You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ruushka: Wabiyo biyahooda ay casaan isu baddeleen
Saliidda aadka u badan ee ku daadatay deegaanno ku yaalla Arctic ayaa la sheegay iney deegaanka u geysatay waxyeello aan la saadaalin karin.
Saliiddaasi waxay si gaar ah saameyn ugu geysataa wabiyadaa halkaasi ku yaalla. Mas'uuliyiinta Ruushka iyo wakaaladaha caalamiga ee arrimaha deegaanka ka shaqeeya waxay sheegeen saameynta saliidda ka dhalatay ee sanadaha badan wax ka qabashadeeda lagu guul darreystay.
Adeegga howlaha gurmadka Ruushka ayaa haatan wado dadaallo ay wax kaga qabanayaan saameynta deegaanka ee ka dhalatay salidida iyo wasakhda deegaanka lagu sii daayo.
Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Ruushka, mustaqbalka dhismaha iyo qiimeynta Putin dhammaantood way saameyn karaan - laakiin sidee?
Qiimeyn uu madaxweyne Putin sameeyey ayuu ku sheegay isbeddelladaasi cimilada iney saameyn u geysanayaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo dhismaha mustaqbalka. Balse siduu u saameynayaa?
Musiibada deegaanka
29-kii May waxaa qaraxday haan saliidda lagu keydiyo oo ku taalla gobolka Krasnoyarsk ee dalka Ruushka, ee deegaanka Siberia, taasoo keentay 20,000 oo tan oo saliid ah iney wabiyadu ku dhacaan.
Saliidda haanta ka qaraxday haanta oo waddooyinka oo dhan durduray ayaa saacada gudahood ku galay wabiyada Daldykan iyo Ambarnaya wabiyadina waxay biyahooda ku shubeen badda.
Wabiyada casaanka iisu beddelay
Mashruuca Korontada laga dhaliya ee ku yaalla Norilsk ee ku yaalla Siberia, waxay dabka siiyaan gooba ay warshada badan ku yaalliin oo laga soo saaro Macdanta.
Waxaana warshaddaasi macdanta laga soo saaro saami aad u weyn ku leh ninka Ruushka ugu taajirsan Vladmir Potanin iyo maalqabeenka Ruushka ee Oleg Deripask.
Warbaahinta dowladda Rusushka waxay sheegtay saliidda wabiyada ku daatay waxay sheegeen iney gaareen 350 kiilo mitir isku wareeg ah.
Putin muxuu uga carooday?
Maamulka xaruuntaasi korontada laga dhaliyo waxay ku dadaali hayaan sidi ay masiibadaasi wax uga qaban lahaayeen.
Iyada oo masiibadaasi dhibaatooyinka ka dhasahay laga suulayo guddiga baaritaanka Ruushka ayaa waxay billaabeen baaritaan la xiriira waxa sababay iney saliiddaasi wabiyada ku fatahdo, Moscow waxay ku baaqday khatarta aadka u weyn ee soo foodsaartay cimilada gobolkaasi in si dedeg ah wax looga qabto.
Maamulaha xaruunta macdanta laga soo saaro Vyacheslav Starostin ayaa xabsiga loo taxaabay iyada oo lagu soo eedeeyey inuu ku xadgudbay qodobka ahaa inu deegaanka ilaaliyo, iyada oo lagu soo oogay dacwad la xidhiidha qodobka ciqaabta dalka Ruushka qodobkiisa 246.
Khatarta ugu weyn ee dhibkan lagala kulmay ayaa wuxuu yahay shaqaalaha gurmadka oo aad ugu dhibban sidi dusha sare oo wabiyada ay saliidda dul sabbeyneyso uga soo uruurin lahaayeen.
Talaadadi waxaa goobta ay masiibadu ka dhacday la geeyey qalab saliiddaasi wabiyada ku shubmay wax looga qabto si loo badbaadiyo saameynta ciidda iyo biyaha ay saliidda u geysan karto.
Qorshaha Deegaanka
Wakaaladda deegaanka Ruushka wuxuu sheegay Rosprirodnadzor waxay sheegtay wasakhda ay biyaha wabiyada u geysatay saliidda iney dhaaftay xaddigi lagu maareyn lahaa.
"Dhacdadan ayaa la aaminsan yahay inuu ahaa kii labaad ee ugu weynaa ee dhacay taariikhda Ruushka casriga ah xaddi ahaan marka la eego" ayuu yiri Alexei Knizhnikov oo ka tirsan sanduuqa ilaalinta duur joogta oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP.
Wasaaradda Deegaanka Ruushka wuxuu sheegay, kheyraadka dabiiciga in sidiisi hore lagu soo celiyo iney qaadaneyso wax ka badan 20 sano.
Dhibaatada Ganacsi
Madaxweyne Putin cambaareyn shacab ayuu la kulmay isku dayga uu ku doonayo inuu wax ka beddeko saamiga qiimaha macdanta Nicekl.
Madaxweyne Putin oo talefishiin ka hadlayey ayaa cara kala dul dhacay maamulaha shirkaddamacdanta Nickel soo saarta, isaga oo sheegay qiimaha saamiga Nickel iney hoos u dhacday 9.5%.
Mulkiilihi hore ee shirkadda Mikhail Prokhorov wuxuu sheegay wadahadallada cususb ee haatan socdo iney si weyn u saameynayaa ganacsiyada dalka Ruushka.
Saamiga shirkadda Norilsk Nickel ayaa sanadkii 2007-da ahaa 7.5 bilyan oo doolar.
Hay'adda arrimaha deegaanka kashaqeysa ee Greenpeace waxay Ra'isal wasaare Mikhail Mishustin wuxuu ugu baaqay dowladda iney diyaariso baaritaan sal ballaadhan oo lagu ogaanayo saameynta warshadaha ay saliidda iyo kiimikaalka ka soo baxa warshadaha.
Khubarada waxay sida oo kale sheegeen waxyeellada deegaanka soo gaartay sidi dib u eegis looga sameyn lahaana in loo howl galo.
Putin iyo Mustaqbalka
Madaxweyne Putin ayaa muujiyey sida ay uga go'an tahay dhibaatada sidi uu wax uga qaban lahaa xilli uu kulan degdeg ah la yeeshay madaxda dalkaasi oo si toos ahna warbaahinta uu uga soo jeedinayey.
"Kharash intee dhan ayaa ku baxaya nadiifinta deegaankan?" ayuu su'aalay mulkiilayaasha gancsiga.
Sumcadda madaxweyne Putin ayaa hoos u sii dhaceyso kaddib marki qiimaha shidaalka uu hoos u dhacay shacbka Ruushkana ay aaminsan yihiin noolasha iney si tartartiib ah u sii adkaaneyso.