You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Halyeeyada la hilmaamay ee aanay jirin cid ka hadashay
Subax ka mid ah bishii Juun, Deep Chand ayaa waxaa uu la kulmay qof ka tirsan qoyskiisa oo taagan banaanka kore ee qeybta la seexiyo dadka qaba xanuunka Covid-19 ee isbitaal ku yaalla magaalada Delhi ee dalkaasi Hindiya.
Ninka aad ayuu ugu baahnaa in uu la hadlo dhaqtar ama kalkaaliye si uu u ogaado xaaladda qof ay ehelo ahaayeen oo ku jiray qeybta dadka xanuunka Covid-19.
Balse maalin aad u adag ayay u ahayd dhakhaatiirta, oo waxaa geeriyooday bukaanada qaar halka qaar kalana ay ku jireeen xaalad adag, bukaano cusub-na waa la keenayey.
Marka sidaa darteed Deep Chand oo caawiye ka ahaa qeybtaasi ayaa soo aaday dhinaca ninka, waxaa uuna weydiiyay haddii uu caawin karo.
Nin kaasi waxa uu ahaa aniga, waxaanan isku dayayey in aan ogaado sida ay tahay xaaladda seedigeey . Muddo seddex maalmood ah ayaa laga joogay markii lagu xiray qalabka xaaladda deg dega ah ee caawiya neefsashada.
Sida caadiga ah dhaqaatiirta maalin walba ayay ina soo wacayeen si ay noogu sheegaan wixii soo kordhay, balse maalintaasi ma jirin qof u muuqda in uu arintaasi waqti u heli karay.
Markii Deep Chand uu ii yimid waxaan u maleeyay in uu dhakhtar yahay sababtoo ah waxaa uu xirnaa qalabka difaaca shaqsiga ee loo yaqaano PPE waxaana weydiiyey su' aalo dhawr ah.
"Aniga waxaan ahay ilaalada caawiyaha qeybtan kugumana caawin karo inaan kaaga jawaabo su'aalahaaga," ayuu yiri.
Waxaan ahaa qof aad u walwalsan oo xitaa careysan, balse waxaa uu iigu jawaabay cod dabacsan oo aan dhibsi ku jirin.
Waxaa uu ii sheegay in qalabka neefsashada ee seedigey uu heer fiican marayo, oo uusan xaalad adag gelin tobankii saac ee ugu danbeeyey.
Sidaasi ayay ahayd qaabkii aan kula kulmay Deep Chand oo 28 sanno jir ah. Wiilasha gacanyaraha ah, waa dadka ugu hooseeya marka laga hadlayo dadka ka shaqeeya isbitaalada. Ma lahan tababar caafimaad shaqadooduna waa in ay caawiyaan dhaqaatiirta, kal kaaliyeyaasha iyo xitaa bukaanada.
Waxaana shaqadooda ka mid ah iney sheybaarka geeyaan muunadaha, iney baaskiilada ku qaadaan dadka loo diro raajada, iney cuntada u geeyaan bukaanada xanuunsan ee isbitaalka jiifa iyo maraka qaar in ay la hadlaan dadka xanuunsan. Inkastoo ay jiraan dhibaatooyinka fayraska corona wiilasha waxaa ay noqdeen cawiyeyaal aan dhankasta looga maarmin.
Waligeey ma ilaabayo caawimaadii Deep Chand sababtoo ah waxay ahayd wax aan aad ugu baahnaa in aan maqlo anigoo saacado badan afaafka xarunta caafimaadka la taagnaa walwal iyo cabsi. Waxaan maqli karayey shanqarta mashiinada, iyo dhawaqa bukaannada xanuunsan iyo sidoo kale doodda dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha oo qalab is dhaafnaya.
Waxaan sidoo kale xasuustaa bukaan oranaya "Ma neefsan karayo, fadlan I bad-baadi"
Erayadii Deep Chand ayaa baabi'iyey cabsideeydii oo waxaan markiiba ku cararay dhanka baakinada baabuurta si aan u war galiyo qoyskeega, innaga oo aan xasiloonayn ayaa wada dhoola cadeynay oo waliba meel kala fog kala taagan.
Tani waa qaybtii ugu darnayd sababtoo ah ma aanan awoodin inaan is marxabeeyno oo aan is gacan qaadno inagoo u baahan inaan isugu nafisno oo niyadda u dhisano.
Xitaa maalinkii uu dhaqtarka inoo sheegay "12 ka saacadood ee xiga xaaladu wey adagtahay" Dhammaanteen si xun ayaan u niyad jabnay balse qofkasta gees ayuu u dhacay.
Maalmii xigay, xilliyada ay dhakhaatiirtu mashquulsanyihiin waxaan inta badan ku tiirsaneen Deep Chand iyo saaxibadiisii la shaqeynayey.
Waxaan saacado badan oo walwal xambaarsan joognay guriga halka saacadaha kalana aanu ku sugnayn isbitaalka si aanu war uga helno qeybta uu ku jiray seedigey.
Aad ayay xaaladdu u adkayd labadii todobaad ee ugu horeysay ee bishii Juun xaaladda oo tirada kiisaska covid-19 ayaa aad u korortay. Inta badan isbitaaladana aad ayay u buux-dhaafeen xitaa isbitaalkii uu ku jiray seedigeey.
Marka ay dhakhaatiirta ku cel-celiyaan "Waxkasta way dhici karaan", Maskaxdaada mugdi ayay galeeysaa oo shaki badan ayaa kuugu abuurmaya.
Waxay ahayd mid ka mid xilliyadii igu adkaa nolosheeyda balse naxariista Deep Chand iyo erayadiisii deganaanta ku dheehnayd gaar ahaan marka ay ii suuro geliweyso inaan la hadlo dhakhaatiirta.
Haatan oo bil laga joogo xilligaasi ayaan khadka talefoonka kula xiriiray Deep Chand waxaa uuna ii sheegay in weli uu caawinayo qoysaska dhibaateysan.
Maalinkasta, wiilasha caawiyayaasha waxay naftooda khatar u geliyaan caawinta dadka ku sugan isbitaalka oo boqolaal ka mid ah uu ku dhacay fayraska corona.