Maxaa ka socda sheybaarka qarsoodiga ah ee milatariga UK?

Published

Sheybaarka qarsoodiga ee milatariga UK ayaa dadaal ugu jira sidii uu xal ugu heli lahaa dhibaatada xanuunka coronavirus ee dhimashada badan ka sababay dalka Ingiriiska.

Seynisyahannada ku sugan sheybaarkaas oo lagu magacaabo Porton Down shaqadooda waxaa loo tix galiyaa mid aad u heer sarreysa, waxayna leeyihiin taariikh xiiso badan.

Laakiin khubaradan waxay hadda ka qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Qaar ka mid ah isla seynisyahannadaas ayaa horay u soo saaray qalabka Novichok, oo ah kii loo adeegsaday baaritaankii sumeyntii ka dhacday Salisbury. Sunta waxaa loo adeegsaday isku day dil oo lala damcay Sergei Skripal, oo ahaa sarkaal ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka.

Waxaa kale oo ay kasoo qeyb qaateen la dagaallanka iyo soo saarista dawada cudurrada Plague iyo Ebola.

Hadda waxay u heellan yihiin inay gacan ka geystaan raadinta dawada coronavirus iyo difaacidda shaqaalaha laanta qaran ee caafimaadka UK (NHS).

Wariyaha BBC-da ee arrimaha difaaca, onathan Beale, ayaa loo oggolaaday inuu muuaal kasoo sameeyo xaruntaas oo aan la oggoleyn in la galo, warbaahintana aysan fursad u helin inay dhex istaagaan.

"Waxaa jira waxyaabo uu sameyn karo sheybaarka, waa xarunta ugu fiican caalamka oo dhan, haddii la isu geeyo taageeradeenna iyo taageerada wasaaradda gaashaandhigga si la isaga kaashado howshan qaran", ayey tiri Barfasoor Dame Angela McLean, oo la taliyaha dhinaca arrimaha seyniska ka ah wasaaradda difaaca.

Shaqada ugu weyn ee loogu kuur galayo Covid-19 waxay ka socotaa qeybta afaraad ee sheybaarka.

Seynisyahannadan waxay sidoo kale ka fakarayaan sidii loo garab istaagi lahaa shaqaalaha caafimaadka ee u taagan sidii loo hormarin lahaa caafimaadka dadweynaha.

Tusaale ahaan, waxay garab siiyeen oo ay tiknoolojiyad ku caawiyeen howl-wadeennada gurmadka degdegga ah.

"Waaxda adeegga gawaarida ambalaasta ayaa noo yimid waxayna noo sheegeen in labo ka mid ah shaqaalahooda ay mar walba gacmacooda istiraasho ku marmariyaan muraayadda dambe ee gaariga, marka ay wasakhowdo, ayna 45 daqiiqadood ku qaadato nadiifinta baabuurta oo dhan, kaddib waxaan u sameynay qalab casri ah oo ay si deg deg ah ugu nadiifin karaan," ayuu yiri barfasoor Tim, oo ah seynisyahan ka howl gala sheybaarkaas.

Guud ahaan seynisyahannada caalamka ayaa iska kaashanaya xal u helidda cudurkan kasoo billowday Shiinaha, balse ku faafay caalamka oo dhan.