Abiy Ahmed: 'Aan ka wada hortagno dadka dhiigga shacabka ka ganacsada'

Xigashada Sawirka, PM Office
Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa shacabka dalka Itoobiya ugu baaqay inay si wadajir ah uga hortagaan dadka shaqada ka dhigtay dhiigga shacabka masaakiinta ah iney dalka Itoobiya ku daadiyaan.
Dr Abiy Axmed ayaa warmurtiyeed qoraal ah uu la wadaagay warbaahinta dalka Itoobiya ku sheegay in dowladda waajibkeeda si ay u gudato loo baahan yahay shacabku inay dowladdu ku garab istaagaan dadaallada ay waddo.
"Haddii aan dooneyno inaan dalkeenna gaarsiinno horumarka aan rabno inaan tiigsanno waxaa loo baahan yahay inaan iska tuurno isla-markaana ka xorowno dhaqankii noocaasi ahaa ee marweliba dhibaatada noo horseeda", ayuu yiri Aby Axmed

Xigashada Sawirka, PM Office
Digniinaha horay uuu jeeday Abiy Axmed
Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Axmed wuxuu sheegay rabshadihi dhawaan Itoobiya ka dhacay dalka Itoobiya inay soo maleegeen waxa uu ku sheegay cadowga dalka Itoobiya iney laamaha ammaanka Federaalka iyo Deegaanka Oromada aysoo afjareen.
"Shaqsiyaadkii dilka iney geteen looga shakiyey waa la hayaa waxaana dilkaasi lugu ku leh shaqsiyaad qaab dhismeedka dowliga ku jira" ayuu yiri.
"Aragtiyada naceybka xambaarsan ee ku saleysan qowmiyad ama siyaasad dalka Itoobiya wixi hadda ka dambeeya boos ugama bannaana, xoogagga doonayey iney dalka Itoobiya dhiig ku daadiyaanna waxaan u sheegayaa iney riyadoodaasi marnaba rumoobeynin" ayuu yiri.
"Xoogagga magac qabiil ama siyaasad ku soo gabbanaya ee aan aan dagaal waxa uu yahay oo doonaya iney dagaal magaalo waxa uu yahay ay na baraan waxaan ku qasbanahay inaan tusno dagaal magaalo waxa uu yahay iyo sida guusha looga gaaro, xoogagga doonaya iney facebooka ka riyoodaanna waxaan u sheegeynaa iney marnaba riyadoodaasi u rumoobeyn."
Hadalka uu warbaahinta dalka Itoobiya uu ka jeediyey Dr Abiy Axmed ayaa u muuqday mid ka kulul kuwii horay looga bartay.

Xigashada Sawirka, PM Office
Xaaladda ugu dambeysay ee dalka Itoobiya
Afhayeenka xafiiska ra'isal wasaaraha Itoobiya Billane Siyuum oo shir jaraa'id qabatay waxay sheegtay in adeegga Interneetka toddobaadka soo socda la sii deyn doono maadaamaa ay xaaladda dalka ka soo reyneyso.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya wuxuu sheegay in seddex talefishin oo gaar loo leeyahay xafiisyada ay Addis Ababa ku lahaayeen la xiray, telefishiinnadaasi oo kala ah: Asrat TV, Dimse-Wayane TV iyo OMN TV.
Duqa magaalada Addis Ababa Injiner Takale Umma wuxuu isna sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan loo dul qaadan doonin dadka caadeysata tallaabba kasta oo xasiloonida iyo nabadda dalka wax u dhimeyso.
Hay'adda u doodad xuquuqda wariyeyaasha ee CPJ waxay dowladda Itoobiya ugu baaqday in adeegga Internetka fasaxdo wariyeyaasha ay xabsiga u taxaabtayna ay sii deyso.
Labadi maalmood ee ugu dambeeyey inkasta oo ay xaaladda dalka Itoobiya degganeyd haddana, ciidamo hubeysan oo aad u tira badan ayaa laga howl geliyey maagaalooyinka waaweyn ee deeganka Oromada.
Magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Oromadana waxaa lagu soo rogay bandow iyada oo shacabka lagu wargeliyey iney guriyahooda ka soo bixin.
Magaalada Addis Ababana waxay wararku sheegayaan in rabshadihi maalmihi u dambeeyey ka dhacay magaaladaasi laga dareemayo oo ay waddooyinka waaweyn ee magaalada ay hawanayaan socodka dadka iyo gaadiidkana uu ku yar yahay.

Xigashada Sawirka, BBC AMHARIC
Dowladda Itoobiya waxay sheegtay iney xirtay 35 xubnood oo rabshadaha waddankasi ka socda lala xiriiriyey oo ay ka mid yihiin Jawhar Maxamed iyo Baqale Garbaa.
Qoyska siyaasiyiinta xiran oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen inuu Jawar Maxamed uu diidday cuntada ay dowladda siiso, halka ay dowladduna diidday in Jawar cunto dibadda looga keeno.
Tirada rasmiga ah ee dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay rabshadihi dalka Itoobiya ka dhacay waxaa la sheegay iney ku dhinteen dad ka badan 80 qof, waloow ay jirin cid xaqiijin karta tirada rasmiga ah ee dhimashada ama dhaawaca maadaamaa interneetka iyo isgaarsiinta dalkaasi ay go'an tahay.
Wararka kale ee Itoobiya la xidhiidha:
- Waa kuma Jawar Maxamed, ninka ay hadda kala boodeen Abiy Axmed
- Wariyeyaal shaqada looga eryay sawir ay ku weerareen Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo xaaskiisa
- Abiy Axmed: Ma jirto awood hor istaagi karto biyo-xireenka Itoobiya
- Muxuu damacsan yahay Jawar Maxamed, ninka ay kala boodeen Abiy Axmed?
- Gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo Wasiir ka noqotay dowladda Abiy Axmed
- Dr Abiy: ciddi ka dambeysay rabshadihi dhacay tallaabbo adag ayaan ka qaadeynaa












