Maraykanka: Dacwad lagu oogay "basaasiin" Shiine ah oo xaday cilmi-baadhis Covid-19 ah

Published

Wasaaradda caddaaladda Maraykanka ayaa ku eedaysay Shiinaha inuu abaabulo dad jabsada kombuyuutarrada oo beegsaday shaybaadhada cilmi baadhiska ku wada talaallada Covid-19.

Saraakiishu waxay dacwad ku soo oogeen laba nin oo Shiine ah oo lagu eedeeyey in ay basaasayeen shirkado Maraykan ah oo waday cilmi-baadhis ku saabsan fayraska korona isla markaana ay taageero ka helayeen sirdoonka dalkaas oo xataa ay xogo kale xadeen.

Dacwadda raggan lagu soo oogay waxay soo baxday iyada oo Maraykanku dabogal ku hayo basaasiinta internet-ka ee Shiinaha.

Ingiriiska, Maraykanka iyo Canada ayaa sidoo kale todobaadkii hore Ruushka ku eedeeyey isku day xatooyo xogo cilmi-baadhiseed oo ku saabsan Covid-19.

Dacwaddan lagu soo oogay ardaydaa hore u baranayey cilmiga Electrical Engineering-ka oo la kala yidhaa Li Xiaoyu iyo Dong Jiazhi oo la shaaciyey Salaasadii ayaa waxa ka mid ah xatooyo sir ganacsi.

Waa maxay dacwadaha lagu soo oogay?

Xeer ilaalintu waxay sheegtay in labada nin ay basaaseen shirkad ku taal Massachusetts oo ka shaqaysa tiknoolajiyada dawooyinka bishii Jeeniweri, shirkadaas oo la ogaa in ay waday cilmi-baadhis ah in dawo loo helo Covid-19. Waxay sidoo kale oo xadeen xog ay lahayd shirkad kale oo ku taal gobolka Maryland todobaad uun ka dib markii ay sheegtay in ay cilmi-baadhis ku wado Covid-19.

Saraakiishu waxay raggaa ku tilmaameen qawlaysato madax banaan oo mararka qaarkood taageero ka helayey saraakiisha mukhaabaraadka Shiinaha oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan wasaaradda nabad sugidda Shiinaha.

Waxay hore u xadeen bilowgii sannadkii 2009 sir ganacsi oo "boqolaal milyan oo doolar qiimaheedu yahay, xog hal-abuur iyo xogo kale oo ganacsi oo muhiim ah" ayey sheegtay xeer ilaalintu.

Dacwaddan oo lagu soo bandhigay gobolka Washington ayaa tibaaxday in labada nin oo haatan degan Shiinaha, in ay dhawaan "isku dayeen in ay helaan goldaloolooyinka shabakadaha shirkadaha tiknoolajiyada dawooyinka iyo shirkadaha kale ee dawladda ee la ogyahay in ay ku hawlan yihiin tiknoolajiyada talaalka, dawooyinka iyo baadhitaanka Covid-19".

Dalalka kale ee shirkadahooda la beegsaday waxa ka mid ah Australia, Belgium, Germany, Japan, Lithuania, Netherlands, Spain, Sweden iyo UK.

Sida dacwadda lagu soo oogay ragaasi tibaaxayso, waxa kale oo raggaa u suurto gashay in ay u dhacaan shirkad Ingiriis ah oo ka shaqaysa garaadka-dad-sameega ah, shirkad qandaraasyada gaashaan dhigga ka shaqaysa iyo shirkad Australia laga leeyahay oo ka shaqaysa tamarta qorraxda.

Maxaa Shiinaha loogu eedeeyey inuu taageerayo?

Xeer ilaalintu waxay sheegtay in raggaasi ay mararka qaarkood keligood falalkaas iyaga oo dano shakhsi ah ka leh ku kacayeen, waxaana ka mid ahayd dhacdo ay shirkad baad kaga qaadeen xog gaara oo ay ka hayeen oo ay ku handadeen in ay faafin doonaan haddaan baad la siin. Laakiin marar kalena "waxay xogo dano gaara laga leeyahay u xadeen" dawladda Shiinaha.

Sida la sheegay waxay xadeen xog milatari waxaanay dawladda Shiinaha siiyeen furayaasha sirta ah ee bogagga baraha bulshada qof u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda oo Hong Kong jooga horena uga qayb galay mudaharaadkii fagaaraha Tiananmen.

Saraakiisha Shiinuhu ilaa haatan kama ay hadal eedayntan u dambaysay, laakiin hore way u beeniyeen eedaha ah xatooyada xogta hal abuurka.