Hogaamiyaha mucaaradka Ruushka ee "la sumeeyay" oo xaaladiisa laga deyrinayo

Published

Afhayeen u hadlay hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Ruushka, Alexei Navalny ayaa sheegtay in uu miir daboolmay kadib markii la geeyay isbitaal, gaar ahaan qeybta xaaladaha degdega.

Mr Navalny oo madax ka ahaa olole looga soo horjeedo musuqmaasuqa la sheegay in ay ku kacdo dowladda Ruushka ayaa xanuunsaday xilli uu saarnaa diyaarad, waxaana si degdeg ah diyaaradda loogu dejiyay magaalada Omsk ee dalka Ruushka, halkaas oo dhakhaatiirta caafimmaadka ay sheegeen in uu galay kooma, ayna ku dedaalayaan sidii loo badbaadin lahaa noolashiisa.

Koox la shaqeysa isaga waxay sheegeen inay tuhmayaan in shaah uu ka cabay maqaaxi ku taalo garoonka wax loogu daray. Ilaa iyo hadda se ma jirta cid kale oo ka hadashay waxa ku dhacay Navalny.

"Waxaan u maleynaynaa in la sumeeyay islamarkana shaah wax loogu daray," ayay tiri Ms Yarmysh oo ah afhayeen u hadashay hey'adda uu la shaqeynayay Navalny.

Waxaa kale oo ay intaa raacisay in Mr Navalny uu doonayay in uu dib ugu soo laabto magaalada caasimadda ee Moscow, wuxuuna kasoo safray isla magaalada hadda uu ku xanuunsan yahay.

Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo dalka Ruushka oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay "inay caafimmaad u rajeynayaan" hogaamiyaha xanuunsanaya.

Mr Navalny ayaa ah nin si weyn u dhaliila madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin oo in muddo soo maamulayay dalkaas, isagoona soo qabtay xilal kala duwan.

Mr Navalny, oo 44 sano jir ah ayaa muddo sanado ah waxaa uu laf dhuun gashay ku ahaa madaxweyne Putin. Bishii Juun, isbadel lagu sameeyay dastuurka dalkaas ayuu ku tilmaamay "afgembi iyo xadgudub ka dhan ah" dastuurka.

Isbadelka lagu sameeyay dastuurka Ruushka ayaa madaxweynaha dalkaas, Mr Putin u oggolaanaya in uu xafiiska sii joogo kadib marka uu dhammaado muddo xileedkiisa.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Dominic Raab oo ka hadlay xaaladda Navalny ayaa sheegay "in uu aad uga walaacsan yahay" xaaladdiisa iyo in la sumeeyay.

Mr Alexei Navalny oo ah hogaamiyaha mucaaradka ee Ruushka oo ah dal uu xifaaltan badan kala dhaxeeyo dalalka reer galbeedka ayaa xabsiga la dhigay dhowr jeer, walow markii dambe lasii daayay.

Inkastoo dadka wax fallanqeeya ay ku tilmaaman hogaamiye ay ka awood badan tahay dowladda uu dhaliilo, haddana waxaa marar badan uu hogaamiyay dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo xukuumadda Moscow, waxaase aan la ogeyn waxa ay xaaladiisa ku dambeyn doonta.