You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wuxuu maalin kasta ula xiriiri jiray si uu ugu sheego inuu isdilayo
"Waxaan dalbaday inuu iska key dhaafo, waxaan ka codsaday inuu noloshiisa iska raacdo teydana uu ii dhaafo. Waxaan u sheegay inaan isaga dhan ka argagaxsanaa, carruurteydana ay ka argagaxsanaayeen, laakiin waxaasoo dhan waxba kama uusan soo qaadin."
Ku dhawaad 12 bolood, Michael Cook, oo 31 jir ah, wuxuu daba socday saaxiibaddiisii hore kaddib markii ay soo afjartay xiriirkooda.
Maalin kasta wuu lasoo xiriiri jiray - isagoo ugu hanjabaya inuu isdili doono ama ka codsanaya inay cafiso - isagoo waliba og inay ka dalbatay inuu iska dhaafo, nolosheedana ka fogaado.
"Isku darka 4,000 oo email ayuu iisoo diray, in ka badan 300 oo jeerka telefoonka ayuu iga soo wacay, sidoo kalena wuxuu ii soo diray boqollaal farriin qoraaleed.
"Waxaan ku khasbanaaday inaan baddalo nolosheyda oo dhan si aan u xaqiijiyo in carruurteyda iyo anigaba aan uga nabad galno arrintaan. Wali sidaas ayaan ku jiraa, nolosheydana waligeed sideedii hore kuma soo laaban doonto."
Maalintii Isniinta, Mr Cook, oo kasoo jeeda deegaanka Litherland ee magaalada Liverpool, waxaa lagu xukumay 12 isbuuc oo xabsi ah, laakiin waxaa xariggiisa dib loo dhigay muddo hal sano ah kaddib markii uu maxkamadda horteeda ka qirtay inuu galay dambiga ku saabsan daba socoshada khaladka ah ee gabar ay kala tageen.
Waxaa kale oo la siiyay amar muddo shan sano ah soconaya oo looga doonayo inuusan la xiriirin gacalisadiisii hore.
'Hanjabaad joogto ah oo ku saabsan inuu isdilayo'
Haweeneyda dhibbanaha u ah ninkan ayaa soo saartay bayaan ay booliska soo marisay, kaasoo ay ku sharraxeyso waxyaabaha uu ku sameeyay iyo xaaladda uu gaarsiiyay.
"Wuxuu si joogto ah iigu soo diri jiray farriimo uu ku hanjabayo inuu isdili doono , eedeymo uu aniga ii jeedinayo iyo waxyaabo halis ah oo uu igu tilmaamayo. Wuxuu ii eryan jiray sida eey oo kale, maalin kastana dhibaatadiisa ayaa i hor taagnaan jirtay," ayey tiri.
Farriimihiisa wuxuu igu soo gaarsiin jiray siyaaso kala duwan, sida inuu igala soo xiriiro baraha bulshada, inuu telefoon ii soo diro, email ama meel kasta oo uu iga heli karoba."
"Halkaas kuma joojin jirin, wuxuu xitaa farriimo noocaas ah u diri jiray qoskeyga, carruurteyda, saaxiibbadeyda kale iyo dadka aan isla shaqeynaba."
Iyadoo cabsi weyn dareemeysa ayey markii dambe la xiriirtay booliska degmada Merseyside, kuwaasoo durbadiiba billaabay baaritaan.
Xitaa booliska oo xaaladdan soo fara galiyay, Cook wali wuu sii watay dhibaateynta uu ku hayay gabadhaas.
"Isaga mar walba way la fiicnaayeen waxyaabaha uu igula dhaqmi jiray, maadaama 'uu i jeclaa' sida ka muuqatay, taasna uu marmarsiiyo uga dhiganayay sababta uu iila soo xiriirayo".
Dowladda ayaa sharci u sameysay si wax looga qabto ragga dhaqamadaasoo kale sameeya.
Boolsika ayaa sheegay inay sidoo kale la kulmeen dhowr dhacdo oo noocaas ah, intii lagu guda jiray xayiradda uu sababay coronavirus.
"Xayiraadda micnaheedu ma aha in dadka la cabiidiyo," ayuu yiri Jan Berry, oo ah la taliye dhinaca istiraatiijiyadda ah.
Qof walba oo u maleeya ama dareemaya in sida haweeneydan oo kale loo dhibaateynayo, waxaa lagu dhiirrigaliyay inuu booliska wargaliyo ama uu la xiriiro lambarrada loogu talagalay caawinta dadkaas ee kala ah 0808 802 0300.