You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xaafadda Islii oo laga qaaday xayiraaddii socdaalka
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, oo goor dhaweyd shacabka dalkiisa la hadlay ayaa shaaciyay in laga billaabo maalinta beri ah la qaadi doono xayiraadda gelitaanka iyo ka bixitaanka ee muddada bisha ah saaran xaafadda Islii.
Uhuru ayaa dhanka kale shaaciyay in muddo 30 maalmood ah la kordhiyay bandowga habeenkii saaran dalka oo dhan, balse la yareeyay waqtigiisa oo halkii uu ka bilaabmayay 7-da fiidnimo dib loogu dhigay illaa 9-ka fiidnimo uuna ku egyahay 4-ta aroornimo, halkii uu 5-ta ka ahaa.
Ganacsatada iyo shacabka ku nool Islii ayaa sheegay inay dhibaato badan kala kulmeen xayiraadda oo si weyn u taabatay.
Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe oo 6-dii May shaaciyay xayiraadda ayaa sheegay in Islii ay kamid tahay goobaha uu sida ba'an ugu faafay Fayraska Korona, isla markaana kiisas badan laga helay.
Lama sheegin in hadda uu hoos u dhacay faafidda cudurka ee xaafaddaasi ay Soomaalida ku badan tahay.
In ka badan 2,400 oo kiis oo ah Fayraska Korona ayaa laga diiwaangeliyay Kenya, waxaana la shaaciyay inay cudurka ay u dhinteen 79 qof.