Prosopagnosia: Haweeneyda wax sawirta ee wajigeeda raadineysa

Xigashada Sawirka, CORSO Film
Carlotta waligeed ma aysan aqoonsanin waji, ha ahaado waji qof kale ama xitaa iyada lafteeda wajigeeda. Xaaladda ay qabto, oo an xanuun wajiyada dadka shucaac ka galiya aragtida, ayaa saameyn weyn ku yeelatay nolosheeda, laakiin waxay sidoo kale ka heshay ujeeddo ay ku ahaato farshaxamiiste - taasoo ah inay si male'awaal ah ku sawirto wajigeeda, iyadoo maskaxdeeda adeegsaneysa.
Carlotta way fadhiisataa si ay u sawirto wax u eg wajigeeda. Qolka ay wax ku sawireyso waa mugdi, waxaa uga daaran dhowr shumac oo kaliya.
Uma baahna wax iftiin ah, sababtoo ah ,a isticmaaleyso muraayad ama sawir kale - waxay hal gacan ku taataabaneysaa wajigeeda, gacanta kalena warqad hoos taalla ayey ku sawireysaa iyadoo male'awaaleysa sida uu u egyahay.
"Mar walba waa yaabaa marka aan sawirrada aan sameeyay iftiinka maalintii ku arko," ayey tidhi.
Guriga ay haweeneydan daggan tahay waxaa ka buuxa sawirro ay wajigeeda ka sameysay - waxayna gaarayaan ilaa 1,000 sawir, sida ay u maleyneyso. Mid walba aad buu uga duwan yahay kan kale. Xitaa tayadooda way kala duwan tahay.

Xigashada Sawirka, Carlotta

Qaar baa dhowr madax leh, oo isdul saar saaran. Mararka qaarna kor iyo hoos ayey u kala jeedaan. Xitaa mid ka mid ah sawirradaas, waxay leedahay saddex indhood. Mid kalena waxay leedahay lix indhood.
Haddii ay muraayadda isku eegto, Carlotta waxay isleedahay, "Haweeneyda isoo eegeysa waxay xidhan tahay dharkeyga hurdada, waxayna ku dhex jirtaa qolkeyga, sidaas darteed waa aniga."
Waxay sidoo kale garan kartaa timaheeda. Laakiin dhibaatada waxay ka taagan tahay waxa ka hooseeya timahaas, waana arrin ilaa hadda lala yaaban yahay.

Carlotta waxay xaaladdan dareentay iyadoo gabadh yar ah, oo markaas ku sugneyd magaalada Munich, 1960-meeyadii. Markii ugu horreysay cidna ma aysan garanin arrinta heysata.
Iyada lafteeda waxay u maleyneysay in sidaas ay caadi tahay, qof kasta uu sideeda oo kale yahay.
"Markii aan suuqa aadno, ama dhakhtarka, waxaan la kulmi jirnay dad ay hooyadey si fiican isu yaqaanneen, laakiin anigu waxba kama ogeyn cidda ay yihiin," ayey tidhi.
"Waxaan la yaabi jiray sida ay hooyadey ku garan jirtay dadka wajiyadooda. Waxaan u maleyn jiray inay tahay mucjiso iyada kaliya la siiyay, oo ah inay garan karto wajiyada dadka."
Inta badan Carlotta waxay hooyadeed ku sugi jirtay dukaamada bannaankooda, marka dambena waxay raaci jirtay qof aan hooyadeed ahayn, iyadoo garan jirtay oo kaliya inay qof khaldan la socoto marka uu waddo aan xaafaddeeda tageynin ka baxo ruuxaas.
Waligeed uma aysan sheegin hooyadeed waxa ay ku jirto. "Waxaan u maleyn jiray inaananiga khaldanahay , oo ah inaanan si fiican wax diiradda u saarin marka aan eegayo."
Waxay billowday inay dadka ku aqoonsato dharka ay xidhan yihiin, haddii ay okiyaale wataan, qaabka ay u socdaan iyo codadkooda.
Laakiin markii ay Carlotta billowday iskuulka ayey ogaatay in waxa haya uu yahay cudur iyada kaligeed ku eg.
"Waxay runtii igu noqotay arrin aad u adag. Sirtii ahayd in hooyadey kaligeed ay awood u leedahay garashada wajiyada dadka ayaan ogaaday in carruurta kalena ay leeyihiin," ayey tidhi.
Xitaa marka ay sidaas fahantay kaddib, waxba uma aysan sheegin waalidiinteeda. Waxay iska dhaadhicisay in garashada wajiyada dadka ay tahay xirfad uu qofka baran karo, maalin maalmaha kamid ahna ay la qabsan doonto.

Xigashada Sawirka, CORSO Film
Iskuulka waxay kula kulantay dhibaato aad u weyn. Dadka oo dhan ma aysan kala saari karin Carlotta, waxay u ahayd sidii inuu hal ruux yahay oo kale.
Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa loo diray qolka macallimiinta, si ay wax uga soo qaaddo macallin.
Waan garaacay qolkii ay ku jireen macallimiinta. Nin ayaa taagnaa halkaas, waxaana ku idhi, "Waxaan raadinayaa Mr Schultz.'
Ilaa saddex jeer ayaan ku celiyay kalmaddaas, sababtoo ah wuxuu u maleynayay inaan magaca khaldayo, markii dambena aad buu u cadhooday. Wuxuu yidhi, 'Waa aniga Mr Schultz!', wuxuu ahaa macallinkii fasalkeyga maamulayay, laakiin ma aqoonsan karin wajigiisa."
Waxay isku dayi jirtay inay macallimiinteeda ku aqoonsato waxyaabaha ay gaarka u leeyihiin, sida gadhka, noocyada kabaha iyo okiyaalaha. Waxay sidoo kale fahantay sida ay u kala dabeecad kulul yihiin.
Waxaa mararka qaar lagu canaanan jiray inay fasalkeeda ku khaldi jirtay fasallada kale, maadaama ay subixii la istaageysay arkay aan ahayn kuwii ay isku fasalka ahaayeen.

Xigashada Sawirka, Corso Film
Maamulka Iskuulka waxay u maleeyeen in Carlotta ay dhib dhinaca maskaxda ah ku qabto wax barashada, waalidkeeda ayeyna u direen warqad ay ugu sheegayaan inay gabadhooda geystaan iskuullada wax lagu baro ardayda baahiyaha gaarka ah leh.
Laakiin waalidkeeda waxba kama soo qaadin warqaddaas, maadaama ay ogaayeen in gabadhoodu aysan waxba qabin.
Mar walba waxay Carlotta isku dayi jirtay inay iskuulka kaddib guriga wax ku akhrisato, si ay u fahanto xaaladaha dabiiciga ah ee bani'aadanka.

Xigashada Sawirka, Carlotta

Markii ay 17 jir uga baxday iskuulka, waxay raadsatay shaqo aysan dad badan xidhiidh kula sameyneynin. Waxay ku biirtay xarun lagu xannaaneeyo fardaha.
Markii ay dhowr iyo 20 jir ahayd ayey u rumowday riyadeedii ahayd inay ka go'do dadka, goonina meel u dagto kaligeed. Waxay iibsatay doon, waxayna u safartay xeebaha Australia, halkaas oo ay muddo sanad ah ku nooleyd.
Waqtigaas waxay akhrisaneysay buugaag, cuntadeedana waxay ka heleysa kalluunka ay soo dabato.
Dadka qaba cudurka prosopagnosia waxay inta badan ku dadaalaan inay bulshada ka dhex baxaan.
Markii ay da'deeda gaadhay 40 sano ayey ogaatay in waxa ay qabto uu yahay xanuun magac leh.

Xigashada Sawirka, CORSO Film
Ugu horreyn way ku faraxday inay ogaato waxa dhibka ku hayay, laakiin haddana way cadhootay.
"Waxaan ka xanaaqay sababta qof ka mid ah dadkii aan lasoo noolaa iyo kuwii aan lasoo kulmayba ay u fahmi waayeen dhibka aan marayay, iyo inuusan jirin qof ii sheegay inaan xanuunsanahay."
Xiiliga ay arrinta ogaaneysay, Carlotta waalidiinteeda, oo ahaa kuwo soo korsaday, way dhinteen labaduba.
"Waxaan jeclaan lahaa inaan la wadaago cilmigan iyaga, waxaana sidoo kale rabi lahaa inay ii sharraxaan sababtii aan dhibkaasoo dhan ugu soo maray iskuulka," ayey tidhi.

Xigashada Sawirka, CORSO Film
Hadda oo ay haweeneydan meel iska dhigtay cadhadeeda, waxay sameysatay hab nolleed oo ka duwan sidii hore.
"Way qurux badan tahay. Waxaan dareemayaa sidii inay nolosha hadda ii billaabatay, waxaana dareemayaa farxad," ayey tidhi.
Waxay waqti hore iska joojisay shaqada, waqtigeeda oo dhanna hadda waxay ku bixisaa inay si joogto ah wax u sawirto, iyadoo raadineysa wajigeeda.
"Farshaxankeygu muhiimad gaar ah ayuu ii leeyahay," ayey tidhi. "Ma iska joojin karo inaan wax sawiro, waxaana iska jeclahay inaan mar walba wajigeyga sawirto."
"Ujeeddadeyda kaliya ee aan hadda nolosha ka leeyahay waa sidii aan wajigeyga ku heli lahaa."












