You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Hooyaday waxay u dhimatay naxdintii ay ka qaadday dilkii walaalkay Yuosef
Hooyada dhashay wiilkii toorida wadnaha uu uga dhuftay saaxiibkii ayaa geeritootay.Waxay ahayd 55 sano waxayna geeriyootay saakay, oo ku dhaawaad 14 bilood laga joogo geerida wiilkeeda Yousef Makki oo 17 sano jir ahaa, kaasi oo lagu tooriyeeyay Hale Barns, ee magaalada Manchester.
Gabadheeda Jade Akoum waxay sheegtay '' Dhimashada walaalkay Yuusef waxay ahayd mid aad inooogu xanuun badan balse cadaalad darrada iyo dagaallkii joogtada ahaa ee aan kula jirnay darteed hooyaday markaasi kaddib niyaddeeda ma aysan degin.''
"Aad ayay u niyad jabtay.'' ayay tiri Jade Akoum.
Yuusef waxa uu geeriyooday bishii Maarso ee sannadkii 2019-kii.
Maxkamad ku taalla magaalada Manchester ayuu Molnar oo ah wiilka mindida geliyay Yuusef ka hor sheegay inuu naftiisa difaacayay.
Ms Akoum ayaa sheegtay in xaaladda hooyadeed aysan wanaagsanayn tan iyo sannadkii la soo dhaafay, isbitalkana laba maalmood ka hor loola cararay.
''Waxaa jiray ballamo badan oo been ah oo laga qaaday qoyskeena kuwaasi oo burburiyay rajadii aanu cadaaladda ka lahayn.'' ayay tiri
''Hooyaday waxay ahayd geesiyad, aad ayaana ugu xiisi doonnaa.''
Warbixin ay si wada jir ah usoo saareen qoyska marwo Makki ayay ku sheegeen in xaalad kale oo xanuun badan ay la sooo daristay oo dhammaantood qalbi jab ku ridday.
''Inooma suuragelin inaan la joogno waqtiyadii ugu dambeeyay ee nolosheeda balse haatan waxaan niyadda ku dhisanaynaa in iyada iyo Yuusef isku meel joogaan,'' ayay yirahdeen qoyskeeda.