey, maadaama ay ahayd maalin kulul oo bisha Juun ah. Nin yar oo da'diisaba ay la yaabtay ayaa sanka ka geliyey caag dheer oo afka cudbi kaga duuban tahay.
Natiijadii soo baxday waxay noqotay in laga waayey oo fayraskii ka baxay, laakiin may rumaysan.
Waxay ku nefistay wuxuu ahaa in loo sheegay in aanay ehelkeeda iyo asxaabteeda qaadsiin karin. Waxay ku noqotay filan waa. "In aad ka baxday xaaladdii aad dadka qaadsiin karaysay cudurku waa arrin adag in ay maankaaga ka baxdo," ayay markii dambe ku qortay xusuus qorkeeda. Waxa kale oo ay ku sheegtay in ay weli fahmi la'adahay sababta aanay u bogsan.
Neefsashadeedii ayaa caadi ku soo noqotay, halka markii hore ay ku adkayd in ay jaranjarada marto iyada oo aan dhawr goor joogsan, bishii July mar qudha iyadoon nasan, jararada kamay degi karayn.
Monique ma garanyso si ay ku bogsan karto.
"Dad badan baa igu yidhaa 'Monique waad awoodi doontaa in aad mar kale baaskiilkii kaxaysato oo aad ciyaarihii aad jeclayd aad dheesho markaad bogsato.' Laakiin aniga arintaasi igama dhaadhacayso".
Dhakhtarradu weli way garan la'yihiin si ay u caawiyaan dadka calaamadaha cudurku ka bi'i waayaan.
Waxa u suurto gashay in ay kaalmo caafimaadka oo dhimirka ah ka loo fidiyo taas oo u sahashay in ay aqbali karto duruufta cusub ee ay gashay ee ah xanuunka haya. Waxay sidoo kale u ololaynaysaa in taakuladan oo kale ay NHS siiso qof kasta.
Arrin kale oo aanay weligeed filayn waa in xanuunkani is bari doono dad kale oo sideedaoo kale jecel Mushroom.
Mushroom waa khudrad leh astaamaha ka hortagga fayraska, sidaana waxay ku sheegtay xusuuq qorkeeda. Laakiin sidoo kalena waxay qayb ka tahay arrin kale oo wayn oo xiiso leh.
Waa khudrad ka mid ah nooca la yidhaa Mycelium oo ah nooc dhulka ka baxa oo xididada ku xidha geedaha u dhow. Mycelium waxay nafaqada ka soo noogaan xididada dhirtaas. Khubaro badan oo ka mid ah kuwa fangaska ayaa sidoo kale rumaysan in ay dhirtaasi wada xidhiidho oo ay kala qaataan nafaqada oo geedka tamarta yar ay u gudbiyaan.
Waxay xusuusisay saaxiibadeeda contada u soo dhiga albaabka hortiisa bil walba. Waana dadka ay ku tiirsanayd tan iyo intii ay bukootay.
"Makhsinkayga markaan ku godoomay" ayay ku qortay Instagram keeda, "waxaan dareemay in aan xidhiidh intii hore ka badan yeeshay".