Dhakhtar soomaaliyeed oo yiri "Aniga ayaa diyaar u ah in laga faa'ideysto xubnaheyga marka aan dhinto kaddib"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maanta oo kale waxaa caalamka waxaa laga xusaa maalinta isugu deeqidda xubnaha jirka bani'aadanka si dadka bukaanka ah ee u baahan ay u helaan uguna badbaadaan.
Soomaaliya waxay kamid tahay meelaha uu hooseeyo wacyiga ku aaddan arrinkaasi, sida ay sheegeen xarumaha caafimaadka, maadaama aysan dalka ka jirin khibradda iyo qalabka lagu fulinayo qalliinnada noocaasi ah.
Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadan waa asaasaha gaadiidka gurmadka degdeg ah ee Amin Ambulance ayaa sheegay inay wadaan olole ku aaddan isugu deeqidda xubnaha jirka, qudhiisana uu diyaar u yahay in marka uu dhinto xubnihiisa loo saaro dadka u baahan.
"Waxaan doorbiday in aan anigu bilaabo oo aan anigu u hadiyadeeyo xubnaheyga marka aan dhinto kaddib, aniga ayaa diyaar u ah in laga faa'ideysto xubnaheyga marka aan dhinto kaddib"
Dr Cabdiqaadir wuxuu sheegay in uu la kulmay dad soomaaliyeed uu dhimanaya caafimaad darro ku timid xubnaha jirkooda isla markaana arrintaas wax laga qaban karo.
"Waxaan ka shaqeeyaa badbaada dadka marka maalin kasta waxaan la kulanaa dad soomaaliyeed oo u dhimanaya caafimaad darro ku timid xubnihiisa shaqada ugu badan qabta sida kalyaha, beerka, wadnaha, sanbabada, waxaan u arkayay in wax laga qaban karo"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wacyiga soomaalida ee isugu deeqidda xubnaha jirka bani'aadanka
Soomaalida inta badan waxay isugu deeqdaa dhiigga balse intooda kuma baraarugsano isu deeqidda xubnaha jirka, waa sida uu qabo Dhaqtar Cabdiqaadir.
"Runtii wacyigaas hadda Soomaaliya kama jiro, qof ku baraarugsan ma jiro, aqoonta iyo qalabkiina ma jiro adduunka oo dhana waa laga xusaa maalinka isugu deeqidda xubnaha jirka 13-ka bisha Agosto laakiin Soomaaliya kama jiro"
Wuxuu sheegay in dadka dhinta ee la aaso ee xubnaha jirkooda caafimaadka qabo looga faa'ideyn karo kuwo xubnahooda caafimaad darro darteeda shaqada u gabay.
"Waxaa laga yaabaa boqolaal kun oo qof in sanadkii u dhimaneyso keli ka xumaatay ama wadno ka xumaaday ama beer ka xumaaday ama sanbab ka halaabay laakiin dad sanbabkoodii beerkoodii keliyahoodii caafimaad qabaan lala aasayo laakiin looga faa'ideyn karay qofka kale laga yaabo in uu maalmo iyo sanado ku noolaan kari lahaa"
Cabdiqaadir wuxuu rumeysan yahay in haddii sare loo qaado wacyigelinta ku aadan isugu deeqidda xubnaha jirka bani'aadanka in dad badan ay isa soo bixin doonaan.
"Laakin waxaan hubaa haddii wacyigelinta lasii wado..inay dhici doonto dad badan oo diyaar u ah in la helo ayaan ku rajowenahay"













