You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xanaaq ka dhashay 10 sano jir kufsi uur ku qaaday oo magaceeda la shaaciyay
Waxay cadho badan ka taagan tahay dalka Brazil ka dib markii xogta gaarka ah ee gabadh 10 sano jir ah la shaaciyay. Gabadhaas waxay dhibbane u ahayd kufsi loo geystay.
Magaceeda ayaa lagu baahiyay baraha bulshada. Waxaa arrintaa sameeyay qof u ololeeya in ilmaha uurka ka jira aan la soo xaaqin. Ujeedaduna waxay ahayd in gabadhaa yar laga hor istaago in ay ilmaha iska soo tuurto.
Ka dib xogtaa lagu baahiyay baraha Bulshada, waxaa isu soo baxay dad ka soo horjeeda ilma-iska soo xaaqidda oo isugu tagay Isbitaalka ilmaha looga soo tuurayay gabadha.
Inantan yar ayaa uurka qaaday ka dib markii la kufsaday. Booliska waxay Arbacadii qabteen ninka looga shakisan yahay in uu kufsaday gabadhaa yar.
Kiiska wuxuu sababay xanaaq iyo cadho ku baahday Brazil, ka dibna Garsoore maxkamadeed ayaa amray in Facebook, Google iyo Twitter ay tiraan macluumaadka gabadhaa yar ee 10 sano jirka ah.
Garsoore, Samuel Miranda Gonçalves Soares, wuxuu go'aamiyay in shirkadahaas ay haystaan 24 saacadood oo xogtaa ay uga saaraan barahooda bulshada, haddii kale "waxay wajihi doonaan ganaax gaaraya $9,000 oo dollar maalintiiba."
Warar kale oo xiiso leh:
Brazil waxaa leedahay xeerar adag oo diidaya in ilmaha uurka ku jira la soo tuuro, balse marka kufsi lagu qaado waala ogolyahay, gaar ahaan marka nolosha hooyada ay halis ku jirto - Waa xilliga ay jirto xaalad dhif ah oo ka hortageysa korriimada maskaxda iyo jirka.
In kastoo gabadha loo fasaxay in ay ilmaha iska soo tuurto, haddana dadka arrintaa ka soo horjeeda waxay isku deyeen in ay is hor-taagaan in isbitaalka uu qabto shaqadaas, waxayna isu soo bax qeylo iyo buuq badan ku qabteen isbitaalka hortiisa.
Waxay ku qeylinayeen shaqaalaha isbitaalka oo ay ku tilmaameen "dilayaal", waxayna mar isku deyeen in ay gudaha u galaan, balse waxaa kala eryay Ciidanka amniga.
Gabadha waxaa si qarsoodi ah lagu geliyay isbitaalka, waxaana lagu qariyay buut-ka gaari yar, waxaa Isbitaalka laga geliyay albaab qarsoodi ah, sida laga soo xigtay dadka u ololeeya ilmo iska soo xaaqidda.
Arrimaha BBC ee Koofurta Amerika, Katy Watson, waxay sheegtay in ay u muuqato in xogta gaarka ah ee gabadha ay markii hore baahisay haweeneyda xagjirka ah ee midigta fog, Sara Giromini, taa oo lagu naaneyso magaca caanka ah ee Sara Winter.
Weli macadda in Sara Giromini lagu oogi doono dacwad la xiriirta in magaca gabadha ay shaacisay, balse khubarada sharciga ayaa BBC Brazil u sheegay in ay suuragal tahay in haweeneydan ay wajahdo dacwad la xiriirta kicin ay ka dhalatay qalalaaso.
Ms Giromini waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha urur lagu magacaabo Dhaqdhaqaaqa "Os 300 do Brasil", kaas oo ah xagjir u janjeera dhanka midigta fog oo taageera Madaxweyne Jair Bolsonaro.
Waxaa si kooban loo xiray bishii June ka dib markii ay bilowday "dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah Dimuquraadiyadda" oo ka dhacay magaalada Brasilia, halkaas oo ay ku hoggaamisay dad ku dibadbaxay Maxkamadda Sare.